August 19, 2010

Xagay Ku Danbeeyeen Dhuxul iyo Sayid “Ma Badaa Liqday?”

Nimankii codka dhiiranaa, nimankii sida leebka weedhahoodu uga dhexbixi jireen dawladii Riyaale, nimankii garamadoodu kala ahayeen Nr. 9 & Nr. 10 dream teamka Radio horyaal nimankii codkooda ku tilmaami jiray codka shacabka.  Nimankii jeelasha aan ka dhamaan jirin xaalad abuur awgeed nimankii kusoo shaac baxay cayda iyo iyo wararka aad moodijirtay in rooxaani u warami jirtay  nimankii isku tilmaami jiray inay indhaha iyo dhagaha shacabka Somaliland yihiin.

Ragii sifooyinka caynkaasa lahaa een islahaa manta waxay ka noqonayaan warbaahinta qaranka horyaalo waawayn ayaa Mr. Geeljire oo kusoo shaac baxay mafrashkii Dube iyo doolaal, kuwaasoo iska dhanxiiraysnaa miyaa  warfaafintii siday u dhamayd jeebada kaga shubtay!

Waa qisiyo yaable, arin aad iiga yaabiyay siyaasada kulmiye ee nimankii kaadidooda usoo cabay xisbiga intay dheecankii ka muusdadeen durba daadka raaciyay, anigoo islahaa godobtay u galeen kulmiye awgii eey shaqooyinkoodii ku waayeen miyaa manta sidaa lagu iloobay.

Nabadeeeeeeeey

Xaaji Muruq

Email: muruq-maal@hotmail.co.uk

Login