August 14, 2010

Madaxweyne Siilaanyo oo Safarkiisu Ugu horeeyay Xadhiga Ka Jari Doona Maxjer Shirkada Indha-deero Ka Hirgalisay Berbera.

Hargeysa, (Harowo)- Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu socdaalkiisi ugu horeeyay ugu kicitimayo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Sida warar xogo-ogaal ah oo laga helayo madaxtooyada Somaliland ay xaqiijiyeen ujeedada socdaalka madaxweynaha ee gobolka Saaxil ayaa la xidhiidha furitaanka Macjar cusub oo xoolaha ah oo Shirkada Indho-deero ka hirgalisay magaalada Berbera, kaas oo uu si rasmi ah xadhiga uga jari doono madaxweynuhu.

Maxjarka Shirkada Indho Deero oo dhawaan la dhameeyay ayaa ahaa mid xidhan ka dib markii xukuumadii uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ay diiday in maxjaro kale laga furo dalka, taas oo dhib ku keeni karta dhoofka xoolaha iyo xayiraad ka qaadistii Sucuudiga, maadama oo aanu Maxjarkani haysan shahaado caalamiya. Hasa yeeshee waxa cad in xukuumada cusub ee madaxweyne Siilaanyo ogolaatay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xilka madaxtinimo ee dalka loo doortay dhawaan isla markaana si rasmi ah loogu dhaariyay 27-kii bishii hore ee july waxa safarkiisan gobolka Saaxil uu noqon doonaa kii ugu horeeyay ee uu Madaxweynuhu ku tago meel ka baxsan caasimada dalka ee Hargeysa.

Geesta kale waxa la filayaa in xubno ka tirsan golaha wasiiradu ay maanta socdaal ay ugu sii gogol xaadhayaan safarka madaxweynaha ugu baxaan magaalada Berbera, xubnaha golaha wasiirada iyo masuuliyiinta dawlada ee socdaalka gogol xaadhka u sii samayn doona madaxweynaha ayaa waxa hor kacaya wasiirka qorshaynta qaranka oo isagu ka soo jeeda gobolka Saaxil.

Harowo Desk Hargeysa Somaliland.

Login