August 31, 2010
Somaliland: When Did Civil Servants Become Political Posts?
Somaliland’s new president, Ahmed Mohamed Mohamoud, has made a wholesale change to the country’s civil servants by appointing a whole new set of personnel for every available public post. In his latest cull, all senior civil servants under consecutive governments since the late Abdirahman Tuur and Egal have lost their posts to the surprise and utter dismay of the general public. Only in dictatorship can civil servants lose their posts and change with the regime. But in democracy, they can only be hired or fired on merit – their ability or inability to undertake duties and stay in their jobs until retirement.
“Dekedana waxa loo dhiibay wasiir cusub oo aragtidiisu meelo kale ay ku xidhan tahay oo aan inala mid ahayn ama waaqiciga ka fog.” Maxamed Xaashi
Hargeysa (Harowo) - Wasiirka wasaarada maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ku tilmaamay wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dekaddaha Somaliland mid meel kale la haysta oo xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland taal ka fog, sidoo kale wasiirka ayaa ganacsatadda dalka ku tilmaamay kuwo madaxweynaha haysta oo aan cid kale dhag jalaq u siinayan, waxay doonaana samaynaya dalkana halkaa uu maanta yaalo dhigay.
Borama (Harowo) - Masuulkii labaad ee ugu sareeyay madaxda Xisbiga UDUB ee Goboladda Awdal iyo Selel ayaa maalintii shalay ciidamadda booliska ee Magaaladda Boorama xabsiga u taxaabeen, ka dib markii amar uu xadhigooda ku bixiyay maamulka gobolka Awdal. Md. C/Casiis Xuseen Raage, oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Goboladda Awdal Iyo Selel waxa gurigiisa ka soo taxaabay ciidamadda booliska oo fulinayay amar ka soo baxay Gudoomiyaha gobolka Awdal uu dhawaan Axmed Siilaanyo u magacaabay, Mr. Maxamed Daahir Cabdalle, waxaanu xadhigiisu dhawr cisho oo qudha ka danbeeyay xadhiga gudoomiyihii xisbiga UDUB ee Degmadda Boorama.
Waxa maalmahan soo ifbaxaya warar sheegaya in saddexdii xisbi qaran ee UDUB, UCID iyo KULMIYE ay qorshaynayaan inay keligood go’aamiyaan in ay mar 4-aad saddexooda cidina la tartamin, doorashadana ay xidhaan doorashaddii ina soo dhaaftay ee madaxnimada waxay saddexda xisbi ku heshiiyeen in dib loo dhigo doorashadii degaanka si aanay suuragalba u noqon in dib markaa loo furo ururada siyaasadeed.
It is a known fact that the number of Somali communities living in Europe, North America and Australia is rising as people are still pouring in. We have found that the average Somali household comprises seven children of whom 2-3 are adolescents and three are teenagers. This shows the number of Somali children is comparatively larger than those of other nationalities.
Ma waxa lagu jiri doonaa doorashadii wakhtigeedii kuma qabsoomayse’eh muddada ha la kordhiyo? Ma sidaas baa qaranimo lagu sheeganayaa in saddex nin inta ay afka isa saarsaaraan dabeeto ay ku taliyaan doorashadii dib ha loo dhigo aan dadka sii haysanee.
Taniyo dharaartii madaxwayne Siilaanyo loo caleema saaray talada dalka, ayaa waxaa maalinba maalinta dambaysa isa soo tarayay saluug iyo qawadaad siyaabo kala duwan qaybaha bulshadu uga muujinayeen xukuumada madaxwane Silaanyo. Taasi oo filanwaa ku noqotay dadbadan, maxaa yeelay madaxwayne Siilaanyo, oo kalsoonidii iyo codkii ugu badnaa abid ka helay umada reer somalilanad, ayaa waxaa kaliyee la eegayay ahayd in sidii ay bulshadu taageerada laxaadka leh u siisay ay u taabici doonto taladiisana.
Awdalpress (Borama) – Gudoomiyaha Xisbiga UDUB C/casiis Xuseen Raage ayaa maanta lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, C/casiis oo aan wax ka weydiinay xadigiisa isaga oo ku xidhan saldhiga Boorama ayaa xadhigiisa ku tilmaamay mid aan hore u dhicin, isaga oo ka waramayana wuxuu yidhi C/casiis:
“Walaalkay Xasanna (Maareeyaha cusub) waxaan u arkaa imika in la yidhi ha kula joogo oo la iigu soo kordhiyey Shaqaalaha, hase ahaatee, qayr-kay baan la qabaa oo sidaa qayrul sharciga ah xilka loogala wareegay…” Eng Xuseen Cilmi Warsame.
Talooyinka Md. Rayaale, Tuhunnada iyo Ballan-qaadyada Is-barkan ee Itoobiya, Tibaaxaha Jira iyo Dhawaaqa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo
Addis Ababa HargeisaStar) - Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Md. Dahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay magaalda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulan kula yeeshay Madaxweynaha dawladda Ethiopia Md. Girma Woldegiorgis iyo Ra’iisal Wasaaraha Md. Meles Zenawi, isla markaana, waxa la sheegay in Daahir Rayaale Madaxda Itoobiya talooyin badan oo kala duwan ka siiyo Xukuumadda talada kala wareegtay ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.
