August 19, 2010
Faalo: Xukuumadda Siilaanyo Iyo Saxaafadda Somaliland “Maxaa Sacabka Habeenkii Loo Tumaa Hadaan Xeeladi Ku Jirin?”
Waxa shalay hotel Impirial ee magaaladda Hargeysa uu siminaar uga furmay, xubno ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland. Kaas oo ujeedadiisu tahay in boodhka laga jafo xeerkii saxaafadda ee ay soo diyaarisay xukuumadii madaxweyne Rayaale ee ay damacsanayd in ay ku badasho xeerka saxaafadda Somaliland oo hore Golaha wakiiladu u ansixiyeen Madaxweynaha Somaliland-na wakhtigaa sexeexay, isla markaana lagu dhaqmo, ee xeer no:27/2004, balse la laalalay
ka dib markii ay si ba’an uga qayliyeen, saxaafadda iyo xisbiyadii mucaaridka ahaa, gaar ahaana xisbiga Kulmiye oo haatan ah xisbul xaakimka dalka. Xeerkan saxaafadda ee ay durba la soo boodeen xubno calaamadsan oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland oo ay hormuud ka yihiin Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, Xil C/raxmaan Yuusuf Cartan iyo Xil Rayte, waxaana soo agaasimay Mr. Xassan Maxamed jaamac (Xassan Xiis) oo ka mid ah saraaakiisha sar sare ee shirkadda Dahab-Shiil, isla markaana wakiil u ah hay’adda Maraykanka ah ee la yidhaahdo (IREX), Waxay se is waydiintu tahay sababaha xiligan loo soo qaatay xeer saxaafadeedkan oo hore loo diiday, maadama uu yahay xeer lagu talagalay in lagu cabudhiyo xoriyatal qowlka…….
Waxa taa ka sii daran iyadoo xubnaha xildhibaanadda ah ee imika damacsan inay xeerkan saxaafadda ee ku lidka ah nidaamka dumuqraadiyada dabada uga riixaan si loo meel mariyo, maadama ay ahaayeen xubnihii ugu fir fircoonaa ee dagaalka ba’an ee qalinka ah, kaga hor tagay xeerkaa ay maanta la ordayaan, sidoo kalana ololaha ka galay golaha wakiiladda dhexdiisa si aan marnaba xeerkan loo hor keenin.
Arinta kale ee layaabka lihii waxay tahay in si loo fuliyo loona meel mariyo xeerkii saxaafadda ee hore hoosta looga xariiqay xaarantinimadiisa, in hadana maanta raggii shalay ka qaylinayay ay daaqad kale ka soo galiyeen, iyagoo si farsamaysan oo xeeladaysan u meel marinaya, laguna kala xadayo aragtida suxufiyiinta loo soo qaabeeyay siminaarka lagu gorfeynaayo, hab lagu sheegayo in wax ka badal iyo kaabisba lagu samaynaayo xeerka saxaafadda ee jira, lana bar bar dhigo kii la laalay ee xukuumadii hore ku doonaysay inay ku xakamayso warbaahinta.
Hadaan qodobada qaarkood idiin soo bandhigo waxaad ka arki doontaan in mihnada saxaafadda oo la mid ah aqoonta kale ee cilmi ee la barto sida Injineernimada, Dhakhtarnimadda aanu qofka soo bartay ku shaqo tagi Karin ilaa uu kaadh mudaysan oo wakhtigiisu cayiman yahay uu ka helo wasaaradda warfaafinta iyadoo aan looga baahnayn shahaado iyo imtixaan kale midna, sidaa darteedna suxufi waxaad noqon kartaa oo kaliya marka aad kaadh sanad leh ah ka hesho, wasiirka warfaafinta cusboonaysiintiisana ay xaq u leedahay wasaaradda warfaafintu.
Qodobo tiro badan oo qeexaya arintan ayuu xanbaarsan yahay xeerkani, waxaana ka mid ah: Qodobka 11aad oo dhigaya wasaaradda warfaafinta ayaa waxa ay bixinaysaa kaadhadh loo yaqaan fududaynta kaadhadhka saxaafadda oo afka qalaad ku ah, (Press Facility cards).
