August 20, 2010

Mudane Madaxweyne Wasiirka Cusub ee Diinta Iyo Awqaafta Shaqada Ka Eri Intaanu Adiga Kaa Eryin!!!

Shacbi ahaan reer Somaliland umalaha dhaqan in cunfi,dagaal iyo mitidnimo ku raadiyo mabda,fikrad, madhabo ama dariiqooyin ay kala aaminsanyihiin taana waxaa inoo diiday diinta suuban ee islamka ee aynu haysano iyo dariiqada saxa ah ee aynu ku taaganahay taasoo in faraysa in aynu kuwada noolaano nabad dadka kale ee caalamkana kula noolaano nabadgelyo iyo isixtiraam cid kalena aanaynu dhexgelin arrimahooda taasna waxa lagu mahidiyaa ilaahay iyo macalimiintii wax ina soo baray iyo culimadadii wadankan u kacay intii uu jiray.

Taariikhiyan waxa jira sanadadii todobaatanadii markii petro dollarku soo baxay ee wadamada khaliijku heleen lacag badan oo uga soo hoyatay petrolka, in dawladahaasi ay bilaabaan in ay dacwada ay fidiyaan oo lacag badan ay geliyeen sidii dacwada loo fidin lahaa mabdaii shuuciga ahaana loo baabiin lahaa laakinse istraajiitiyad iyo aqoon la’aan ku habsatay dawladahaa ayaa sababtay in dadkii ay wax u dirteen dhinaca kale ugu rogay oo ay bilaabeen in ay dariiqado u gaara bilaabaan oo dhalinyaradii fiicnayd wadadii ka habaabiyaan taas oo ay bareen in dadka kale iyo diimaha kale lala dagaalamo la isqarxiyo, jihad aan jirin ay ku dhawaaqaan iyo ta ugu weyn in la qayb qaybiyo umada islaamka oo qaarna la yidhaa waa muslim qaarna waa gaalo ee wax halala cunina, ha la tukan, ha la socon.

Hadaba, Somaliland ahaan dunida ayeynu ka mid nahay oo way jireen dhalinyaro ay arrimahaas aan soo sheegnay wax ka bedeleen oo aan odhan karo waxa ka mid ah wasiirkan cusub ee diinta laakinse Somaliland ahaan wax athaara oo diinntaa la casriyeey inagu yeelatay ma jirto hadii laga tegi waayo waxa soo baxay dhawr argagixisada caalamka ku jira sida in Godane iyo qaar kale oo nasiib wanaag aan ku guulaysan in ay dhalinyaro badan marin habaabiyaan sida dhalinyarada konfurta Somalia ay u galeen oo kale taasna waxa mahadeeda ilaahay ka dib leh dhalinyarada fiican ee reer Somaliland ee kala gartay saxa iyo qaladka.

Hadaba, Madexweynaha cusub ee Somaliland maaha nin lagu xaman karo in uu taageero ururada xag jirka ah ama madhaba cusub ee fidmooyinka u ololeeya laakinse iminka waxa dadka badankiisa shaki geliyey ninkan cusub ee uu u magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta oo xantii lagu xamanayey maalintii la magacaabay oo dadka badankiisu lahaa waa taageerayaasha ururka waalin ee al shabaab ay manta markhaati xantaasi u noqday talaabooyinkan uu ku joojiyey barnaamijyada diiniga ah ee ka bixi jiray radio hargeisa.

Hadaba, xaq u malaha in uu joojiyo liano wax khalad ah oo uu sheegay ma jirto ee wuxuu ku gaabsaday waa barnaamij qadiimiya taas oo kuu cadaynaysa in uu balaayooyin kale la soo socdo dhinaca kale waxa laga yaabaa in uu ka faaiidaystay iyadoo aanu wasiirkii infomationku weli la wareegin shaqadiisii taasoo aan filayo in aanu wasiirku yeeleen arrintan wadaadkan mutadarifka ahi ku kacay waxaa iyana mudan in la sheego in ay jiraan wadaado kale oo laba shaad xidhan taas oo shacbigana kula socda shaad cad wadaadkana kula socda shaad madow hadaba qoladaa qudhoodu waa in ay iscadeeyaan oo laba jeeblaynta ay iska daayaan.

Hadaba, manta wasiirkan cusubi wuxuu soo wadaa fidmo diimeed oo waxyaabo uu ka soo maqlay ama ku arkay markii uu sucuudiga joogay doonayaa in uu halkan ka fuliyo manta ma oga in sucuudi arabiya isbedeshay wahaabiyadiina ay beri hore tureen mitid nimadii diintana ay dagaal weyn kula jiraan taasna ay ku guuleysteen hadaba wasiirkan cusubi waxaan filayaa in uu cinwaan khalad ah ku socdo oo meesha ay ahayd in uu wasiirka noqdaa ay ahayd DAWLADA SHAYAADIINTA SHABAAB ee MUQDISHO ee aaan boos uga banaanayn dawlada Somaliland.

Hadaba, madexweynaha cusub waxaan leeyahay sidii berigii la yidhi markii ina Cabdilla Xasan ka soo degay Berbera ayaa odayaal reer Berbera ahi oo la sheekaystay markiiba ka boodeen wuxuu wado ka dibna ay ingriiskii ku yidhaahdeen WALEE HADII AANAD MAANTA QABAN NINKAN IN BERI AAD MEEL DHEER KA RAADIN DOONTO taasina ay dhacday ayaan leeyahay Mr President wasiirkan cusub cidii kuu soo qortay ama kaa waastaysay waa cid ku lidi ah kursigan aad ku fadhido oo doonaya in ay madhabo cusub inoo soo waarido madhabaas oo kuwa ku naqma ay ka mid yihiin mujrimiinta ururka shayaadiinta shabaab ee Muqdisho qasaya hadii aad wax ka qaban weydo berito ogow in aad ku sifoobi doonto in aad taageerto ururada xagjirka ah hadaba manta ninkan firegree intaanu adiga ku firegrayn.

Hadii taasi dhici weydo waxaan filayaa in mudaharaadku kuugu iman doono xafiiskaaga taasna aad ku waayi doonto kalsoonidii dadkii ku soo doortay.

Mahadsanid

Omer Jama

Email: nabadaje@gmail.com

Login