July 30, 2010

Dawlada Cusub ee S/Land oo La Kowsatay Laangadhayn.

Hadaynu qaada dhigno sida dawlada cusubi ay ula kowsatay magacaabisteeda ka gole wasiir ahaan oo in mudo ahba laga soo shaqaynayey. Aniga iyo fekerkayga gaarka ah ayaa wuxuu tilmaamaya sida dawladu ugu dhalatay iyadoo laangadhe ah,sida aynu wada ogsoonahay laangadhaha waa lagu dhasha waana la noqdaa adigoo iskaba weyn.

Hadaba inagu maanta dawladeena cusub ee dhalatay way ku dhalatay laangadhenimada taas wxaan ku sifaynayaa madaxweyne siilaanyo wuxuu soo xushay golahiisii wasiirada ee la hagi lahaa dawlada uu madaxda ka yahay  taas oo ka turjumaysa qarankii slnd ee hogaanka dalka.

Bal hadaba akhristoow markaad shedo eed medo golaha wasiirada ee la soo xulay ayaad isku cel celin odhan karaysaa waa iska ok si kastaba arinku ha ahaadee,laakiin waxaad aad iyo aad uga biyo diiday, marna aan kuu cuntamayn, marna aanad liqi karay ,marna aanad eegi karayn wasaarada difaaca iyo sida meel loogaga dhacay hanaankii iyo haybadii ciidanka qaranku lahaa,isla markaasna wasarada difaacu ay ahayd tan keliya ee sidii loogu baahnaa ugu hana qaaday qaranka slnd.

Hadaba dhaliisha ugu weyn ayaa waxay tahay dawladii tayada laga rabey ayaa waxay keentay tayo laan toosa ,indha laan aan loogaba fadhiyin ugu horayna wasiirka loo magacaabay maalin muu arag meel ciidan joogo,iskadaa wax kaleetee dable askari ah muu noqon.

Hadaad dhinaca kale u rogtana maaha nin leh cilmi daraasadeed oo sidaa u sii weyn

hadaba cawaaqib xumadan ku dhacday difaacii dalka oo aynu og nahay in dalka slnd ay ku xeeran tahay amni daro weyn oo kaga iman karta dhinacyo badan sida dhabtu tahayna ay slnd tahay jasiirad ay ku xeeran tahay holac iyo dab aan cadad iyo qiyaas lahayni waa maxay arinta keentay in la curyaamiyo ciidankii qaranka ee haykalka iyo awooda buuxda lahaa cid kastana u quus gooyey.

Madaxweyne siilaanyo waqtigii uu ahaa gudoomiyaha snm ayaa la sheegay in ciidankii halganka uu ku yimi dib u dhac dhinaca dhaqdhaqaaqa halgankii snm.

taasi waxay ku tusaysaa inaan mudane siilanyo aaminsanayn in ahmiyada weyni tahay in la helo ciiidan tayo leh oo la iman kara difaac adag cid kastoo isku dayda inay qaranka ku burburiso qaab dagaal googoos ah ,budhacad nimo ah,al shababaysan etc.

Hadaba waxaan leeyahay dawlada siilaanyo dib hawga fekerto in ciidanka qaranku yahay halbowlaha dalka oo aanu u baahnayn cid aan aqoon iyo garsho u lahayn.

Wa bilaahi tawfiiq

Abdula Dharaar

Email: Abdula Dharaar

Login