August 21, 2010

Kalinta Ay Haweenku ku Leeyihiin Horumarka Bulshada:

Hadii aan taariikh yar oo gaaban dib  u jaleecno bulshadu sideedaba waxay ka kobantahay rag iyo dumar guud ahaan, sidaa daraadeed horamarku  waxa uu ka yimaadaa dadaal ka yimaada raga iyo dumarka, hadaba waxaan jaleecaynaa kaalinta haweenku  kuleeyinhiin horamarka bulshada , iyadoo inta badan la tilmaamo uun kalinta raga, markaan sidaa leeyahay ugama jeedo waxaa la ilaaway kaalintii dumarku kulahayeen horamark, ee  waxan is idhi malaha ragu haweenkay u dhaafeen inay wax ka qoran kaalinta ay  ku leeyihiin horamarka bulshada.

Hadaba, ilbaxnimadan aduunku gaadhay iyo kalinta weyn ee laga gaadhay aqoonta waxay keentay in la fahmo kartida iyo kaalinta ay haweenku ku leeyihiin horumarka bulshada waxaan ogsoonahay kalinta aqoonta inay raga kagaba horeeyaan, sida la tijaabiyay inay xifdiga iyo luuqadahaba kagaba fiicanyihiin raga, qoraal kuma soo koobi karaayo sida ay haweenku uga dhex cadyihiin  qaybaha kala duwan ee bulshada.

Akhristayaasha sharfta le waxaan xasuusinayaa, Ilaah umadiisa  marka uu abuurayay wuxuu ka kala dhigay rag iyo dumar, labaduna wuxuu ilaah saaray xil aad u wayn  oo ah in ay Alle caabudaan   koon kan aynu joognana camiraan looma kala soocin oo lama oran raga unbaa u xilsaaran in ay koonka dunida camiraan ee si wada jir ah ayaa loogu xilsaaray. Dumarka somalida xilkaa Alle uu saaray ayaga oo gudanaya ayaa waxay ka qeyb qataan horumarinta bulshada qaybaheeda kala duwan,  waxaaba  la odhan  karaa raga somalida  ayaga ayaaba kaga faradhuuban arintaas.

haween

Dumarka somalida waxay noqdeen 20 sano ee la soo dhaafay laf dhabarka dhaqalaha wadanka. Waxaad arkaysaa hooyo  gelina wax soosaaraysa gelina ubadkeeda bar baarinaysa ,Hadii aan u soo daadago bulshada soomaalida iyo kaalinta aya ku leeyihiin  haweenku, run ahaantii intaana u galin kalinta ahay haweenka soomaaliyeed ku leeyihiin horamarka bulshada.

Waxaan ilahay ugu mahadinayaa in manta bulshada soomaalidu fahantay qiimaha haweenka, waxaanan ilahay u waydiinayaa dhambi dhaaf awoowyaasheen, oo xili jahiliya ku jiray kalana door bidi jiray raga iyo haweenka, dabcan waan u cudur daaraya,oo wakhti jahiligii dadku way isku xoog sheeganjireen, si badheedh ah ayaa xoolaha lookala dhici jiray, arimaha caynkaas ahina dumar shuqul kuma laha oo wax dhisid mooyaane dumar wax dumid iyo dulmi kama qayb qaadan karaan oo ilahay ayaa naxariis iyo nabad jacayl ku abuuray.

Hadaba, haweenku horamarka bulshada waxay kaga qaybqataan si toosa iyo si dadban,Si dadban ayay uga qaybtaanaan oo waxa hubaal ah nin halyay ah oo si toosa u fikiraya umadiisana wax u qabanaya waxaa ka dambaysa dhabeel, oo horaa loo yidhi haweenbaa rag is dhaafshay, sidoo kale hal xidhaale ayaa waxaa ka mid ahaa nin waligaa ma gaadhid, oo loola jeedo nin kaa naag wanaagsan waligaa magaadhid, taasi waxay inoo cadaynaysaa in kaalinta wanaagsan e ragu kuleeyihiin bulshada dhex dheeda ayana ka faro madhnayn ee ayay si dadban ugu lugleeyihiin.

Hadaba, bal aan si taarikhiya aan u soo sheegno kaalinta mar waliba haweenku ku lahaayeen bulshada soomaalida,  Hadaba waxay umada Soomaaliyeed soo mareen marxaalada Adag oo kaladuwan, iskugu jira, wakhtigii Gumeeysiga iyo xornimo doonkii  ooy kaalin wayn ka qaateen haweenkuna xornimo raadiskii shacabka somaliyeed waakii Sayid maxamed Abdalle Hassan gabay uu tiriyay ku lahaa “gare iyo guntaneba maalintuu gees iskugu baydhay, Allaa noo gargaaree markuu shicibku guulaystay.”

Tixdaa oo na tusinaysa inay dumarku kaalin wayn ka qaateen xornimo doonkii soomaliyeed, Xawo taako oo ahayd halgamaa wayn oo u soo halgantay xornimo doonkii soomaaliyeed ayaa tusaale inoogu filan inay haweenku ka qayb qaataan dhaqdhaqaadha bulshada.

Guubaabada, shacuurkicinta, iyo dareenka wadaniyad nimo ku dheehantahay. kadib markii gobanimada la gaaray waqtigii kacaanka oo aay guulo la taabto gaareen xagga ka qaybgalka siyaasadeed iyo go’aan gaarida.

Iyadoo sidaan wada ogsoonahay dhibatada somaliya ka tagan  dadka ayay sida xun u taabatay ama ugu duldhacady ayay haweenka soomaalida tahay, hadana waxay marwaliba u heelanyihiin ka samatabixinta dhibaatada umadooda, hadii suugaan lagu soo bandhigo iyo hadii shir lagaga wada hadlaayo sidii looga bixilahaa dhibaatadan kaalin mihiima ayay kaga jiraan.

Dumarka somalida  waxay noqdeen kuwa ka shaqeya is kaashiga iyo is garab qabsiga iyo saacidaadka dadka dhibaateesan, taa waxaa cadayn u ah, gacanta wanaagsan ee ay  ka geesanayaan walaalaheena dibadda iyo gudahaba ku nool sida ay wax ugu qabanayaan  walaalahooda ku dhibaateesan wadanka gudahiisa, waxaad  maqlaysaa waxaa deeqdan dhaqaale soo gaarsiiyay dhibanahaan ama dadkan tabaaleesan gabdho jooga wadanka gudahiisa iyo dibadiisa waxayna u qalbi furan yihiin marwalba caawinta dadka tabaalaysan.

Dumarka somalidawaxay habeen iyo maalin ku hawlanyihiin sida ay u soo saari lahayeen ubad wanaagsan, jacel dadkiisa iyo dalkiisa naftiisana wax tara, waxaad arkeesaa  dumar badan oo caruurtooda kala soo cararay wadamada reer galbeedka oo caruurtooda  ku haya wadamaha carabta si ay u badbaadaan u bartaan diintooda toosan.

Hibo Abdi Kamil

Email: hibo_kamil05@hotmail.com

Login