July 30, 2010
Waxa Aan La Dafiri Karin in Siilaanyo Sameeyey Qabyaalad Cad oo Foolxun!
Marka hore waxaan salaamayaa dhamaanba saxaafada xorta ah ee dadweynaha fakirkooda soo bandhigta gaar ahaan website yada internet ka ah ee aduunka laga akhristo. Ka dib waxaan doonayaa in aan fakirkeyga ka dhiibto dowlada uu dhawaan ku dhawaaqey madaxweynaha cusub ee la doortey waa axmed maxamuud siilaanyo, anigu runtii dadka magacyadooda ma aqoon badi marka laga tago shaqsiyaad kooban, …..
lakiinse waan u kuurgaley markaan maqley qeylo farabadan oo ka soo yeedheysa dadweyne farabadan waxaan ogaadey in dowladu tahey reero si gaar ah siilaanyo u xushey oon la odhankarin waa aqoon sababtoo ah dee aqoontu intooda oo kaliya maahan tusaale ahaan magaalada hargeysa waxaa joooga aqoonyahno badan, sida inj, prof,dr,masters. kale oo badan waxaan garanwaayey reeraha laga waayey iyo cida weydiisey aqoontooda ee reero gaar ah loo xushey.?
Waxa kale oo meesha ka soo baxdey in siilaanyo xitaa uu diiday in uu talo ka qaato hogaankii sare ee xisbiga kulmiye ee uu shaley u itaalka daranaa taasi oon aduunka ka dhacin markaan kuu baahaneyna waan kula joogaa markaan cunto helana anigaa cunaya u eeg oo ah raad badownimo, oon marnaba keenen aqli iyo aqoon, horumar toona.
Hadab walalyaal maadaama aynu nahey umad muslim ah maahan in aynu taageerno ,cadaalad daro,cad iyo gaf laga galey ummada reer somaliland ah ,taasi oon meesha marnaba oolin in qoys helaan laba wasiir iyo in ka badan qaran dhamina qado oo cirka loo tuuro.
Anigu waxaan ku sifeynayaa talada siilaanyo mid lagu dagdagey, oo qaranimadiii somaliland jar ka tuureysa.Waxaan u soo jeedinlahaa madxweyne siilaanyo in uu gabi ahaanba ka noqdo xukumada cusub ee uu ku dhawaaqey.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa isma doorin kii aan diriyo daarta kii galey. allah yaa raxama (qaassim).
Waa Tahir Hussein. from Netherlands.
Tahir Hussein
Email: waayo_aragman@yahoo.com

