July 27, 2010
Dhanxiir iyo Wefitga Jabuuti
Maansha Allaah; reer Jabuuti way isgalaaleen; kalhadii ay wefti qiimo leh u soo direen xaflada xilwareejinta labada madaxweyne oo waliba wasiirkoodii hoggaaminayey Hargeysa kaga dhex dhawaaqay in doorashadii Somaliland cashar u tahay Afrika iyo caalamkaba, isaga oo yidhi; ‘Yaakhii habeen iyo dharaarba waan idiin soo jeednay xiligii doorashada.’
Hargeysa (Harowo) - Wafdigii ka socday Dalka Djibouti ee uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka ee dalkaasi ayaa maanta kulan xarunta madaxtooyada kula yeeshay madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin. Kulankaas oo madaxa wafdigu ka sheegay waxyaabo badan oo uu kaga hadlayo arimaha Somaliland gaar ahaan guulaha ay gaadhay iyo horumarka uu Madaxweyne Rayaale intii xilka uu hayay uu gaadhsiiyay, isagoo sheegay in Md. Rayaale waligii ahaan doono madaxweyne aan dhicin, oo sumcad iyo qadarin ku leh, Somaliland iyo inta jecel dumuqraadiyada ee dunidda ku dhaqan, hoos ka dhegayso, guud ahaan kulankaas, hadaladii wasiirka reer Jabuuti iyo madaxweyne Rayaale.
Get Flash to see this player.
Hargeysa (Harowo) - Wafdigii ka socday dalka Jabuuti ee u yimi inay ka qayb galaan xaflada xil wareejinta labadda Madaxweyne ee Somaliland ayaa maanta kulan aqalkiisa kula yeeshay Madaxweynaha dhawaan Somaliland loo doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hadaba hoos ka dhegayso wixii kulankaa lagaga wada hadlay.
Get Flash to see this player.
Get Flash to see this player.
BURUNDI has just had one, as has Guinea. That came hot on the heels of the semi-autonomous region of Somaliland’s, which followed Ethiopia’s. Rwanda is bracing itself for one at the beginning of next month, and after that Tanzania, Chad and several others are due to follow. By the end of December a score of sub-Saharan Africa’s 48 countries should have gone to the polls for an assortment of local, regional and national elections. Kenya is also holding a vital constitutional referendum on August 4th. This is a big year for African voters. The electoral calendar has never been so crowded.
Hargeysa, (Harowo) - Wafdi balaadhan oo uu hor kacayo wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka ee jamhuuriyadda Djibouti ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Hargeysa ee xarunta Somaliland, waxaana si diiran madaarka magaaladda Hargeysa ugu soo dhaweeyay, wasiirka arimaha dibadda Md. C/laahi Maxamed Ducaale iyo masuuliyiin uu hor kacayo, salaadiin, aqoon yahano, iyo masuuliyiin axsaabta qaranka ka socda. Hadaba wafdigaas, socdaalkooda, xubnaha ay ka kooban yihiin iyo hadaladii soo dhawaynta ee masuuliyiinta labada dal hoos ka dhegayso.
Get Flash to see this player.
Hargeysa (Waaheen) Guddiyadii uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Axmed Siilaanyo ayaa la sheegayaa inay hawlahoodii istaageen kadib markii ay cabashooyin ka yimaadeen hawlgaladoodii, qaarna ay garanwaayeen waxay qabtaan, halka qaarna laga dayrinayo in la qaadanayo talooyinkodii. Sida ay wararku sheegayaan Axmed Siilaanyo ayaa joojiyey hawlgaladii iyo warbixintii ay soo saari lahaayeen gudida Illaalinta Hantida ee uu hore u magacaabay, kadib markii loo doortay madaxtinimada.
Boorama (Harowo) - Xoghayaha Guud ee Hay’adda horumarinta wadooyinka Awdal Iyo Selel, (ASARDA) Maxamed Cali Cismaan ayaa warsaxaafadeed uu maalintii shalay ka soo saaray magaaladda Boorama kaga hadlay, dhamaystirka wajigii koowaad ee jidka isku xidha Camuud/Dilla ilaa Boorama, kaas oo sida uu sheegay ahaa mid tijaabo ah, laguna muujinayay sida loo hir galin karo, mashruucan iyo kuwo kale oo ka balaadhan.
Caawa oo ay bisha July tahay 25, sannadka 2010. Waxa magaalada London ka dhacay kulan uu ka soo qayb galay guddoomiyaha ururka samafalka ah ee ARDAA Ibrahim Absiiye oo dhawaan ka soo kicitimay dalka Kanada ee uu deggen yahay, socdaal gaabanna ku soo gaadhay dalka Ingiriiska.
July 25, 2010
Mudnaanta Kowaad Waa Amaanka Qaranka Sabahan Awgood
Waxa aan shaki ku jirin in xisbi kasta oo guushu raacdaa uu noqonayo dawlad qaran oo ay waajib ku tahay inuu u taffa xayto sidii uu sufuufta Ummadda mar kale u midayn lahaa kol haddii ay madax u wada yihiin mid doortay iyo mid aan dooranba. Abaaglgudku waa inuu noqdaa mid loo siman yahay.By:Ali Mohamoud Noor.
