July 27, 2010

Dhanxiir iyo Wefitga Jabuuti

Maansha Allaah; reer Jabuuti way isgalaaleen; kalhadii ay wefti qiimo leh u soo direen xaflada xilwareejinta labada madaxweyne oo waliba wasiirkoodii hoggaaminayey Hargeysa kaga dhex dhawaaqay in doorashadii Somaliland cashar u tahay Afrika iyo caalamkaba, isaga oo yidhi; ‘Yaakhii habeen iyo dharaarba waan idiin soo jeednay xiligii doorashada.’

Weger; Adeer; wasiirkan yar ee la soo lugooyey car yaan la arkin markuu beri noqdo isaga oo bustihiisii bada xeeligeeda loo dhigay, yaa yidhi Ismaaciil iyo dimuqraadiyad ayaa la ismaqashiiyaa, miyaanu ahayn ninka mucaaridkiisii geedka qodaxda leh ku xidhay ee xeebta Jabuuti ka mamnuucay inay fooda soo geliyaan, Cali Cabdi Faarax-na malaha Subeeriyada ayaa madaxmartay, hadii la eryana Hargeysaba maqaaxi wuu ka furan lagu soo xagaa baxo.

Jamhuuriya Online

Login