August 15, 2010
Socdaalkaygii Sheffield Iyo Muuqaalka Nolosha Somalida.
Muddada tobanka sano ah ee aan Ingiriiska deggenaa, may ahayn markii iigu horreysey ee aan Sheffield booqdo. Waxanan tegey dhowr jeer oo hore. Mar kasta oo aan magaaladan booqdana waxan jeclaa in aan ka diyaariyo qoraal ku saabsan muuqaalka ay Somalidu kaga nool yihiin magaaladan. Laakiin wakhtiyadii hore iima ay suurtoobin, waxase nasiib wanaag maanta aan fursad fiican u helay in aan maqaalkan kooban ka diyaariyo.
Sheffield
Sheffield waa magaalo London kaga beegan woqooyiga, waxana ay la gudboontahay Manchester. Waxa la ii sheegay in ay magaalada ku nool yihiin 10,000 amma in ka badan oo Somaliya. Oo boqolkiiba 80 ay ka yimaaddeen Somaliland. Waxa kale oo la ii sheegay in ay ka mid tahay magaalooyinkii ay ku soo horreeyeen shaqaalihii Somaliyeed ee la odhan jiray SEA MAN-da. Sida ay dad badani ogyihiinna waxa aad makhaayadaha iyo suuqyada magaaladaasi kula kulmaysaa odayaal kolka da’ ah oo joogay muddo ka badan 50 sano amma 60 sano.
Badi dadku way shaqo la’ yihiin, waxana ay ku maaweeloodaan, sheekooyinka fadhi ku dirirka ee ku saabsan siyaasadaha Somaliland iyo Somaliya. Sidoo kale waxa aanad ka ag waayeyn masaajiddo yar yar oo badi galabtii carruurta loogu dhigo quraanka.
Shaqo la’aantu maaha uun mid ay Somalidu qabaan, laakiin waa mid xilligan caam yeeshay jiiddaasi woqooyiga iyo guud ahaanba dalka Ingiriiska. Laakiin sida la ii sheegay dadka Somalida ah ee magaaladaasi deggeni aad ayey horaba ugu liiteen dhinaca xoogsiga iyo waxbarasha. Da’yarta dhulka ku dhalatay ee aadka u badanina waxa ay tuban yihiin makhaayadaha iyo jidadka ay Somalidu ku badan yihiin. Mana arkayaan fursadda qaaliga ee ay luminayaan, waalidkii dhalayna amma waa la mid amma waxa ay ku waalan yihiin siyaasadaha Somaliya iyo Somaliland.
Intii aan Magaalada joogay waxa kale oo aan aad u indha indhaynayey suuqyada ay tukaammada yar yar iyo makhaayadaha ku leeyihiin. Hase yeeshee ima ay cajabin ganacsiga iyo hawlaha baayac mushtari ee ay suuqyadaa ka wadaan. Waxanan arkayey wadaaddo yar yar oo ka shaqaysanayey xawilaado iyo macdaarro u eg kuwo sii faaruqaya. Waxana aad uga cammirnaa dadkuna isku tilmaamayey tukaannada ay Yamantu ku leeyihiin suuqyadaasi.
Haddii aan wax yar ka taabanno dhinaca waxbarasha, waxa la ii sheegay in ay bulshada Somaliyeed ee magaaladan deggeni ay aad ugu liitaan, oo aanay da’yarta badankoodu sooba gaadhin waxbarashada sare, Jaamacadahana iskaba daa…..markii ay dawladda Magaaladaasi ka war heshay dhibaatada dhinaca waxbarasho ee ay Somalidu qabaanna waxa hay’adaha schoollada qaabbilsani sameeyeen baadhis ay eegayaan sababta Somalida Sheffield ay u gaadhi la’a yihiin waxbarashada sare. Waxana la ii sheegay in ay dawladdu toos u soo dhex gashay Somalida…loona sameeyey mashaariic lagu horumarinayo waxbarashadooda iyo sidii dhibaatada jirta loo daaweyn lahaa. Waxana mashruucyadaa ka mid ahaa monitoring, oo shaqaalana looga dhigay dadka faro ku tiriska ah ee waxbartay wakhtina u haya in ay da’ yarata kala taliyaan sidii ay u gaadhi lahaayeen waxbarashada sare. Laakiin waxa la ii sheegay in aanu mashruucii u hirgelin sidii loogu tala galay.
Waa sida la ii sheegaye, waxa arrintaa waxbarashada ee ay Somalidu ku liidato sabab looga dhigay, waalidka oo aan carruurtooda ka caawin amma aan ka caawin karayn maaddooyinka schoolka amma assignment ka. Amma communitiyo tayo leh oo aan jirin, haddii ay jiraanna aan si fiican u maaray deeqaha lagu siiyo dad-caawinta. Taasina maaha mid magaaladaa uun u gaar ah ee waa mid caam yeeshay communities- ka UK. Xilliganna waxa ay ii sheegeen in deeqdiiba laga jaray laba community ee ay Somalidu ku lahaayeen magaaladaasi.
Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa aan nasiib darro ku tilmaamay, dadka Somalida ah oo aan ka faa’iidaysan fursadaha waxbarasho amma shaqo ee yaalla magaalada Sheffield, taasi oo ay magaaladani dhinaca waxbarshada dalkan kaga tilmaaman tahay meelaha ugu sarreeya ee wax laga barto…siiba Jaamacadaha oo ay ku yaallaan kuwa ugu horreeya dalkan Ingiriiska hadday noqon lahayd caafimaadka, Engineering-ka, Birta, Social-ka iwm.
Waxanan og nahay in ay dhallin yar badan oo Somaliyeedna ay maanta badaha u soo jibaaxayaan sidii ay Sheffield oo kale u iman lahaayeen, si ay noloshooda wax uga beddelaan, oo ay u heli lahaayeen waxbarasho fiican iyo shaqo.
Haddaba akhristow maxaad kula talin lahayd da’ yarta iyo waalidka magaaladan oo kale deggen ee waayahoodu sidan yahay iyo da’yarta soo tahriibaya ee badaha soo jeexya si ay u soo gaadhaan Sheffield oo kale ugana mid noqdaan mujtamacan oo kale.
Ahmedweli Goth.
Email: shueebi@hotmail.com
