July 26, 2010

“Waxaan Ugu Baaqaynaa Shacbiga, Ganacsata, Qurba-jooga Inay Si Mug Leh uga Qayb Qaataan Wajiga Labaad Ee Dhismaha Wadada Camuud/Dilla ilaa Boorama” Maxamed Cali Cismaan.

Boorama (Harowo) - Xoghayaha Guud ee Hay’adda horumarinta wadooyinka Awdal Iyo Selel, (ASARDA) Maxamed Cali Cismaan ayaa warsaxaafadeed uu maalintii shalay ka soo saaray magaaladda Boorama kaga hadlay, dhamaystirka wajigii koowaad ee jidka isku xidha Camuud/Dilla ilaa Boorama, kaas oo sida uu sheegay ahaa mid tijaabo ah, laguna muujinayay sida loo hir galin karo, mashruucan iyo kuwo kale oo ka balaadhan.

Mr. Maxamed Cali Cismaan waxa kale oo uu warsaxaafadeedkiisan kaga hadlay, in la dhamaystiray, gaadiidkana loo fasaxay, Saddex Kiiloo-mitir oo ka mid ah jidkaas, isagoo intaa ku daray, in wajigii labaad la bilaabayo, baaq balaadhana u jeediyay dhamana dadweynaha reer Somaliland gaar ahaan dadka goboladda Awdal Iyo Selel. Hadaba warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan.

“Sida aynu la wada socono waxa 22/05/2010 ciidii u horaysay la dhigay jidka isku xidha camuud-Dilla oo laami ah, laga bilaabo maalintaas waxa bilaabantay howshii lagu dhisayay 3km ee jidka oo tijaabo u ahaa inta hadhay oo soo gabo gabowday 21/07/2010, kaas oo isla maantaba si kumeel gaadh ah loogu fasaxay oo ay isticmaalayaan baabuurtu. Sidaa daraadeed waxa hadda bilaabmaya wejigii labaad ee dhiska jidka oo ah qaybtii ugu balaadhnayd, oo ah 30km, kaas oo qorshuhu yahay in loo bilaabo sida ugu dhakhsaha badan todobaadyada soo socda.

Haddaba waxan si sharafleh ugu wargelinaynaa, isla markaana aan ka codsanaynaa dhamaan shacbiwaynaha reer Somaliland, sharikadaha ganacsiga, qurba jooga reer Somaliland iyo waliba gaar ahaan qurba jooga reer Awdal iyo Salal, inay si mug leh uga qaybqaataan dhamaystirka howsha jidka oo aan filayno inuu haatan soo gaadhay kaalintoodii maadaama oo wejigii hore ee tijaabada ahaa ay u howlgaleen isla markaana dhamaystireen ganacsatada Borama.

Waxa kale oo aan halkan uga mahad naqaynaa marka ugu horeysa ILAAHAY oo inoo suurto galiyay dhamaystirka 3km ee u horeeyay, mar labaad, waxan halkan uga mahad celinaynaa dadyowgii ku deeqay lacagtii lagu dhisay jidka oo ay kamid yihiin ganacsatada Borama oo bixiyay lacagtii ugu badnayd, iyo jaaliyadaha reer Awdal ee Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, Swetzerland iyo Ururka Gurmad. Anagoo ka rajaynayna inay halkaas ka sii wadi doonaan dedaalkooda iyo taageradooda.

Waxa iyaduna xusid mudan oo aan halkan uga hambalyeynaynaa shacabka reer Somaliland sidii nabadgelyada iyo sharafta lahayd ee ay uga qayb qaateen doorashadii M/tooyada, waxa kale oo aan halkan uga hambelyaynaynaa M/waynaha cusub Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo M/weyne ku Xigeenka Cusub ee la doortay Md. C/raxman C/lahi Ismail (Saylici),

Anagoo isla markaana uga mahad celinayna qorshahooda ku talogalka inay ku dhisaan 4km oo kamid jidkan 100ka maalmood ee u horeeya, waxa kale oo aan hambalyo taas la mid ah na u diraynaa M/waynihii iyo M/weyne ku xigeenkii hore Md. Dahir Rayaale Kaahin iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin sida fiican ee sharafta iyo taariikhiga ahayd ee ay u aqbaleen go’aankii Gudida Doorashooyinka Qaranka.

Guntii iyo gabo gabadii, anaguna haddaan nahay ururka ASARDA waxaan mar walba diyaar u nahay inaan si hagar la’aan ah uga shaqayno horumarinta jidadka dalkeena. Isla markaana waxan rajaynayanaa dhamaan dadweynaha reer Somaliland in la soo gaadhay wakhtigii aynu gudo iyo dibadba wixii aynu awood dhaqaale hayno isugu geyn lahayn si aynu uga qayb qaadano horumarka dalkeena.”

Maxamed Cali Cismaan Caynaan

Xoghayaha guud ee Hay’adda Horumarinta wadooyinka Goboladda Awdal Iyo Selel (ASARDA)

Login