August 11, 2010

Bilashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Iyo Qiimo Bararka Maceeshada Oo Suuqyada Laga Dareemay.

Hargeysa (Harowo) - Waxa caawa oo bisha Augst tahay 11- dunidda Islaamka ka kowsatay Bisha barakaysan ee Ramadaan, taas oo dhamaan muslimiintu sodonkeeda cisho ay maalintii ka soomaan cuntadda iyo cabistaanka, waana waajib diiniya oo ka mid ah arkaanta shanta ah ee diinta Islaamka.

Dallalka Sucuudiga, Emaaraatka, Masar iyo Djibouti ayaa iyagu ugu hor sheegay waxaana la xaqiijiyay in dalal badan oo dunidda ah laga soomayo maalinta bari ah oo ku beegan 11-ka Augst ahna maalin arbaca ah, Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaan iyadu ilaa wali ka hadlin mana jirin sida aan la socono meel laga baahiyay ilaa wali oo wasiirka wasaaradaasi shacbiga ugu sheegayo bilashadda bisha ramaadaan.

Geesta kale Madaxweynaha Somaliland ee dhawaan la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hambalyo u diray dhamaan shacbiga Somaliland iyo shucuubta dunidda Islaamka, taas oo lagu sheegay warsaxaafadeed afhayeenka Madaxtooyada Md. C/laahi Daahir Cakuse soo saaray caawa.

Bilashada bishan ramadaan ayaa ku soo beegantay xili maamulka dalka isbadal ku yimi talada dalkana uu hogaanka u qabtay xisbiga kulmiya, sidoo kale waxa jira sicir barar balaadhan oo cuntooyinka daruuriga ah laga dareemayo oo suuqyada ka jira. Inkastoo xisbiga Kulmiye markii ay mucaaridka ahaayeen ay xukuumadii madaxweyne Rayaale ku dhaliili jireen qiimo barar aan jirin, waxa si dhab ah shacbigu u dareemay qiimo kaca cuntooyinka daruuriga ah sida Bariiska, Daqiiqda iyo Sonkorta oo meel ba’an iyadu maraysa.

Harowo News-Desk, Hargeysa, Somaliland

Login