August 16, 2010

Muran Qalafsan oo Dhex Maray Wasiirka Maaliyada Iyo Wasiirka Duulista Hawada

Hargeysa (Harowo) - Muran iyo xiisadii ugu adkayd ee dhinaca cashuuraha ah ayaa soo kala dhex galay labada wasaaradood ee ugu muhiimsan dhinaca wax soo saarka ee dawlada Somaliland ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaaminayo. Wasiiradda wasaaradaha Maaliyada iyo Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi iyo Eng. Maxamed Xaashi ayaa murankaasi dhex maray isagoo dhinaca hawada ah sida lagu baahiyay jariirada Hargeysa Star.

Ciidamadda booliska ee ka hawl gala Madaarka Hargeysa ayaa xaliyay kuna guulaystay inay hakiyaan khilaaf dhinaca cashuuraha ah oo soo kala dhex galay labada wasaaradood ee Maaliyada iyo Duulista hawada, kuwaas oo shaqaalahood iyagoo fulinaya amaro masuuliyiintoodu siiyeen si ba’an isugu maan dhaafay qaabka loo qaadayo cashuur Markii horaba sifo aan sharciga dalka waafaqsanayn loo qaadi jiray.

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 14 August 2010 ayaa waxa ka dhacay madaarka Hargeysa buuq iyo qaylo iyo waliba hanjabaado, ka dib markii agaasimaha waaxda kastamada Somaliland uu amar hadal ah ku siiyay shaqaalihiisa waaxda kastamada ee madaarka Hargeysa ka hawl gala inay iyagu qaadaan lacagtaas labada dollar ah oo ay hore u qaadi jirtay wasaarada duulista hawaddu.

Shaqaalaha waaxda kastamada ee madaarku markii ay isku dayeen inay fuliyaan amarkaasi ayaa waxa halkaa ka dhashay qaylo iyo sawaxan madaarka oo dhan laga dareemay, taas oo maamulaha madaarku amar ku bixiyay inay u shaqeeyaan sidoodi hore ama ka baxaan shaqadda cidii ka hor timaada amarkiisana uu xidhi doono, hasa yeeshee arintu iyadoo circa ku shareeran ayaa waxa soo kala dhex galay ciidanka booliska ee ka hawl gala madaarka, kuwaas oo sheegay maadama aanay shaqaalaha maaliyadu haysanin wax qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda maaliyadda sidoo kalana aanay soo wada gorfayn labadda wasaaradood in ay u shaqeeyaan sidoodi hore inta laga helayo wareegtooyin tilmaamaya in hawshaasi lagu wareejiyay wasaaradda maaliyadda. Cashuurtan oo la isku haysto ayaa ahayd mid markeedi horaba ku timaada sifo aan sharci ahayn.

Cashuurtan labada wasaaradood isku haystaan qaadisteeda iyo sidii ay ku timid oo dhamaystiran hoos ka akhri. Wasaaradaha Maaliyadda iyo Duulista Hawadda Somaliland ayaa maalintii shalay hawada isaga qardoofay si dadban cashuur ay hore ugu tiraabeen inay sharci daro tahay. Sida aynu la socono intii uu xilka la wareegay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye waxa ay dadweynuhu filanayeen loo sixi doono si tar tib tartiib ah khaladaad cashuureedkii ay hore u qaadi jireen dawladii hore ee talada lagaga guulaystay, waayo waxa aynu wada og soonahay in waaxda fulintu ay awood u leedahay oo kaliya qaabaynta ama wax ka badalka qiimaha (haday hoos u dhigid ama kor u qaadid tahay) iyadoo ay si waafaqsan shuruucda xisaabaadka dalka (Somaliland Financial regulation)  oo ay waliba soo diyaariyeen gudi khubaro heer sare ah oo takhakhus, aqoon, waayo aragnimo u leh arimaha cashuuraha dalka (Tax accounting) iyadoo guud ahaan dadwaynaha reer Somaliland rajaynayeen is badal gaar ahaana ganacsatadu.

Hadaba cashuuraha waxa ka mid ah cashuurta laga qaado dhamaan cashuuraha soo dega ee la yidhaahdo (Import Duties) oo ay ku hoos jireen labada cashuurood ee la kala yidhaahdo (profile income tax) Macaashal macaashka taas oo sharciyan ka hor imanaya sida loo qaadaayo, waayo? Cashuurtani waa cashuur toosan, (Direct tax) waxaana qaadi lahayd waaxda cashuuraha, ka dib marka ganacsadaha laga helo hab cashuureed sax ah, balse sinaba suurta gal umay ahayn in laga sii qadimo cashuurtaasi iyadoon laba ogayn inta uu qaadi doono bakhaarka, inuu khasaari doono iyo inuu faa’iidi doono, taas oo aan waliba waxba lagala socodsiin golaha wakiilada, gaar ahaan gudi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiiladda, kuwaas oo u qaabilsan qaranka in wixii cashuuraad ah ay marka hore dawladu u gudbiso, soo jeedin ahaan si ay ugu baaran degaan, waxna uga badali karaan qaabkeedi hore ka dibna ay mariyaan nidaamka sharciga ah ilaa inta ay ka ansaxayso ama ay ka xalaaloobayso, ama la diidayo sida uu dhigayo dastuuska qaranka qodobkiisa 54aad, wixii rate % ahna waxay sax noqon kartaa oo kaliya marka ay ansixiyaan golayaasha sharciga ah oo kaliya.

Cashuurta kale ee la yidhaahdo (developing tax) ee iyana hoos taala cashuurta soo dejinta (import Duties), iyadoo dhamaan cashuurahaas sifahaa khaladka looga qaado ganacsatada dalka. Taas waxa dheer cashuuraha ay qaado wasaaradda duulista hawada ee la kala yidhaahdo (Security Charge) oo laba dollar ah iyo (navigation and air species fear), mashruucaasi waxa bilaabay wasiirkii hore ee wasaaradda duulista hawada Md. Cali Mamaxed Warancadde, kuwaas oo dhamaantood kuba dhicin khasnadda dawladda oo ay ahayd uun labadii dollar ee Cali Warancadde. Hadaba markii ay tagtay dawladii hore sidii ay u socon jirtay ama loo qaadi jiray, ayuun u socotaa, kaliya waxa is badalay account nambar ay ku dhici jirtay oo loo badalay account kale, iyo cidii lagu tiraabi jiray inay ku magacaaban tahay oo isu badashay wasiirka cusub iyo maamulaha Cigaal international Airport.

Harowo Desk, Hargeysa, Somaliland

Login