August 16, 2010
Fursadaha Qaaliga ah ee ay Dayaceen Soomaalida sheffield
Waxa aad ii qiiro qaliyey maqaalka uu qoray Ahmedweli Goth ee ku saabsanaa xaaladaha nololeed ee somaalida deggan magaalada Sheffield , sidaas daraadeed waxaan jeclaystay in aan aragtidayda ka dhiibto. Waxaa wax aad looga naxo ah in soomali fursaddan oo kale haysataa ay khasaariyaan oo ay uga faa’iidaysan waayaan sidii loo baahnaa maaddaama ay haystaan fursad aanay helin soomaali badan oo u harraaddan waxbarasho iyo shaqo.
Waxaa nasiib darro ah in dhalin yar da’ yar oo joogta xilligii ay maskaxdooda darayga ah wax ku baran lahaayeen ay makhaayado ku soo ururaan iyaga oo jooga waddan horumaray oo ay ahayd in ay dhinac ka raacaan horumarkaa iyo aqoon barashada dalkaasi qaniga ku yahay.
Marna ismaan lahayn arrintan oo kale ayaa ka jirta magaalo ku taal meel ay fursado badan oo nooc walba lihi yaalaan…waa sida Sheffielde. Dhalinyaro kumanaan ah ayaa sida Ahmedweli ba u sheegay Badaha isu soo biimeeya oo ay dhacday in qaar badani naftoodaba ku waayeen , ujeeddada ay waxaas oo dhan u soo marayaanna ay tahay in ay noloshan Africa mid dhaanta ay helaan.
Waxaan marag ka ahay in ay jiraan dhalinyar wax baratay shaqana haysatay, inta ay tan ay haystaan ee waddankooda ka tagaan, ay Tahriib isku qaadaan si noloshan mid dhaanta uga raadsadaan Yurub. Iyada oo ay taasi jirto ayey kuwii fursaddaasi helayna ay khasaarinayaan.
Waxaan aad ula yaabay sida ay isugu beegantay sheekadan iyo sheeko na dhexmartay aniga iyo saaxiibkay oo isagu tahriibay, kaddibna dib ugu soo laabtay waddanka markii uu degey mid ka mid ah waddammada Yurub.
Todobaadkii hore ayey ahayd mar aan ugu tegey Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jijiga si aan u soo dhaweeyo saaxiibkay oo ay Bari hore iigu dambaysay, Xiiso badan ayaan u qabay in aan arko saaxiibkay oo yurub ka yimidday iyo sheekadiisa. Horta muuq ahaan Saaxiibkay aad ayuu isu badalay oo nolosha Qurbaha oo ku cusbayd darteed waxaa ka muuqatay in aanu la qabsan.
Markii aan soo Qaaday ee aan xaafadda keenayba Telefoonkii gacanta ee aan haystay ayaa si is daba jooga ah ay u soo garaaceen saaxiibbo badan oo aan lahaa iyaga oo I waydiinaya bal waxa uu saaxiibkay sido iyo aragtida khaldan ee ah in Yurub lagala yimaado Jawaanno lacag ah. Oo qof walba maskaxdiisa ka guuxaysa.
Waraysi dheer kaddib saaxiibkay waxa uu igu qanciyey in nin waddankiisii jooga oo shaqaysanaya , magac iyo maamuusna Bulshada ku leh uu yahay ninka ugu wanaagsan.Waxa uu saaxiibkay igu qanciyey in Yurub ay ku fiicantahay in wax laga barto kadibna aad wadankaaga hooyo kaga shaqaysato.
Hadal iyo gabagabo, waxa xaqiiq ah in dhalinyaro aad u tiro badan ay ku hammiyayaan sidii ay mar uun u gaadhi lahaayeen waddammada Yurub iyaga oo ku hammiyaya in ay wax ka bartaan ammaba ka soo shaqaystaan. Laakiin waxaa iyadana wax laga sii yaabo ah in kuwii joogayba ay khasaariyeen Fursaddii ay haysteen.
Waxaan guntii iyo gabagabadii kula talin lahaa da’ yarta ku nool magaalada Sheffield iyo guud ahaanba waddammada yurub amma Ameerika, in ay ka faa’iidaystaan fursadaha dahabiga ah ee ay haysaan si ay ummadaha horumaray wax ula qaybsadaan.
Waxaan gaar ahaan dhalinyarada soomaalida ah kula talinayaa in ay ogaadaan in kuwa iyaga la mid ah ee jooga wadankii aanay helin waxbarasho iyo fursado shaqo midna , halka aad idinka oo ku jira badwaynta aqoonta iyo technlogiyada casriga ah aad makhaayado wakhtigiina ku luminaysaan.
Wabilaahi tawfiiq
Xuseen Maxamed Yuusuf
E-mail : hussien2363@hotmail.com
