July 31, 2010
Ma Dhici Kartaa in ay Somaliland Sii kala Godo?
Ilaahay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay naxariis iyo nabadgelyo buuxda korkiisa ha ahaato Nebigeenii Muxumed. C.S.W, marka xigta waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha meelkasa oo ay joogaanba.
Waxa jirtay maqaal hore oo aan kula talinaayay maamulka cusub kaas oo aan uga digayay in uu ku saleeyo xilalka dawlada sidii uu shacabka codka uga kala helay. Arintii way dhacday maanta. Hadaba waxa aan talo u soo jeedinayaa indheer garadka caqliga u saaxiibka ah inay wax ka qabtaan khatarta ku soo fool ka leh dagaanada nabada ah ee dadka somalidu dagto, gaar ahaan Somaliland. Sida aynu wada ogsoonahay somaalidu waa dad qabiil ku dhisan kuna wada nool, sida dadka carabta oo kale. Hadaba qabiilku marna waa lagu badhaadhaa marna waa lagu hoobtaa oo lagu ololaa. Sida badanna waxa loo isticmaalaa xumaan oo waa marka uu qabiil doono in uu qabiilkale dulmiyo.
Waxa jirta laba arimood oo SNM dawaladii Somalia kaga soo horjeed satay oo maana ka jira deegaanka Somaliland, waana dhibaatooyinka lagu saleeyo gu’itaanka Somaliland.
1) cadaalad daro ka dhacday xaga kuraasta dawalada.(Somali republic)
Sida aynu ognahay waxa ay ku sababeeyaan jabhadii SNM in ay ka dhiidhiday cadaalad daro lagu sameeyay, oo aan la siin waxay xaqa u lahaayeen. Taasina ay keentay in dhibtii la ogaa ay u soo maraan, kuna dhawaaqaan gooni isku taag. Hadaba waxa maanta ka jira nidaamka Somaliland mid ka xun tii ay SNM uga soo horjeed satay dawladii Somalia.
Akhriste waxaan filayaa in aad iswaydiinayso siday u jirtaa arintaasi maanta?
Si aynu uga jawaabno su’aashaas, waa in aynu is barbar dhignaa dhawladihii Somalia iyo tan Somaliland. Hadaba dawladii aadan cade waxay ka koobnayd 12 wasiir, afar wasiir waxa lahaa gobolada waqooyi, oo u dhigantay 33.3%, koonfurna ay lahayd inta ka soo hadhay. Xaga maanta dawlada siilaanyo isaaq oo kaliya leeyahay 70%, xaga uu gadabuursina leeyahay 10%. Su’aashu waxa ay tahay hadii ay SNM ka kacday Somali oo dhan iyaga oo ka helay waqooyi 33.3%, gadabuursi ama harti miyayna suurto gal ahayn in ay ka kacaan in ay isaaq oo kaliya iyaga oo wax laqaybsanaya in ay ka helaan 10% ama 15%.
Mida kale waxa ay SNM ku doodaan anaga oo ka tirsanayn dadkii waqooyi ee Somalia dhisay ayaa nala dulmiyay oo xaqayagii la lunsaday. Hadba dadka reer awdal miyayna ahayn dadkii heshiisiiyay reerihii uu dagaalku dhaxmaray dawaldii c/raxmaan tuur, kadibna gogosha u dhigay markii la waayay meelkale oo lagu shiro. Shirkii aynu ogayn ee ay Somaliland ku aasaasantay u qabtay. Shirkaas oo dhalay nabada aynu kaga duwanahay somalia inteeda kale.
2) Dilkii lagu sameeyay reerka isaaq.
Sida aynu ka wada dharagsanahay qodobka labaad ee ugu wayn ee lagu saleeyo gooni isku taaga Somaliland waa dilkii ay dawladii Somalia u gaysatay reerka isaaq. Hadaba hadii ay keentay in lagu go’aansado in Somalia lagu kala gooyo dilkaas miyayna dhici karin in somalilandna lagu kala gooyo dilkii ay ugaysatay jabhada SNM dadka reer awdal?.
Ugu danbayn, waxa aan saadaalinayaa hadii aan wax laga qaban arimahaas in ay dhici karto nabada yar ee maanta lagu faanayo in ay burburto, oo ay isku badasho Somaliland meel lamida koonfurta Somalia. Waxa laga yaabaa in dadka qaarkii ay yidhaahdaan waxa jira dad siyaasiyiin oo ka raaliya arimahan oodhan, waxaan leeyahay siyaasi ma matalo bulshoda oo calooshiisa ayuunbaa u daran, takale lafteeda wakhtigii ay jabhada SNM ay dagaalamaysayba siyaasiyiin la reera ayaa dawalada ku jiray oo manaasib waawayn ku lahaa.
Qore: c/fataax xaaji daauud Warsame
Islamabad, pakistan
Email: cabdifataax83@hotmail.com