Qodobka 13aad oo isna sheegaya “Iyadoo la xeerinayo shuruudaha qodobka 11aad ee sharcigan, codsiyada lagu dalbanayo kaadhka saxaafadda waxa loo qoronayaa, wasaaradda warfaafinta iyadoo ay la socdaan dokomantiga kale (Macluumaad) ee loo baahan yahay (Lama qeexin)”. Hadii diidmo la sababeeyay kaga soo noqonto ama war celinba ka soo noqon waydo mudo dhan sodon maalmood waxa uu codsaduhu u rafcaan qaadanayaa cida ku haboon mudo ku siman bil. Marka uu diidmadaa helo ama ay ka soo wareegto codsigiisa war celin la’aantu ku dhacday.
Qodobka 18aad xubintiisa a) waxa uu dhigayaa: Suxufigu wariye waa uu noqon karaa dhawr hay’add saxaafadeed oo maxali ah ama ajnabi ah isla mar kaliya, hadii uu ruqsad uu labadii sanadoodba mar la cusboonaysiinayo uu ka haysto wasaaradda warfaafinta.
Kuma koobna dhawrkan qodob balse intaas baa ku filan tusaalayaal, waxa-se kale oo intaa dheer iyadoo uu xeerkani dhigayo qodobo kale oo xakamayn ah oo dhinaca dhaqaalaha ah oo saxaafadda lagu soo rogay qarnigii 17aad, kaas oo ujeedadiisu ahayd in cashuur xad dhaaf ah la saaro warbaahin kasta oo ka hor timaada siyaasadda xukumadihii casrigaas oo boqortooyooyin u badnaa.
Hasa yeeshee dagaal dheer oo dhex maray shacbiga iyo saxaafadda oo isku dhan ah iyo boqortooyooyinka ayaa lagaga soo gudbay, waxaana qodobada ku jira xeerkan ka mid ah.
Qodobka 53aad waxa uu dhigayaa “Mulkiilayaasha wargeysyada iyo Majaladuhu waxa ay samaynayaan buugaag xisaabaadka oo mabaa’dii sax ah lagu diiwaan galiyo, waxaanay u diyaarinayaan xisaabiyayaal cayiman iyo hanti dhawrayaal, inay u eegaan ama u xidhaan xisaab sanadeedka.”
Qodobka 54aad ayaa isna qeexaya “Wasaaradda maaliyada ayaa faaqidaysa bugaagta xisaabaadka ee wargeysyada, miisaaniyadooda iyo foojaradooda si loo sugo inay raaceen hab dhaqanka qaybtani tilmaamayso.” Xaqiiqo ahaan suurto gal maaha inaan qodobaadaas oo dhan idiinku soo bandhigo qoraalkan, waxase aan xusayaa qodobo kale oo ka hadlaya qaabka xakamaynta xayaysiisyadda oo aan la baahin Karin ilaa wasaaradda warfaafinta la soo mariyo, lagana soo diiwaan galiyo lacagta laga qaaday, waana qodobada 68aad, 69aad, 70aad iyo 71aad.
Intaa marka laga tago waxyaabaha kale ee uu xanbaarsan yahay xeerkani waxa ka mid ah qodobo laga soo dheegtay kuwii ay kali-taliyayaashu ku dhaqmi jireen, sida in la ciqaabi doono cid kasta oo qorta ama baahisa wax kastoo wax yeelayn kara nabad galyada, taas oo aan lahayn meel lagu bar tilmaameedsado, balse wax iliyaaalo wixii la doono loo cuskan karo.
Isku soo wada xooriyo marka xeerkan la eego, marnaba maaha mid u cuntami kara shacbiga axraarta ah ee dhaqanka iyo hidaha u leh ku dhaqanka xoriyatul qowlka, sidaa daraadeed waxaan u soo jeedin lahaa, ragga dabada ka riixaya xeerkan ee horena uga caban jiray inay ku celiyaan halkiisi, kana fikiraan mustaqbalka wanaagsan ee umadda, balse aanay ka fikirin oo qudha dantooda iyo waxa maanta indhahoodu arkaan oo kaliya.
