August 14, 2010

Tv-ga Qaranka Oo Habeenkii Labaad Hawada Ka Maqan + Amusnaanta Xukuumada Cusub Iyo Hadal Haynta Dadweynaha.

“Waa Kuwii Odhan jiray Tv-ga Rayaale ha hagaajistaan Rayaale Qarankuu uga tagaye”  mid ka mid ah Shacbiga Hargeysa.

Hargeysa, (Harowo)-Waxa Habeenkii labaad hawada ka maqan Tv-ga Qaranka ee dawladu maamusho, taas oo ka dhex abuurtay bulshada dhexdeeda su’aalo badan oo la iska waydiiyo waxa keenay xiligan in xukuumadu tahli kari waydo wixii cilad ah ee ku timid tv-ga.

Telefishanka Qaranka ilo ku dhow dhow ayaa tibaaxay in cilad farsamo ay ku timid qaybta laliska taas oo keentay in qaybta gudaha dalka la hadashaa gabi ahaanba hawada ka baxdo habeenkii xalay, mar danbana aanay dib ugu soo noqon.

Tv-ga Qaranka oo ay markii ugu horaysay dalka ka hirgalisay dawladii madaxweyne Rayaale waxa masuuliyiinta xisbiga Kulmiye markii ay mucaaridka ahaayeen ay ku tilmaami jireen ama ugu yeedhi jireen Tv-ga Rayaale, hasa yeeshee marna kamuu bixin hawada tan iyo markii la hirgaliyay sanadkii 2005-tii dabayaaqadiisi.

Dad badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa oo iyagu si wayn wararka dalka iyo kuwa xukuumada kala socon jiray Tv-ga ayaa sheegay in tani noqonayso astaan muujinaysa itaal darnida xukuumada, sidoo kale waxa ay dadkani sheegayaan in xukuumadii Rayaale aanay dhici jirin in daqiiqad kaliya uu hawada ka baxo tv-gu.

Xiliga ramadaanka oo ah wakhtiyada loogu daawashada badan yahay isla markaana uu ahaa Tv-gani mid si sahlan loo daawan karo oo qofka haysta muraayad fidiyow aan uga baahnayn wax rasiifar ah oo u soo qabta, isla markaana aad sawirkiisu u sareeyay ayaa shacbiga ku dhaqan Hargeysa ku noqotay wax ay aad uga xumaadaan, sidoo kale hadal la’aanta xukuumada ee aanay wali ka hadlin waxa dhacay iyo xiliga uu hawada ku soo noqonayo ayaa dadku si wayn u saluugeen.

Isku soo wada duuboo waxa ay dadka reer Hargeysa ay leeyihiin war Tv-gii ma markii Kulmiye talada dalka Qabsaday ayuu hawada ka baxay, waa maxayse xukuumadan aan Tv-gii kaliya ee qaranka u taag wayday inay cilinkiisa saarto? Sowkuwii odhan jiray Tv-ga Rayaale dee Rayaale sameeye ha hagaajistaan, kuwaasi waxay ka mid ahaayeen hadaladii ugu badnaa ee dadku isugu jawaabayeen marka ay is waydiiyaan cilada Tv-ga qaranka ku timid.

Harowo Desk Hargeysa Somaliland

Login