August 17, 2010
Boqor Maxamuud Carab Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Cadeeyo Mawqifka Uu Ka Taagan Yahay Amarka Wasiirka Diintu Ku Joojiyay Nabi Amaankii Iyo Barnaamijkii Diiniga Ahaa
“Nabiga Hortiisa Ayaa Laga Qaadi Jiray Qasaa’idka Oo Inaadeerkii Jacfar Ayaa Isgoo Soo Galaya Intuu Istaagay Ku Amaanay Laba Bayd Oo Gabay Ah Oo Uu Leeyahay Nabiga Ha Loo Istaago” Boqor Maxamud Cali Carab
Hargeysa (Haatuf) – Boqor Maxamud Cali Carab oo ka mid ah madaxdhaqameedada Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer ayaa waxa uu amarkii wasiirka diinta iyo awqaafta ee joojinta barnaamijkii Neecawda Ramadaanta iyo qasaa’idka Nabi Amaanka ah ee ka bixi jiray idaacada Radio Hargeysa, ku tilmaamay mid aan la qaadan Karin, waxaanu boqorku shaaca ka qaaday oo uu ka dhawaajiyey in aanu socon Karin Amar lagu hor istaagayo xuska Nabigeenii Suubanaa (SCW).
Boqor Maxamud Cali Carab waxa uu sidaa ku sheegay mar uu xalay Haatuf la soo xidhiidhay isagoo ku sugan Hargeysa, waxaanu sheegay in Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil C/laahi Axmed ay la gudboon tahay in uu isagu dadka isku soo ururiyo, balse aanu isagu khilaaf diimeed abuurin.
Boqor Maxamud waxa uu xukuumada ugu baaqay in aanay yaraysan arintan oo uu madaxwaynuhu ka hadlo, waxaanu ku baaqay in wixii khilaaf diineed abuuri kara dag dag loo saxo.
Ugu horeyn isagoo ka hadlaya sida uu u arko amarka Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu ku joojiyey barnaamijkaas diiniga ah iyo Qasaa’idka Nabi amaanka ee bisha Ramadaan ka bixi jiray Idaacada Radio Hargeysa, waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa amarkaa Wasiirka, Amar khaldan oo la bixiyey, cid awood u lihina ma jirto Nabi Muxamed (SCW) amaantiisa in la joojiyo, wasiirkuna isagaa sheegi waxa uu uga jeedo.
Wasiirka waxa looga baahan yahay in uu isagu wax isku soo ururiyo laakiin in uu isagu khilaaf abuuro maaha, xuska Nabi Muxamed Ilaahay baa kor u qaaday, Ilaahay baa yidhi Digriga Nabi Muxamed dadka wixii Ehlu iimaan ah oo dhan wakhti kasta Nabi Muxamed Digrigiisa inay ku qaataan, qofkastaana wuxuu jecel yahay ayuu Digrigiisa badiyaa cid aan Nabiga Jecleynina Nabiga ma xusi karto, sheekh Yuusuf Baxar la odhan jiray ayaa Nabiga ku yidhi, Nabi Muxamed-oow ninka aan adiga Sir kaa hayni halkeebuu amaantaada ka heli karaa ”.
Boqor Maxamud Cali Carab mar uu ka hadlayey Amarkaa Wasiirku Diinta iyo Awqaaftu ku joojiyey barnaamijkaa diiniga ah iyo micnaha ay samaynayso, waxa uu yidhi “Arintaas waxaan u arkaa tii Baar-dheere iyo Gaddo ka dhacday oo wadaadadii qabsaday ay yidhaahdeen lama qaban karo Digriga Nabiga, oo xasarad iyo iska hor imaad keentey, waxaanay noqonaysaa kicin uu dadwaynaha kicinayo wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.”
Mar uu ka hadlayey Boqorku waxay diintu ka qabto Qasaa’idka Nabi Amaanka waxa uu yidhi “Nabi Muxamed (SCW) wixii amaantiisa ah xadkasta oo ay gaadhsiisan tahay wixii aan Ilaahnimo ahayn diintu way ogoshahay, Nabiga hortiisa ayaan laga qaadi jiray qasaa’idka, oo Nabiga Inaadeerkii ruma Jacfar ayaa nabiga oo soo galaya intuu istaagay ku amaanay laba beyd oo Gabay ah oo uu leeyahay Nabig ha loo istaago”
Isagoo ka hadlaya Amarka wasiirka Diinta iyo Awqaaftu hadii uu noqdo mid hirgala cawaaqibka ka dhalan kara waxa uu yidhi “Anigu ma filayo in uu Amarka xuska Nabiga lagu joojinayaa uu hirgalayo, Nabi Muxamed (SCW) Ilaahay baa Amaanay oo Darajo uu binu-Aadmi gaadhi karo tii ugu sarayso gaadhsiiyey. Hadii wax la mamnuucayana waxa haboon in Wasiirku mamnuuco heesaha ka baxa idaacada iyo macaasida ka dhacda dalka”.
Boqor Maxamud Cali Carab mar uu ka hadlayey in Madaxwayne Siilaanyo uu arinkaas la qabo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo in kale waxa uu yidhi “Ma filayo in Madaxwaynuhu arinkaa wasiirka kula jiro, waxaanan ugu baaqayaa in uu ka hadlo oo arintan aanu yaraysan, xukuumadana waxaan leeyahay oo aan ugu baaqayaa in arimaha diiniga ah halkooda lagu xaliyo oo wixii khilaaf diineed keeni kara dag dag loo saxo”.
