August 16, 2010

Wafdi Wasiiro Iyo Chief of Cabinet-ka Ka Kooban oo Berbera Safar Ku Tagay Iyo Dareenadda Ku Xeeran.

Berbera (Harowo) - Waxa maanta Socdaal qaatay mudo saacado ah magaaladda Berbera ku tagay wafdi ka socda xukuumada Somaliland oo ka kooban sadex wasiir iyo chief of cabinet-ka, kuwaas oo sida la sheegay uu hogaaminayay wasiirka xanaanadda xoolaha Md. Axmed Xaashi Oday.

Wafdigan oo ujeedada Socdaalkooda sida gudoomiyaha wafdiga Md. Axmed Xaashi Oday sheegay uu ahaa qiimaynta Maxjar cusub oo shirkadda Indho-deero ka dhistay magaalada Berbera iyo qiimayn Maxjarkii hore ee Ganacsade Aljaabiri ah, ayaanay wasiirrada iyo chief of cabinet-ku wax tafaasiil ah oo intaa dheer aanay ka siin warbaahinta.

Sida wararka naga soo gaadhaya magaaladda Berbera sheegayaan wafdiga ayaa markii ugu horaysay ee ay gaadheen magaalada Berbera booqday Dekada magaalada, ka dibna uga gudbay maxjarka gaarka loo leeyahay ee dawladii Madaxweyne Rayaale diiday inay aqoonsato, ka dibna u gudbay maxjarkii hore ee ganacsade Aljabiri oo isagu ahaa kii ku guulaystay xayiraad ka qaadista xoolaha Somaliland ee dalka Sucuudi Arabia.

Hadaba wasiirradan oo markii ay booqashadooda dhamaysteen uu si kooban hogaamiyahooda Md. Axmed Xaashi Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in socdaalkoodu ahaa mid ay wax kaga ogaanayeen maxjarka cusub ee shirkadda Indho Deero dhisatay, oo sida wasiirku sheegay aanay wax macluumaad ah ka haysan xukuumadiisu, balse imika wixii ay kala kulmeen ay ku celin doonaan madaxtooyada.

Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay soo eegeen maxjarkii hore ee Saleebaan Aljaabiri hasa yeeshee muu sheegin wax tafaasiil ah oo intaas dheer, wasiirku mana sheegin in Maxjarka gaarka loo leeyahay ee shirkadda Indho-deero buuxiyay shurudihii looga baahnaa.

Wafdigan ka socda xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa sida la sheegay la kulmay dhibaatadda ka dhalatay markab xoolo uu Somaliland ka qaaday dib Sucuudigu u soo celiyay kaas oo xoolo badani ku dhinteen khasaare badanina soo gaadhay ganacsatadii raratay, sidoo kale waxa ganacsatadii xoolahaas lahayd ay xukuumada ka dalbadeen in Markabka looga qaado magdhow.

Si kastaba ha ahaatee wafdigan xukuumada ka socda ayaa dad badani u macnaysteen in ujeedada Socdaalkoodu si wayn salka ugu hayso Maxjarka Shirada Indho-deero ee magaaladda Berbera, kaas oo xukuumadu ogolaatay in rukhsad loo siiyo, hasa yeeshee ay ka yara gabatay ka dib markii wargeyska Hargeysa Star wax ka qoray kana waramay in Madaxweyne Siilaanyo Xadhiga ka jarayo.

Sidoo kale waxa iyana aan meesha ka madhnayn in dejinta iyo balan qaad xukuumada cusubi u samaysay ganacsatadda xoolohooda dib looga soo celiyay dalka Sucuudi Arabia iyo muran shirkad diyaaradaha ee Juba Airways iyo Shirkada Total in la xaliyo ay qayb ka ahaayeen arimaha socdaalka Wasiirradan lagu xoojiyay chief of cabinet-ka, hasa yeeshee wax talaabooyin ah oo ay qaadeen ma jiraan, waxaanay ku soo ururiyeen inay warka ku soo celin doonaan Madaxtooyada.

Harowo Desk Hargeysa Somaliland

Login