Dood Furan: Maxaa la gudboon reer Somaliland shacbi iyo xukuumadba Sida qaalibka waxa jira in dadkii u codeeyay xisbiga Kulmiye ay ku taami jireen in isbeddel dhab ahi uu dalka ka hana qaado. Dareenkaasi wuxu ahaa mid aad u saameeyay inta badan taageerayaashii xisbigaa iyo kooxo isbeddel doon la baxay oo ay wehelinayaan kooxo kale oo iyana qaba in la furo axsaab intan ka badan sida hoggamiyayaashii ururkii Qaran. Haddaba qaylo dhaantaa ka soo yeedhay ummadda ayaa la odhon karaa waxay ahayd tii Kulmiye u horseeday guushii madaxnimada iyo talada dalka ka dib doorashadii qabssontay 26.06.10
Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Asalaamu Calaykum Warxamatulaahi Wabarakaatuhu: Marka hore ilaaha ina abuuray ee inaga dhigay muslim ayaa mahad leh waxanan ilaahay ka baryaynaa in uu markasta talada wanaagsan meesha ay ku jirto inagu hagaajo ilayn isaga maahee majirto cid kale oo ogaalkeeda leh meesha khayrku yaalee. Waxa kale Oo Haboon in aan markasta is xasuusino in khayrku kujiro isku xidhnaashaha iyo talawadaaga taas oo qoomkasta kaga bixi karo cidhiidhi kasta iyo talo xuma kasta oo soo wajahda.
Dhamaan waxaan salamaya bahda mareegaha wararka slnd iyo akhristayaashooda qiimaha leh ee dunida dacaladeeda kala jooga hadaan intaa ku dhaafo salaanta guud, runtii maqaalkani wuxuu ka turjumayaa waxa saxaafada la yidhaa iyo nooca ay tahay. Bal hadaba saxaafada marka lagu magacaabo saxaafad xor ah waa mid ka madax banaan dhamaan qaybaha kale ee saxaafada sida saxafada ay leedahay dawaladu oo iyadu ah mid u adeegta qiimaha dawlad ahaan isla markaasna ka turjumaysa saxaafad line keliya raacaysa, laakiin marka saxaafadu xor tahay waa marka ay u dhan tahay afarta jaho ee jahooyinka dunida taas oo loogu yeedho< news >,oo ku tusaya north, east, west, south.
July 23, 2010
Bayaankii Tolka ee Gatineau
Horraantii bishii Abriil ayey xubno ka tirsan bulshada Gadabuursigu xarriiqin jeexeen ay ku caddeeyeen in ay ka weecdeen arrintii ahayd waxa jira uun kabkab ee la caadaystay oo ay ay u gudbeen in ay lafo-guraan, gunteedana u dhaadhacaan sobobaha runta ah ee ay ka soo kalahaan aafooyinka bulshada ku habsaday, si ay u helaan xal waara oo ku salaysan aragti fog.
Haddaba markii ay shirkoogii ugu horreeyey ku qabteen bishii Abriil 1-3, 2010 magaalada Minneaplois, Minnesota, ee dalka Maraykanka, waxay dhammaantood si wadajir ah farta u saareen in ay guul darro hoggaan la’aaneed tahay sobobta lafdhabarta u ah dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed haysta ee ay ka mid yihiin dhaqaale burburka, majara habowga bulshada iyo lumista milgaha dhaqanka.
Madaxweynaha cusub ee shacabku soo doortay Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Maxamed Cali Ebyan (Wadaadyare) oo shalay ku geeriyoodey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Hargeysa (Haatuf) - Gudoomiyihii ololaha doorashada gobollada galbeedka Somaliland, Eng Baashe Cabdi Gaboobe, ayaa sheegay in doorashadii madaxtooyada ee xisbiga Kulmiye kaga adkaaday Udub ay sabab u ahaayeen guushaasi badi ummada reer Somaliland oo codkeeda siiyay Kulmiye, taasoo uu tilmaamay in ka masuul ahaan gobollada galbeedka u qaabilsanaa xisbigaas uu ka soo hooyay codadkii ugu badnaa doorashada.
XARUMAHA WASAARADAHA IN LAGU QAYBIYO GOBALADA WAX TAR WEYN AYEY WADANKA U LEEDAHEY
Marka hore waxaa mahad leh Ilaaha qaadira ee ina abuurtey isla markaana inagu galadeeystey diinta islaamka, nabadgalyada iyo is xaqdhowrkaba. Marka xigtana waxaa sharaf mudan shacabka Somaliland ee isku duubnida uga soo baxey tijaabadii doorashadii wadanka ka dhacday. Waxaan kaloo halkan duco uga dirayaa Madaxweynaha la doortay iyo Ku xigeenkiisa.
Dhammaan dadka ku nool UK waxan ogeysiinaynaa in uu guddoomiyaha ururka Ardaa uu la hadli doono Jaaliyadda Awdal, Salal iyo Gebilay maalinta Axadda ah ee ay bishan July tahay 25ka, halka lagu qaban doonaana waa: More
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer SL. Marka labaadna waxaan salaan qaaliya hawada u marinayaa madaxda iyo taageerayaasha xisbiga UDUB. Sidaad lawada socotaan waxa hadda aynu ka soo gudubnay doorashadii madaxtooyada oo xisbi ahaan la inooga guulaystay si aynaan filayn.
Hargeysa (Harowo) - Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Siciid Cadaani Mooge ayaa faah faahin ka bixiyay kulan saacado qaatay oo maanta xarunta madaxtooyada ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland ee xafiiska ka tagaya Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha La Doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), hadaba guud ahaan arimihii la iskula soo qaaday intii kulankaasi socday waxa uu afhayeenku ku soo koobay warsaxaafadeed u dhignaa sidan.
Maalinba siyaasiyiintu tay keenaan tii kale ka daran. Sida la wada ogyaha waxaa ismaandhaaf badani ka dhashay oo dad badani isu seegay, mararka qaarkoodna dhiig ku daatay muddo kordhin iyo doorasho shin dhaafta. Af iyo qalinba muddo ayay hadheeyeen warbaahinta, dadka ku muransan muddo kordhintii Madaxweyne Riyaale oo tiraba laba goor shin dhaaftay.
