July 27, 2010

Guddidii Ilaalinta Hantida Qaranka Oo Ka Baaqday Inay Soo Bandhigaan Warbixintii Laga Sugayay Kaddib Markii Xubno Ka Mid Ah Lagu Eedeeyey Musuq Maasuq

promises Hargeysa (Haatuf) - Guddidii ilaalinta hantida qaranka xiliga kala guurka ee madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu bishan horaanteedii magacaabay ayaa ka baaqsaday inay maalintii shalay soo bandhigaan warbixintii laga sugayay siday hore u balan qaadeen.

Guddida ilaalinta hantida qaranka xiliga kala guurka ayaa shir jaraa’id oo ay Arbacadii toddobaadkii hore warbaahinta ugu qabteen hotel Emperial ee magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen inay soo celiyeen hanti badan oo la lunsaday iyo mid la lunsanayay isla markaana waxay halkaasi ka balan qaadeen inay warbixintooda oo dhameystiran soo bandhigi doonaan 25-ka bishan oo ku beegnayd maalintii shalay. Hase ahaatee guddida ayaan soo bandhigin warbixinta ay sheegeen inay qodob qodob u soo bandhigi doonaan hawl galka ay ka sameeyeen ilaalinta hantida qaranka xiliga kala guurka.

Guddidan oo marka horeba sharciyadooda lagu muransanaa ayaa la sheegay in madaxweynaha la doortay uu amar ku bixiyay inay hakiyaan hawlahooda kaddib markii mad madow laga soo sheegay hanaanka ay u wadaan hawshooda.

Qaar ka mid ah guddida ayaa warar xogogaal ah sheegeen inay kharash weydiisteen hay’adihii ay dabagalka ku sameynayeen, taasoo meelaha ay kharashka weydiisteen ay ka mid yihiin, baanka dhexe, agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada iyo meelo kale.

Guddida ayaa lagu eedeeyey inay si khaldan u adeegsadeen hawshii loo igmaday iyaga oo la sheegay inay ku kaceen arrimo baalmarsan nidaamkii loogu talo galay inay ku shaqeeyaan taasoo ahayd inay wixii macluumaad ah ee ay helaan ku soo celiyaan madaxweynaha la doortay hase ahaatee taasi ma dhicin.

Sidoo kale Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee uu madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo magacaabay ayaa maroorsatay hanaankii talada maamul ee dalka ka jiray, iyadoo la xaqiijiyay in warqad qarsoodi ah ay todobaadkii hore u kala direen taliyeyaasha ciidanka Bilayska iyo Qaranka ee gobolka Awdal taasoo ay ku sheegeen inay Awdal u magacaabeen guddi hoosaad ilaalisa hantida qaranka.

Sidoo kale Habka guddidani u dhaqantay mudadii ay hawsha wadeen  ayaa u muuqatay inay awooda talada ka hororsanayeen  madaxweynaha la doortay.

Si kastaba ha ahaatee baaqashada warbixintii laga sugayay guddidani inay soo bandhigaan ayaa dadka qaar ku macneeyeen in aanay guddidu marka horeba  wax ay soo bandhigaanba aanay hayn halka dadka qaarkood sheegayaan in musuq maasuq ay ku kaceen xubno ka mid ah guddidani sababay  inay hakad gasho hawshii ay wadeen.

Login