July 30, 2010
Dawladnimo sidee lagu gaadhaa?
Dawladnimadu maaha wax la iska sheegto, maaha ciidan iyo golayaal la samaysto. Xeer aan shacabka lagala tashan, oo aan miisaan iyo cilmi ku fadhiyinna laguma gaadho dawladnimo. Dawladnimaduse waxa ay ka bilaabantaa wax la isla oggol yahay oo lagu heshiiyey.
Taasina waxa ay bilaabantaa marka loo bislaado ee laga gudbo, is dhex yaaca, qabiilka, eexda, qof-jeclaysiga, laaluushka, musuqmaasuqa iwm. Marka taasi laga baxo ee ay dadka isku danta ahi wax ku heshiiyaan ayaa ay bilaabantaa, in dastuur iyo sharci loo dhan yahay la wada qorto. Sidaasi ayaanay dunida aan hiigsanaynaa soo martay, oo ay shucuubtoodu ku heshiiyeen. Lagagana badbaaday dhib dhexdooda ka dhacda, sida dagaal sokeeye iwm.
Haddaba waxa mitaalkaasi ah dawladda aan la ictiraafin ee Somaliland, oo runtii muujisay dadaal muuqda, laakiin weli ay ka muuqdaan dhalliilo u baahan in la wada saxo oo la mid ah wax yaalka aan kor ku soo sheegnay. Waxana aan shaki ku jirin in ay adduunyadu isha innagu hayso, oo ay su’aalo iska weydiinayaan dadka dalkan yar ee dawladnimada sheeganaya deggeni nooca ay yihiin. Aqoon yahanno badan oo buugtooda la akhristaana waxaba ay daraasado joogta ah ka samaynayaan dadka dega dalkaa, sida Somaliland oo kale, qabiilooyinkooda iyo gobolladooda, sida ay dawladnimadaasi u wadaagaan iyo waxa ka dhiman. Kuwa ugu badan, kuwa ugu yar, kuwa dulman iyo kuwa sadbursaday. Sidoo kale haddii shaqaaqo laga soo sheego waxa ay dib u riixayaan ictiraafkii, taakulayntii iyo xidhiidhkii dawladaha kale. Waxana shaki weyni ku imanayaa aaminaaddii iyo wararkii fiicnaa ee ay sheeganayeen.
Haddab, waxa aan la soconnaa in dalka Somaliland ay doorasho ka dhacday, guushiina la isku hanneeyey, aadna waa loo wada hambalyeeyey, hadday shacabka tahay iyo haddii ay dunida kaleba tahay, waxana immiga loo gudbayaa tallaabada xigta iyo sida ay dadka u wada raalli geliso. Waana marxalad aad u dhib badan, oo aan si dhib yarna loo sixi karin. Waxana loo sinqayaa marxaladdii Somaliland lagu giimaynayey amma miisaanka la saarayey. Mana fiicna in aan noqonno inantii inta ay ridiqday, qoostay, ganaantay, dubtay ee naqii ugu dambeeyey ka tagtay.
Ta innoo hadhay ee in lagu kala baxo loo baahan yahayna waa mid aad u fudud, oo ah in wax lagu heshiiyo…min Saylac illaa Ceerigaabo, oo aanay cidina cid wax ka sugin. Qofka raba in uu dalka u shaqaynayaana uu aqoontiisa iyo kartidiina ku yimaaddo isaga oo ay guddi qaran qiimaynayso, laakiin aan loo eegin oday hebel ayaa wata iyo waa reer hebel, oo haddii aynaan u sadbursiin ka dhammaanmayno. Arrinta noocaasi ahina waxa ay ku iman kartaa wada hadal gogol loo fidiyo oo wax lagu heshiiyo. Siilaanyana waxa uu qudbaddiisii ku soo daray gogol ayaan furayaa…..oo aan u furayaa dadka wax tabanaya….Markaa taasi kuma koobnaanayso Cayn, Sool iyo Sanaag oo kaliya….ee waa in illaa beelaha Hargeysa ee wax tabanayaa sheegtaan cabashadooda, kuwa Awdal ee wax tabanayaa sheegtaan, kuwa Berbera ee wax tabanayaa sheegtaan. Kuwa Laascaanood ee wax tabanayaa ay sheegtaan.
Sidaasina lagu saxaa miisaanka maamul ee loo siman yahay. Sidaasi daraaddeed, waxa aan xukuumadda hoggaanka la wareegtay kula talinayaa in ay arrintaa iska xilsaarto. Oo aanay dhayalsan, haddii kale waxa ay dawladnimada aan u soconno ku noqonaysaa carqalad aan la mahadin.
Madaxweynaha iyo maamulkiisuna waa in ay dulqaad iyo adkaysi u yeeshaan in wax laga sheego. La canaanto. Oo uu dadka dhageystaa, kuna dhaqmaa fikradaha dhismaha ah ee loo soo jeedinayo
A Goth
Email: shueebi@hotmail.com

