July 29, 2010
Badheedhaha Harowo: Axmed Siilaanyo oo Soo Dhisay Dawlad u Eg Tii SNM ee 1991-kii. Fariina Cadna u Diraya Beelaha Darafyada, Kuna Talo Galay Aargoosi.
Hargeysa (Harowo) - Madaxweynaha Dhawaan la doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo balan qaaday markii la doortay in uu samayn doono dawlad kooban isla markaana uu dad aqoon leh u xulayo, ayaa maanta ku dhawaaqay dawladiisa, hasa yeeshee waxay dowladaasi noqotay mid dadka intiisa badan ka yaabisay.
Hadaba hadii aynu eegno dawladii ugu horaysay ee uu ku dhawaaqay Axmed Siilaanyo waxay noqotay mid ka kooban labaatan wasiir, taas oo ka badan intii loo soo jeediyay iyo intii laga filayay, waxa muuqata in sidii balan qaadku ahaa isla markaana beelaha Somaliland ku wada qanci lahaayeen uu ka talaabsaday, oo uu ka door biday inuu doorto ama xusho dawlad, ka badan talooyinkii la siiyay iyo wixii uu balan qaaday.
Si kastaba ha ahaatee waxa iyaduna wax lala yaabo noqotay sida uu u soo xushay oo aan ahayn mid uu aqoontooda shaqo u eegin balse uu u doortay raali galin iyo abaal celin u badan beelihii soo doortay, iyo iska dhisid beelaha kale ee Isaaq. Dawlada ka kooban 20-wasiir oo 15-ka mid ahii beesha madaxweynaha yihiin, waxay noqonaysaa in boqolkiiba 75% uu beeshiisa siiyay, runtii dadweynaha Somaliland way ka ogolaayeen Madaxweynaha la doortay inuu dad aqoon leh oo shaqada wadi kara isla markaana horumar keeni kara uu xusho, haba wada noqdaan hal qolo oo kaliyee, hasa yeeshee lama aqbali karo in uu isagu beelnimo ku xusho, dadkana u sheego inuu wax tayo leh dhisayo.
Hadii aynu dib u milicsano ciwaanka qormadeenan, waxa jirtay in sanadkii 1991-kii beelaha Somaliland ku heshiiyeen in laba sanadood la siiyo ururkii SNM ee isagu maamulkii siyaad bare dalka ka saaray, xiligaas waxa uu Madaxweynihii la doortay C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) uu siiyay beelaha kale ee aan Isaaqa ahayn 30%, halka maanta oo uu cod dadweyne ku yimi uu Mr. Siilaanyo ka siiyay beelaha aan isaaqa ahayn 25% taas oo xitaa ka yar dawladii SNM- intii ay u qoondaysay beelaha kale.
Waxyaabaha kale ee dawladan lagu saluugay waxa ka mid ah sida uu beelaha ISaaq dhexdooda u sii kala xushay, ama u kala siiyay xubnaha wasiiradda, isagoo Madaxweynaha la doorta muujiyay in beelihii taageeri jiray xisbigii UDUB aanu haba yaraatee u hayn wax sed ah, kana aargoosanayo, waayo? Waxa cad sida beelihii aan xisbigiisa taageeri jirin uu saami hooseeya u siiyay, isla markaana aanu ugu furin bog cusub oo midnimo qaran ah.
Geesta kale xisbiga UCID meelihii uu codka badan ka helay iyo beelihii taageri jiray ayaa iyaguna durba dareemay, sida loo dareensiinayo in xisbiga UCID ay taageereen, waxaanay waayeen saamigii ay uga qalmayeen.
Runtii marka laga hadlayo madaxwene la doortay oo shacbigu si mug leh u xusheen, isla markaana xilkii loogu tiriyay si sharaf leh, waxa la gudboon inuu qaato go’aan adag oo iska daayo, tix galinta iyo abaal gudka maamuladda wadada ka haleeya, balse ma muuqato inuu dhinacaa ka eegay Axmed Siilaanyo, waxaanu door biday dawlad uu beelihii soo doortay ku raali galiyo.
Hadii aan la dafirayn xaqiiqada dhabta ah, ma jirto wax lagu doodi karo ama lagu salayn karo sida dawladani u dhisan tahay marka loo eego shakhsiyaadkeeda loo xulay, maha aha sidii uu hore madaxweynaha cusubi u balan qaaday, mid uu kartida qofeed ku soo xushay, mana aha mid uu gobol ahaan ugu saami qaybshay, halka aanay ahayn mid ku salaysan saami qaybsiga Somaliland, taas oo hadii uu muujinayo in beelaha qaar mansabyo muuqda ku fadhiyaan, aanu beesha madaxweynaha, Gudoomiyaha Guurtida iyo meelo kale oo sare ku fadhida aanu sadex wasiir siiyeen, beelaha kale ee aan Isaaqa ahayna aanu afar wasiir oo wasaaradaha aan magac ahaan mooye macno ahaan jirin uga dhiibeen.
Isku soo wada duubo waxa dawladda cusub ee uu Axmed Maxmed maxamuud (Siilaanyo) ku dhawaaqay ay muujinaysaa, sidaa aan marnaba agtiisa looga soo dhawaynayn, cidii aan beeshiisa Isaaq ahayn, halka cidii beelaha kale ama xisbiyada kale taageersanaydna laga saami tirayo. Arintaas oo u eg fariin cad oo uu Mr. Siilaanyo u dirayo, dhinacyadaas.

