August 17, 2010

Warqad ku Socota M/Ku-xigeenka Somaliland C/raxman Saylici

Ujeeddo: Wariye Haashim Sh. Omer Goth

Aniga oo ku hadlaya magaca shabakadda Awdalpress.com iyo saxaafadda xorta ah, waxan ka xumahay in aan maqlo amma aan shabakadaha qaar ka akhristo war sheegaya in Wariye Haashim ay Boliska Degmada Borama su’aalo laga weydiiyeen sheeko ku qorrayd shabakadda Haatuf ee madaxa bannaan. Arrintaasi oo ay shabakadaha Qaran, Saylacnews, Harowo iyo kuwo kaleba ay soo qoreen Waxana si cad ugu qorreyd in ay arrintaa ka dambeeyeen shakhsiyaad uu ka mid yahay M/ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici. Nasiib darrana aanan illaa iyo maanta ka maqal wax beeninaya warkaasi.

Markii aan Wariye Haashim kula xidhiidhay khadka telefoonkana waxa uu ii sheegay in ay arrintaasi jirtay, laakiin aanu xadhiggu jirin. Arrinta xorriyaddiisa lagu soo weerarayna ay ahayd mid aanu shaqo ku lahayn. Haddii ay dadka qaar dhibsadeenna ay ahayd in la warsado tifaf tiraha shabakaadda uu warku ku qorraa. Balse aanay xaq iigu lahayn in ay aniga xorriyaddayda iigu yimaaddaan.

Haddaba waxa aan M/ku xigeenka iyo shakhsiyaadka la tuhmayaba ka codsanaynaa in ay Wariyahaasi oo tifaftirayaasha shabakaddayadan awdalpress.com ka mid ah, ay sida ugu dhakhso badan uga jawaabaan warkaasi oo aanay illaa immiga ka hadlin. Haddii ay jirto iyo haddii aanay jirin. Iyo waliba sida ay u jirto.

Waxanan mas’uuliyiinta Somaliland la socodsiinaynaa in aannaan saxaafad ahaan raalli ka ahayn in la cabudhiyo amma dhibaato loola yimaaddo saxaafadda xorta ah, haddii ay qalad arkaan amma ay saxaafaddu xadkeeda dhaaftana waxa ay xaq noogu leeyihiin in ay nala soo socodsiiyaan.

Laakiin waxan annagu mar walba u darbannahay iftiiminta iyo ururinta ra’yiga dadweynaha. Aragtiyaha kala duwan ee ay muwaaddiniintu cabbirayaanna waan soo nashrinaynaa cidna kalama tashanayno. Saxaafadda dawladda iyo afhayeennada hay’aduhuna waxa u bannaan in ay mar walba jawaab ka bixiyaan wixii fikir ah ee ay ka biyo diidsan yihiin. Balse xaq uma laha in ay xorriyadda ka qaadaan amma cabudhiyaan, sida maalin dhaweyd ka dhacday Hargeysa.

Sidoo kale waxa iyana aad noola soo xidhiidhay dadweyne aad u fara badan oo daafaha dunida daadsan. Aadna uga xumaaday warkan soo baxay iyo ka hadal la’anta mas’uuliyiinta loo tirinayo. Sidaasi daraaddeed waxa loo baahan yahay in la is qanciyo.

Awdalpress.com Webmaster

Login