August 18, 2010

Wariye Haashim Sh. Cumar Good Waa Halyay Reer Awdal

Marka hore waxaan leeyahay Rabadaan kariim dhamaan muslimiinta kukala nool daafaha dunka markalabaadna waxaan salaamayaa bulshowaynta ku dhaqan Gobolada Awdal iyo Salal iyo dhamaan websiteyada caalamiga ah ee reer Awdal iyo akhrista yaashooda sharafdabadan.

Maalmahan waxaa isoo gaadhaya warar sheegaya in Dowlada naafada ah ee siilanyo ay kula kacday wariye Haashim sh cumar cagajuglayn iyo sixun wax u waydiin kuwaa soo ka baxsan nidaamka iyo sharciyada ay saxaafada iyo dowladuhu ku wada hadlaan marka isfahan waa dhaxyimaado.

Hadaba wariye haashim good waaa kuma.  Wariye haashim good waa wariye karti,xigmad iyo aqoon ilaaahay ku manaystay kuna howlgala aqoonta saxaafadeed ee uu ku soo takhasusay, waa wariye aad looga jecelyahay dhamaan deegaamada afsoomaliga lagaga halo sida soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo kiniyaba, waa wariye ka haqabtira dhamaan xaladaha ka jira soomaliland/Gobolada waqooyi umada soomaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.

Waa wariye hantay quluubta iyo qalbiyada dadwaynaha ku dhaqan Gobolada Awdal iyo salal, waa wariye ay ilgaara ku eegaan dhamaan qurbajooga ka soo jeeda Awdal iyo Salal oo uga bartay inuu waraabiyo warar xaqiiqa oo ka turjumaya xaalada dhabta ah ee ka jurta dalkoodii hooyo,waa wariye sitoosa iyo si dadbanba ugu dhiiri galiya bulshada horomarkooda wax wada qabsigooda iyo iskaaashiga dhexdoodaba.

Hadaba sidaas tarteed waxaan aaminsanahay in wariye haashim reer Awdal/Salal uga qiimo badanyahay Siilaanyo iyo Sayliciba, waayo siilaanyo iyo saylici waxay awdal/iyo salal ka ridaan mooyaane waxba u soo kordhinmaayaan Ilaahada inta laga arkay waa la ogyahay ifafaalaha muuqdana sharmooyaane khayr kama soo socdo.

Ugudanbayntii waxaan uga digayaa Dowlada siilaanyo ee isdhexyaacsan inay marlabaad isgu daydo inay fal nuucaasoo kale ah kula kacdo suxufiyiinta sharafda badan ee bulshadooda u adeegaya.

Wabilaahi Towfiiq

Ahmed sh Mohamed

Email: Ilays3392@hotmail.com

Login