August 19, 2010
Maamul-jabhadeysan iyo Fadeexado ka Soo If-baxay Wasaarada Maaliyadda
Hargeysa (Yool) - Fadeexado iskugu jira Maamul-jabhadeysan iyo Wan-jalaado, ayaa ka dhex bilaabmay madexda iyo shaqaale hoosaadka ka hawlgala Kastamada dalka, gaar ahaan Kastamada Wajaale iyo Kalabaydh ee Galbeedka Hargeysa, kaasoo marin ay isaga gooshaan u ah Boqolaal Ganasato ah oo Badeecadahoodu isaga gudbaan xuduuda isku xidha Somaliland iyo dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya.
Dhacdadii u horeysy ee la xidhiidhay fadeexadaha iyo wan-jalaadaha ka dhex aloosan hawl-wadeenadaasi aynu kor ku soo sheegnay, ayaa Shalay ka dhacday goobta lagu Magacaabo CAABUD’LA oo dhawr iyo Labaatan Kilo Miter W/Galbeedka ka xigta Caasimada Somaliland, ka dib markii raxan ka mid shaqaale hoosaadka Kastamada wajaale iyo Kalabaydh oo uu gadhwadayn ka yahay nin lagu magacaabo mukhtaar Jibriil oo ka mid ah shaqaalaha Kastamka Kalabaydh, ay hawlgal qorsheysan ku fuliyeen mid ka mid ah gaadiidka Qaadka oo ay leedahay shirkada Qaadka ee 571, kaasoo siday daabulooyin ah Jaadka loo yaqaano Dadarta oo ahaa kii shirkedu ugu talogashay Magaalada Hargeysa.
Sida ay Wargeyska “Yool” u sheegeen ilo xog-ogaala ah oo ku dhow-dhow maamulka Shirkeda 571, gaadhiga shixnada siday oo Hiirtii Waabari ee Shalay ka soo talaabay Magaalada xuduuda ku taala ee Wajaale, halkaasoo maamulka kastamka Kalabaydh-na uu sida caadiga ah ku hubiyey Kilo-garaam ahaan xadiga Jaadka ah ee uu sido, ka dib-na loo gooyey warqada loo yaqaano Enteriga oo uu ku cad yahay culuska shixnada gaadhigu siday oo ahayd 3341. KG oo Jaad ah.
Haseyeeshee, intii aanu gaadhigu ka soo dhaqaaqin isla goobtaas, ayaa sida ilahaasi tibaaxeen, waxa Darawalkii gaadhigu uu ku wargaliyey Mukhtaar Jibriil in gaadhigu si toos ah u baalmaro kastamka Kalabaydh oo ah goobtii uu la tagi lahaa warqada Enteriga ah si looga qaado cashuurta ku waajibtay, isagoo sabab uga dhigay in Kastamka Kalabaydh ay wakhtigaa joogeen koox kormeer ah oo ka socday Wasaarada Maaliyada, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Wasiirku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Waaxda Kastamada.
Wadihii gaadhigu isaga oo fulinaya amarka uu siiyey Mukhtaar Jibriil, waxa uu si toos ah u soo qaaday jidka dheer ee isku xidha Magaalada Hargeysa iyo Kalabaydh, isagoo aan ka shaki qabin wax carqalad ah oo arintan kaga yimaada, sidaana waxa uu kaga soo gudbay dhowr Kaantrol oo ay ka mid yihiin Kalabaydh, Gabiley iyo kan Magaalada Arabsiyo, balse arintu maa ay noqon mid sidaas ku dhamaata waxana hal mar soo baxay qorshihii dhabta ahaa oo kooxdaa aynu soo sheegnay ka lahaayeen arinta gaadhiga. Waxa kale oo iyagu-na buulka soo baxay koox iskugu jirtay saraakiil iyo hawlwadeeno ka kala socday ganacasiga, amnigareeshinka iyo xubno ka tirsan Ciidanka Booliska, kuwaasoo watay gaadhi uu leeyahay Ciidanka Booliska ee Degmada Wajaale.
