August 17, 2010
Haatuf-ka Maanta: Ma Is Tidhaahdeen Xisbigii Udub Way U Dhamaatay…!!!!!
Ma Is Tidhaahdeen Xisbigii Udub Way U Dhamaatay Kol Haddii Ay Hogaankiisii Ay wali qoorta kaga madhanyihiin Wasiiradii Rayaale Ee ay dadku naceen. Udub waxa ay u baahnayd hogaan cusub iyo talo balaadhan oo ku celin karta halkii Xisbigu ka soo dhacay. Laakiin Udub meel ma gaadhi karto intay caynaanka u hayaan nimankii riday. Ma awalbay nimankani wax iska hagranayeen sawtii intay dadku ka quusteen Hadhka cad Udub dhinaca kulmiye ugu yaaceen. Ma kula tahay cod ay soo kordhiyaan bay Udub mahadin doontaa? Miyaanay ahayn kuwii Magaalooyinka waaweyn iska daayoo Tuulayaashii ay ku dhasheen doorashadii lagaga badiyay.
