July 31, 2010

MUDAHARAADYADA GOBOLKA AWDAL MAXAY KEENI KARAAN:

Mudaharaadkii dhacay 30/07/2010 iyo kuwa kale ee soo socdaaba waxay durbaba gilgileen maamulka cusub ee Axmed Siilaanyo. Hadaba waxaa su’aalo badan layska waydiinayaa waxa ku kalifay in Axmed Siilaanyo sidaa u yaraysto gobol dhan iyo qabiil dhan oo hoos yimaada maamulka Hargeysa.

Waxaan ognahay in cashuuraadka la geeyo Hargeysa halkii dawladii Somaliya la geyn jiray Muqdisho, waa gobol lacagtii Somaliya laga bedelay oo lagu bedelay lacag lagu soo sameeyay Malaysiya sanadihii sagaashankii loona yaqaano shilinka Somali-land.

SIILAANYO WAA KUMA

Waxay dad badani qabaan Axmed Siilaanyo waa kii ay yaqaaneen ee soo weeraray AWDAL, oo ay ku badan tahay ama ay ku jirto nacayb Gadabuursi. Waxaana la ogyahay inuu isku dayay inuu maabka ka tirtiro Samaroon. Waxaa kaloo la ogyahay magaca Somali-land inuu u taagan yahay shan gobol oo Dawladii Ingiriiska ka hor 1960-kii ay maamulaysay. Xaqiraada noocan ah ee Siilaanyo ku sameeyay reer Awdal waxay qabaan dad badani inay tahay wax la filayay.

SIDUU U ARKAA SAMAROON

Waayo waxay qabaan Axmed Siilaanyo umaba arko in gobol galbeed ka xigo Gabiilay. Waxay u nisbaynayaan taas. Markaad fikradooda raacdana waxaabad is oran kartaa waa run waxaana tusaale kuu ah xaqiraada labada wasiir ee uu siisay qabiil dhan oo sida kiisa u kala baxa laamo farabadan. oo xataa Axmed Siilaanyo jilibkiisa ayaa sadex wasiir qaba, muhiim maaha in jago wanaagsan la siiyay iyo in kale laakiin deganaanshaha Somali-land ayaa ku dhisan.

GOONI ISU TAAGA

Dadka qaar ayaa leh markii horeba Gadabuursi kuma jirin sheekada gooni isu taaga ee wax hoosta laga galiyay ayay ahaayeen. Taas oo keentay inayna jirin wax awood qaybsi ah oo u dhexeeya beelaha wada dega waqooyi galbeed Somaliya ee imika loo yaqaan Somali-land ee waxay ahayd oo kaliya aan nabad wadaagno.

Nabad wadaagaas ayaad moodaa inaanu fahansanayn Axmed Siilaanyo, dadka qaar waa u cafiyeen dambiyadii uu galay markii uu ahaa gudoomiyihii SNM waayo isagaa ka masuul ahaa wax kasta oo dambi oo ay galeen maleeshiyadii SNM.

BANAANBAXYADU MA ISTAAGAYAAN

Isku soo wada duuboo banaabaxyada ka soconaya AWDAL maaha kuwo dhamaanaya ilaa inta reer Awdal ka helayaan wasiirada ay xaqa u leeyihiin, muhiim maaha jagada loo dhiibo waayo jagooyinku waa iskuwada mid, mid walba xoolaha umada ayuunbaa lagu cunaa laakiin waxa Samaroon u muhiimsan muuqaalka wasiiradooda iyo inay helaan doorkooda.

AWDAL IYO SOMALI-LAND

Hadiise ay taasi dhici waydo oo reer Awdal sidaas uu u xaqiro Axmed Siilaanyo ha ogaado in Somaliland ku dhisantahay Awdal waayo reer Sool iyagu dagaalbayba ku jiraan. Hadii Isaaq rabo in kaligii dawlada qaato waxay noqonaysaa inuu sidaa u cadaysto laakiin cadaalad ayaan samaynayaa xaqiraadana waa wadayaa wax laga yeelayo Siilaanyo maaha.

Kubadu waxay taala lugta Siilaanyo isaga ayayna u taalaa inuu badbaadiyo Somali-land.

Farah farahsane, Hargeysa

Email: farahsane@hotmail.com

Login