Waxa kale kooxdaasi ay xidhiidh dhinaca Telefoonka ah la soo sameeyeen taliyaha rugta booliska ee Arabsiyo, kaasoo ay ku soo wargaliyeen inuu qabto gaadhi cashuurtii la soo baxsaday soo-na baalmaray Kastamka Kalabaydh gaadhigaasoo siday Jaad ay leedahay Shirked 571 ee uu leeyahay ganacsade Kayser Afdiinle.
Haddaba, gaadhiga oo wakhtigaa soo dhaafay Magaalada Arabsiyo awgeed, waxa taliyihii rugta booliska Arabsiyo uu la xidhiidhay askarta ku sugan kaantrolka Caabudla, kuwaasoo taliyuhu ku wargeliyey inay qabtaan gaadhigaas.
Gaadhigan ayaa markii ay Ciidanka boolisku halkaa ku joojiyeen, waxa uu warkiisu markiiba gaadhay maamulaha Kastamka Kalabaydh Md. Cabdiraxmaan Cirro, oo isagu-na sida dad goobjoogi ahi sheegeen markii uu arinta Gaadhiga la socodsiiyey Wasiirka Maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, uu si degdeg ku jiro Wasiirku ugu jawaab celiyey Maamulaha inuu hayo warka gaadhiga, oo uu xogtiisa ka helay wakhti hore Mukhtaar Jibriil.
Si kastaba ahaatee, gaadhigan iyo xamuulkii Jaadka ahaa ee uu siday, ayaa loo soo kaxeeyey dhinaca Tuullada Abaarso, halkaasoo sida wararku sheegeen gaadhigii iyo xamuulkii uu siday lagu sii daayey abaara Tobankii Subaxnimo ee shalay, ka dib markii lagu xukumay inay bixiso Shirkada 571 laba lacagood oo kala ah cashuurtii sharciyan ku waajibtay oo dhamayd 1149300 Shilin Somaliland ah iyo lacag kale oo ganaax ah oo iyadu-na ahayd 1149300. /=, ganaaxaasoo ahaa mid ku qiimaysan Boqolkii-ba Boqol marka loo eego heerarka uu kala leeyahay ganaaxu.
Inksatoo bixinta Lacagta ganaaxa ahayd uu diiday Wakiilka Shirked 571 ee Hargeysa Siciid Maxamed Gaaxnuug, oo isagu ku dooday in aan xaq loogu lahayn ganaaxa intaas leeg, isagoo arintaa deedafeynayana, waxa uu Md. Gaaxnuug tusaale u soo qaatay qaabkii Wasaarada Maaliyaddu u la dhaqantay gaadhi Marki 2 ah oo ay lahayd Shirkada Gaafanne oo la soo qabtay isaga oo la baxsanaya cashuurtii oo markii dambe si xaalmastuur ah lagu siidaayey, ka dib markii ay u dhaqdhaqaaqeen kooxo ka tirsan Xisbiga tallada haya ee KULMIYE sidaana lagu siiyey inta laga qaaday ganaax qiimihiisu aad u hooseeyo.
Inkastoo sida wararku sheegayaan uu korodh badani ku yimid dakhligii ka soo xoroon jiray goobahaas, hadana marka la eego fadeexadaha iyo wan-jalaadahan oo sida sheegay loo aanaynayo inuu sabab u yahay Wasiirka cusub ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, hada shaqadiisu u muuqato mid la mid ah qaabkii jabhadaha oo kale, oo isagu masuuliyiintii sare ee Kastamada ka barbarsameeyey ilo-wareedyo hoose oo ka mida shaqaale hoosaadka Kastamada, kuwaasoo uu ugu talo galay inay soo siiyaan qaabka ay u shaqeeyaan Masuuliyiinta Kastamada oo sida cad aanu ku kalsoonayn Wasiirku.
Haddaba, arintan ayaa hadii ay sidaas ku sii socoto waxa ay keeni kartaa inay gabi ahaan-ba istaago xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeyey madaxda iyo shaqaale hoosaadka kastamada.
Source Wargayska YOOL
