July 31, 2010
Mudaharaadku Waa Calaamada Xaraadint Bulshada Awdal Iyo Selel.
Waxan aad u salaamayaa dhamaan shabakadaha reer awdal gaar ahaana inta fariintaydan gudbisa.Sida aynu lawada socono shalay Gobolka Awdal waxa ka dhacay mudaharaad hordhac ah oo ay samaynayeen dhamaanba bulshowaynta reer awdal oo dhalinyaro, waayeel dumar ah iyo aqoonyahano damiir lehi horkacayaan.
Muddaharaadkaasi wuxuu si fiican oo toos ah uga turjumayaa dawlada laangadhaha ah ee uu soo dhigay siilaanyo , oo runtii loo dhisay si caadifad, aqoon xumo, qabiilaysi iyo xaqdaro ah oo aanay Bulshada reer Awdal marnaba raali ka noqon doonin saamiga way’da ah ee lagu soo hagaajiyay.
Sida aynu wada ognahay ee suldaankeena, aqoonyahankeena, dhalinteena, iyo masuuliyiinteenuba garanayaan dawlada soomaliland waxa lagu dhisay oo lagu aas aasay Dugsiga sare ee sheikh cali jawhar oo shirkii magaalada Borama ka dhacay ,iyada oo waliba bulsha reer awdal u guntadeen sidii ay u dawladaasi u dhismi lahayd, halkaas bay kasoo hana qaaday dawladan Somaliland ee maanta jirtaa.
Labada beelood ee la filayo inay si siman oo isleeg ah wax u qaybsadaani waxay ahaayeen SAMAROON IYO ISAAQ ,waayo waa laba beelood oo isleeg isla markaana cudud isku mid ah iyo saami qaybsi isleeg ku leh Somaliland. Waana wax laga jidhiidhicoodo oo jidhka fayoobi diido sidan maanta wax loogu qaybiyay beelaha dagan Somaliland iyada oo beelna wax aanay xaq u lahayn oo xaaraan ah la siiyay beelna wixii ay xaqa u lahaayeen laga duudsiyay.
Markaa waxaan bulshada Reer Awdal u sheegayaa inaynaan diiniyan iyo Caqliyan midkoodna inaga yeelaynin waxaa maanta laydiin soo tuuray, adduunyadana waa laynagu waydiin doonaa Aakhiradana waa laynagu cadaabi doonaa Haddii waxaa maanta jira ee taagan talaabo cad oo xalaal ah laga qaadi waayo.
Lama dhagaysandoono, lamana aqbalidoono haddalada taagta iyo tamarta daran ee ay soo jeedinayaan Masuulinyiinta Reer Awdal haddii aanay Bulshada masuulka u dhiibatay ee ay hagayaan wixii ay maamuus iyo masayr lahaayeen usoo qaadi waayaan.
Waxaan aad ula yaabay Gudoomiyaha gobolka awdal oo si indho la’aan ah ugu waramay idaacada BBC da oo ka waraysatay dhacdadii Borama ka dhacday iyada oo uu guud ahaabna Qariyay oo uu dhulka ku tuuray Masarkii umada reer Awdal kadib markii uu qariyay tabashadoodii ay mudaharaadka ku muujiyeen. Sidoo kale waxa isna haddalo jilicsan oo aan loo baahnayn soo jeediyay Midka mid ah salaadinta Bushada Reer Awdal Sul. Cabdiraxman jaamac dhawal oo runtii ladhagaysan kariwaayay oo dhamaanba dadka reer awdal maqli kariwaayeen sida tamarta daran ee u hadlay , waanan kala xisaabtami doona isaga iyo masuuliyiinta kale ee Bushada reer awdalba meesha ay ku xooreen masuuliyadii saarnayd iyo mansabkii aan suldaanka uga dhignay oo maanta noqday mid lagu jabay oo lagu hungoobay.
Haddii aanu Nahay dhalinta reer Awdal waxaan soo dhawaynaynaa guud ahaaba mudaharaadkii ka dhacay magaalada Boorama iyo kuwa kale ee dhici doonaba , anaga oo ka duulayna sida foosha xun ee madaxwaynihii la doortay 26/06/2010 uu dawlada Qabiilka ah usoo dhisay oo ah mid ubaahan in gacmo bir ah wax lagaga qabto . In badan baa talo iyo is horfadhiisi lagu sasabayay bulsho waynta reer awdal , laakiin arintan maanta jirtaa maaha mid u baahan wada hadal oo siilaanyo haddii uu wada hadal rajo ka qabo sidanba waxba umasoo dhiseen.
Haddaba Maxaa la gudboon Bushada reer awdal?
Maanta waxa inala gudboon in dhamaanba salaadiinta, culimada, dhalinyarada, wax garadka iyo guud ahaanba Samaroon shir dagdag ah iskugu yimaado 24 saacadood gudahood, si looga wada hadlo Arintan badheedhka ah ee siilaayo ku duudsiyay wixii aynu xaqa iyo xeerkaba ku lahayn. Iyada oo talada ay shirkaa kasoo baxdana dib loo gorfeeyo oo ay noqoto wax raali laga wadayahay.
Haddii taala waayo Maxaa nala gudboon? Markaanu isku daynay waanwan iyo waxsheeg toos ah , markaan isku daynay maskaxda madaxwaynaha cusub waxa ku jira inaan sugno ogaanayna, markaan la tashanay dhamaanba dadka sida dabiiciga ah u ugu tafo xaydan danaha Bulshowaynta samaroon markaan dhanwalba wax ka eegnay , xalka ugu danbeeya ee aanu gaadhaynaa waa in gacan wax lagu dhacsado oo aan marnaba la liqi doonin dawlad Qabiil ah oo Qabiiladiikalena ay noqdeen dalad (umbrella) Roobka layskaga dhigo isla markaana lagu duulo oo aqoonsi lagu raadiyo.
Gabogabadii waxaan haddalkayga kusoo afmeerayaa in umada samaroon mid tahay oo mudahaarkoodu midyahay, taladoodu mitahay, go’aankooduna midyahay. Waana dadkaa shalay mudaharaadka kaliya sameeyay , oo aanu jirin mudaharaadkale oo dawlad lagu taageersanaa oo dhacay, waxa been ah oo aanay waxba ka jirin war uu qoray cabdala cali Yuusuf oo lughaya .com lagu soo daabacay oo lagu sheegayay in laba mudaharaad oo is khilaafsani dhaceen.
Ahmed Cadde
Email: ashraaf143@hotmail.com
