August 11, 2010
Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Md. Daahir Rayaale oo Socdaal Ku Tagay Imaaraatka Carabta
Hargeysa (Harowo) - Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta dalka ka dhoofay isagoo u sii jeeda dalka Imaaraatka carabta midoobay oo uu marti qaad rasmi ah ka helay, waxaana si diiran u sii sagootiyay xubno ka tirsan golihiisi wasiiradda iyo masuuliyiintii dawladiisi iyo waliba shacbi kale oo tira badan.
Madaxweyne Rayaale ayaa qadar nasasho ah oo uu ku qaatay qolka VIP-da ee madaarka ayaa waxa halkaa si diiran ugu sii sagootiyay wasiiradii hore ee Arimaha dibada, Arimaha gudaha, Maaliyadda iyo xubno kale oo waxgaradka Somaliland isugu jira, kuwaas oo sheegay in madaxweynuhu shaqo badan soo qabtay imikana dalka u sii shaqayn doono, aadna ay ugaga mahad naqayaan sidii wada shaqaynta fiican lahayd ee intii uu xilka hayay uu dalka iyo golaha dawladaba u hogaaminayay.
Madaxweyne Rayaale oo sida nidaamka dumuqraadiyadu dhigayo magaciisa loogu yeedhayaa noqonayo Madaxweyne Rayaale ayaa 27-kii bishii dhawayd si qalbi furan xilka ugu wareejiyay Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa, waxa uu Madaxweyne Rayaale taariikh iyo magac wayn ku helay sida dumuqraadiyada layaabka leh ee Somaliland ka taaba qaaday uu dalka intii xukunka uu hayay uu uga hir galiyay, waxa kale oo si wayn loogu wada bogaadiyay sida quruxda leh uu xilka ugu wareejiyay hogaanka cusub.
Wafdiga Madaxweyne Rayaale waxa ka mid wasiirkii hore ee macdanta iyo biyaha Md. Cismaan Sh. Cabdi Maxamed, waxaana la filayaa in mudada uu dalka imaaraatka carabta uu ku sugan yahay uu la kulmo madax sar sare oo ka tirsan dalkaas.
Imaaraatka carabta ayaa isagu ahaa dal xidhiidh wanaagsan la leh Somaliland mudadii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin xilka hayay waxaanay dawlada Imaaraatku gacan iyo taakulayn wayn ka gaysatay arimo badan oo dhinaca bani aadaminimada ah, sida biyaha, caafimaadka iyo taakulaynta qoysaska danyarta ah. Hasa yeeshee waxaan la ogayn halka uu xidhiidhkaasi ku danbayn doono maadaama oo uu xafiiska ka tagay Madaxweyne Rayaale, inkastoo madaxweynaha Cusub Md. Siilaanyo uu sheegay in xidhiidhadii dawlada Somaliland la lahayd dalalka dunida halkaa ka sii wadi doono.
Tan iyo intii uu xilka ka degay Madaxweyne Rayaale waxa la sheegay in meelo badan oo dunidda ah laga casuumay, hasa yeeshee ka Daahir Rayaale ahaan lama oga sida uu casuumadahaas u kala aqbalay, meelaha madaxweyne Rayaale laga casuumay waxa ka mid ah, Ingiriiska, Faransiiska, Maraykanka, Ethiopia, Jabuuti, Imaarkaatka Carabta, Koonfur Afrika iyo Djibouti.
Harowo News-Desk Hargeysa Somaliland
