August 17, 2010
Muqdisho: Nin Carabka Alshabaab Ka Jartay Oo Warbaahinta Loo Soo Bandhigay.
Muqdisho:- Magaalo Madaxda dalka Somaliya ee Muqdisho oo maalin walba lagu arko dhacdo layaab leh, isla markaana dagaaladda ragaadiyay iyo xiisada ka taagani mar walba ka sii daran, ayaa waxa maalintii maanta lagu soo bandhigay meel fagaare ah, dhacdo cid kasta oo aragtay ama maqashay ku abuurtay argagax. Dhacdadan ayaa ahayd nin sida la sheegay Kooxda xag jirka ah ee Alshabaab ay carabka Ka Jareen, kaas oo xaaladiisa nololeed meel xun marayso xiligan.
Sida wakaaladdaha wararku ku warameen Ninkan oo lagu magacaabo, Axmed Cali Shuuke ahna wiil dhalinyaro ah oo da’diisu sida la sheegay u dhaxayso 25-30 jir. Waxa carabka ka jaray kooxda Alshabaab ka dib markii sida hooyadii sheegtay ay qabteen isagoo kaaryoone uu ku xamaalan jiray wata. Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka Gobolka Banaadir Muxiyadiin Xasan Afrax oo isagu ka qayb ahaa hor keenida warbaahinta ee ninkan dhibanaha ah ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay bilabaeen dhaqan cusub oo ay dadka carabka kaga jarayaan.”Falkan waa fal naxdin leh, waa arrin ugub ah, ma cusbeyn in ay dadka dilaan oo ay madaxa gooyaan, laakiin waxaa anfariir ah in muwaadin soomaaliyed carabka ay ka jaraan”ayuu yidhi Muxiyadiin Xasan Afrax.

Hooyada dhashay ninkan dhibanaha ah ee carabka laga jaray ayaa ka warantay sidii dhacdadan foosha xumi ugu dhacday inankeeda. Waxaanay sheegtay in uu wiilkeedu ku xamaalan jiray kaaryoone ama gaadhi gacan sida qofba u yaqaan, ka dibna isagoo sida ay xustay allaab uu kaaryoonka ku siday ka soo qaaday Bakaaraha una wada xaafadda Xamar weyne koox hubaysan oo degaanka ku sugani ay qabteen isaga iyo sadex qof oo kale oo la socday, kuwaas oo aanay wax shaki ah ka qabin inay alshabaab yihiin, sababtoo ah iyagaa xukuma degaankaas.
Mana jirto cid kale oo hubaysan oo ku sugan aagaas. Sida hooyadaasi sheegtay markaas ayaa inankeeda carabka laga soo jaray, waxa kale oo hooyadda ninkan carabka laga jaray dhashay ay ka warantay dhibaatada nololeed ee la soo deristay wiilkeeda, iyadoo sheegtay in cuntada lagu siiyo siliishka geela lagu mudo (waa irbada geela lagu mudo inta siliishka ah ee dawada qaada) Runtii qaabka naxdinta leh ee ay u quudiso wiilkeeda ayaa dadkii goobta ku sugnaa ay si wayn uga wada qiiroodeen.
Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa ugu baaqay Hey’adaha xuquuqda aadanaha, gaar ahaan Amnesty International inay wax u qabtaan ninkaas oo uu sheegay in xaaladiisu halis ku jirto xiligan. In la dilo oo kooxahaasi soo beegsadaana dhici karto.
Wiilkan dhalinyarada ah ee noloshiisi la burburiyay ayaan isagu awoodin inuu ka waramo sidii dhibtu ugu dhacday maadama oo carabka oo ah ka in qofku hadlo sahlaa ka maqan yahay, sidaa si la mid ahna ma awoodi karo inuu wax cuno ama cabo.