Hargeysa (Haatuf) – Masaajidka Magaciisa la yidhaahdo Al-Huda ee ku yaala mid ka xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa habeen hore lagaga dhawaaqay in la taageero ururka Al-shabaab ee dagaalka qadhaadh kula jira dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif ee Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee Afrikaanka ah.
August 30, 2010
Rap Emerges as an Added Form of Muslim Expression and Mobilization - By Peter Mandaville
Listening to South Asian Muslim teenagers in the post-industrial British city of Bradford, one can understand how Islamic faith and American hip-hop music have come to coexist. Searching for music that reflects their own experiences with alienation, racism and silenced political consciousness, many teens, even some quasi-religious groups, have turned to the urban music of black America.
Sooyaalka taariikhda siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo (Personal Profile), waa mid ka samaysan guulo iyo guul-darooyin gudboon oo is garab yalla, taasoo sababteeda lagu kala baydhsan yahay iney la xidhiidho sir rabbani ah oo qayb ka ah hoodada iyo hibada Alle qofba in ka siiyey iyo iney tahay mid ka timid xirfadiisa siyaasadeed oo dhismaheedu wanaagsan yahay, laakiin aan dhamaystir lahayn.
“Magacaygaanad dalkaba ku joogtaan, haddaad badhsaabka la shaqayn weydana dalka isaga guur oo meel baastaad nagaga timid ku nooqo.”
Sidii maamulkii Rayaale meesha uga baxayba, waxay Awdal ka degi laadahay dad si dadban maamulka uga qaybgalay, una badan dad Itoobiya ka soo jeeda. Waxa dadkaasi ay ku kaceen intii xilku gacanta ugu jiray waxan taariikhda reer Awdal an hore u soo marin, gumaysigii Ingriiskana ku dhahoo.
Dawladda Cusub ee Siilaanyo oo bilawday xadhiga masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB, tolow xisbigan Kulmiye miyuu iloobay wakhtiyadii uu mucaaridka ahaa ee siyaasadiisa ay ka mid ahayd inay xaaraan tahay in muwaadiniinta lagula dhaqmo xadhiga sharcidarada ah.
Harowo (Addis Ababa) - Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub Axmed siilaanyo, waxa maalinba maalinka ka dambeeya mugdi sii galaya xidhiidhka somaliland iyo Itoobiya kadib markii xukuumada Itoobiya ay walaac ka muujisay Xayn ka mid mid ah golaha wasiirada xukuumada siilaanyo iyo xubno kale oo xafiisyo ku leh madaxtooyada.
Markahore waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha qiimaha badan, waxaanan salaan ka bacdi lee yahay RABADAAN KARIIM. Intaa kabacdi waxaan usoo noqonayaa dulucda maqaalkayga e waxaa illaahmahiiya oo aad ugu wada faraxsanayn sidii ay udhacday doorashadii soomaaliland ee dhacdy bishii aan soo dhaafnay ee juun 26 keedii’.
August 29, 2010
Wasiirka Maaliyadda oo Account uu Ka furtay Dahab-shiil Ganacsatadda Ku Amray in Qayb ka mid ah Cashuurta Xoolaha Laga Qaado ay Ku shubaan.
Hargeysa (Harowo) - Wasiirka wasaaradda Maaliyadda uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ganacsatadda amar ku siiyay in cashuurta xoolaha nool ee dalka laga dhoofinayo laga qaado oo lacag adag ah, ay laba account- oo dahab-shiil ka furan ku shubaan, sidoo kale waxa uu wasiirku cashuur kordhin ku sameeyay qiimihii cashuureed ee neefka adhiga ah laga qaadi jiray, oo 20% oo xukuumadii hore ka dhintay ganacsatadda uu dib ugu kordhiyay.
Hargeysa - (Berberanews) - Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa gelinkii danbe ee maalintii khammiistii la soo dhaafay si lama filaan ah qallinka ugu duugay heshiis-dhagareed uu ku ogolaaday maxjar labaad oo shirkadda ganacsadaha u dhashay dalka Yemen ee Abu Yaasir ka garab furasyo maxjarka caafimaadka xoolaha ka dhoofaya dekedda magaalada Berbera.
Xukuumadda Siilaanyo oo Markii Ugu Horreysay Kordhiyey Cashuurta Xoolaha ee Maxjarka Berbera Iyo Ganacsato ka Shiray
Berbera- 29 August 2010 (HargeisaStar.com)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa markii ugu horreysay intii uu xilka ka qabtay shalay kordhiyey lacagta cashuurta ah ee Adhiga dhoofaya lagaga qaadi jiray Maxjarka magaalada Berbera ee ganacsadaha Carbeed maal-galiyey, isla markaana, waxa uu kala qaybiyey guud ahaanba cashuuraha laga qaado Xoolaha kala duwan ee Maxjarkaa sii mara oo uu amar ku bixiyey in lagu kala shubo Accoun-no kala duwan.

