August 11, 2010
Haatuf-ka Maanta: Ina Xaashi Ayuunbaa Cid Walba Cashuur Ka Qaadana ha iga Hadho.
Sawkan Shirkadihii Xawaaladaha ee laga dhargi lahaa ka xishooday. Ma masaakiinta wadhatada ah ee suuqyada xabada Tamaandhada ah iyo koobka Caanaha ku iibiya ayuunbaa leh Misko la fuulo oo boqolkiiba 20 lagu kordhiyo cashuur kale oo cusub.
Hadaba dawladdani halkay lacag ka helaysaa? Tii hore Guryo ayay iibisee, Tani ma ciida ayay xaraashi doontaa cashuurteedii qaadan weydee? Bal eega dulmigan la samaynayo ee shirkaddihii dalka ugu ladnaana laga Warwareego kii Maqaaxida lahaana lagu dul wareegayo ee aan koobka shaaha ah loo dhaafayn.
