July 27, 2010
Wafdigii Ka Socday Dalka Djibouti Oo la Kulmay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Iyo Wixii Lagu Wada Hadlay
Hargeysa (Harowo) - Wafdigii ka socday Dalka Djibouti ee uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka ee dalkaasi ayaa maanta kulan xarunta madaxtooyada kula yeeshay madaxweynaha xilka wareejinaya ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin. Kulankaas oo madaxa wafdigu ka sheegay waxyaabo badan oo uu kaga hadlayo arimaha Somaliland gaar ahaan guulaha ay gaadhay iyo horumarka uu Madaxweyne Rayaale intii xilka uu hayay uu gaadhsiiyay, isagoo sheegay in Md. Rayaale waligii ahaan doono madaxweyne aan dhicin, oo sumcad iyo qadarin ku leh, Somaliland iyo inta jecel dumuqraadiyada ee dunidda ku dhaqan, hoos ka dhegayso, guud ahaan kulankaas, hadaladii wasiirka reer Jabuuti iyo madaxweyne Rayaale.
Get Flash to see this player.

