August 16, 2010

Wasiirka Diinta Oo Joojiyay Barnaamij Diini ah Oo 10-sanadood Ka Bixi Jiray Radio Hargeysa Iyo Dareenada ka Dhashay

Hargeysa - Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil C/laahi Axmed ayaa Amar ku bixiyey in la joojiyo barnaamijka Neecawda Ramadaanta ee ka bixi jiray Radio Hargeisa iyo qasaa’idkii Nabi ammaanka ahaa ee idaacada laga sii dayn jiray.

Barnaamijkan oo  uu soo jeedin jiray  Sh. Yuusuf Cabdi Xoore ayaa waxa  uu  kaga hadli jiray fadliga bisha Barakaysan  Ramadaan iyo waxyaabaha looga baahan yahay qofka soomani uu la yimaado inta lagu gudo jiro bishan.

Warqad uu ku socodsiiyay Agaasimaha Idaacada ayaa Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu sabab uga dhigay joojinta barnaamijkaas in uu yahay mid gaboobay oo  in badan ka baxayey Idaacadda Radio Hargeysa.

Amarka uu wasiirku ku joojiyey barnaamijka Neecawda Ramaddaanta waxa ka gadooday oo ka cadhooday shaqaalaha Radio Hargeysa, isla barnaamijkan uu wasiirku joojiyey ayaa waxa la sheegay in uu ku badalay barnaamij kale oo uu soo jeedin doono Sh. Maxamed Macalin Cabdi (Carab).

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil C/laahi Axmed oo aanu xalay kula xidhiidhnay tilifoonka ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo amarka uu ku bixiyay joojinta barnaamijka iyo qasaa’idka nabi ammaanka ah.

Dhanka kale Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo ah sheekha soo jeedin jiray barnaamijka Neecawda Ramadaanta ee uu wasiirka diinta iyo awqaaftu joojiyey oo aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay ayaa waxa uu yidhi isagoo ka hadlaya joojinta lagu sameeyey barnaamijkiisii, “Wasiirku warqad ayuu geeyey idaacadda uu ku socodsiiyey Agaasimaha idaacada oo uu leeyahay Barnaamijka Neecawda Ramadaantu waa barnaamij gaboobey, ha lagu badalo barnaamij uu leeyahay Sh. Maxamed Macalin Cabdi (Carab), laga soo bilaabo xalay (habeen hore) muu bixin barnaamijkaasi, markaa sabab loo yidhaa waa barnaamij gaboobey anigu garan maayo, waayo waa diin waxaynu kaga hadalnaa. Saaka (shalay subax) wasiirka ayaan is idhi bal u tag oo waxa dhacay waydii, markaa wasiirkii waan ka waayey xafiiskiisa” ayuu yidhi Sh.Xoore.

Mar uu ka jawaabayay sida uu u arko joojinta barnaamijkii uu soo jeedin jiray ayaa Sh. Yuusuf Cabdi Xoore  waxa uu yidhi “Arintaasi waa qadiyad aad u xun oo aan fiicneyn oo waa arrin u eeg faro galin, marka isaga oo ah wasiir uu warqad u soo qoro idaacada uu ku leeyahay hala joojiyo barnaamij diiniya, waayo barnaamijkan uu wasiirku leeyahay hala joojiyo waxa uu baxayey mudo dheer oo ku dhawo ilaa 10 sano”

Sh. Yuusuf Cabdi Xoore isagoo ka hadlaya waxa uu kaga hadli jiray barnaamijka Neecawda Ramadaanta, waxa uu yidhi “Waxaan kaga hadli jiray 30 Barnaamij oo aan ugu talo galay bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay ka mid yihiin, Acmaasha bisha barakaysan ee Ramadaanta, toobadda iyo fadliga Ramadaanta iyo waxa laga helo Ramadaanta iyo waxa uu dadka Ilaahay ku abaal mariyo, labiska loo baahan yahay in la xidho bisha Ramadaan, maalinta ciida, waxa kale oo aan kaga hadlayey barnaamijkaas fadliga sadaqadda, dadka wax haystaa in ay dadka fuqarada ah wax siiyaan, taraawiixda, Laylatul khadarka iyo Acmaasha bisha barakaysan ee Ramadaan oo dhan”

Sida ay Haatuf u sheegeen ilo xogogaal ah oo ku dhow Radio Hargeisa, wasiirka ayaa waxa uu soo wadaa amar kale oo lagu joojin doono xuska dhalashadii Nabi Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee iyo gabi ahaanba qasaa’idka nabi ammaanka ah ee ka baxa idaacada Radio Hargeisa iyo Telefishanka Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee talaabada uu qaaday wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa horseedi karta khilaaf diimeed oo hor leh oo aan hore uga dhicin Somaliland, sidoo kale arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili lagu jiro bisha Ramadaan oo dadweynuhu aad ugu baahan yihiin dhageysiga wacdiyada diiniga ah ee ka hadlaya acmaasha looga baahan yahay Ramadaanta.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo la sheegay in  mabda’a ahaan uu  aaminsan yahay  mad-habta Xanbaliyada ee Wahaabiyada  ayaa talaabadan uu qaaday waxay fursad siin kartaa kooxaha xagjirka ah ee ku gabanaya magaca Islaamka ee muddada dheer dagaalada ka waday dalka Somaliya isla markaana dhowr jeer weerarada ku soo qaaday Somaliland.

Source: Wargeyska Haatuf, Hargeysa, Somaliland

Login