July 25, 2010
Mudnaanta Kowaad Waa Amaanka Qaranka Sabahan Awgood
Waxa aan shaki ku jirin in xisbi kasta oo guushu raacdaa uu noqonayo dawlad qaran oo ay waajib ku tahay inuu u taffa xayto sidii uu sufuufta Ummadda mar kale u midayn lahaa kol haddii ay madax u wada yihiin mid doortay iyo mid aan dooranba. Abaaglgudku waa inuu noqdaa mid loo siman yahay.By:Ali Mohamoud Noor.
Dood Furan: Maxaa la gudboon reer Somaliland shacbi iyo xukuumadba Sida qaalibka waxa jira in dadkii u codeeyay xisbiga Kulmiye ay ku taami jireen in isbeddel dhab ahi uu dalka ka hana qaado. Dareenkaasi wuxu ahaa mid aad u saameeyay inta badan taageerayaashii xisbigaa iyo kooxo isbeddel doon la baxay oo ay wehelinayaan kooxo kale oo iyana qaba in la furo axsaab intan ka badan sida hoggamiyayaashii ururkii Qaran. Haddaba qaylo dhaantaa ka soo yeedhay ummadda ayaa la odhon karaa waxay ahayd tii Kulmiye u horseeday guushii madaxnimada iyo talada dalka ka dib doorashadii qabssontay 26.06.10
Isla hugunkaa dadweyne ayaa ahaa kii maamulkii hore baday inu waayo kalsoonida ummmadda inteeda badan. Haatan iyo dan kol haddaii loollan baàn dabadeed ay dhammaadeen hawlihii doorasho lana shaaciyay cidda ku guulaysatay talada dalka ayaa loo baahan yahay in si wada jir ah loogu hawl galo horumarinta dalka taasoo aan shakhsi iyo xisbi dan u hayn balse ah mid ummadda oo dhami ay ku caano maali doonto haddii ragna isla qabto ilaahna sidii laga arki jiray uu ku garab ku galo. Waxa haatan la guda galay xilligii shacbigu dib ugu laaban hawl maalmeedkiisii caadiga ahaa oo meel la iskakaga tiirin lahaa kala qaybsanaantii xisbinnimo iyo waayihii kala ololaynta ee ururradii talada u tartamayay.
Waxa aan shaki ku jirin in xisbi kasta oo guushu raacdaa uu noqonayo dawlad qaran waajibna ay ku tahay inuu u taffa xayto sidii uu sufuufta Ummadda mar kale u midayn lahaa kol haddii ay madax u wada yihiin dhammaan bulshoweynta Somaliland mid doortay iyo mid aan dooranba.
Abaaglgudku waa inuu noqdaa mid loo siman yahay wax walba oo aan cidna si gaar ah loo qoqobin si wax qaybsigu aanay u abuurmin tuhunno dadka kala geeyaa oo aan wadajirku u majaro habaabin. Waxa loo baahan yahay in midnimo lagu hawl galo si qof waliba uu dusha ugu rito wixii u gaacan ka geysan karo hawlaha cakiran ee dalka hor yaalla iyadoo laga yeelanayo qorshayaal hufan oo si cilmaiyaysan looga baaran soo degay isla mar ahaantaana loona igmaday dad aqoonteeda iyo waayao aragnimaba leh oo ay weliba intaa u dheer tahay inay ahaadaan kuwo la bidayo inay ammaanadana ehel u yihiin.
Waxay haddaba saaxiibbayaal ila tahay aniga in maamulka cusubi la kowsanayo dhibaatooyin aan qara yarayn oo durba la odhon karayo waxay faraqooda ku sii haystaan in dhibaato ugu filan, waayo wa mar eh iyagoo ah afraad ku cusub hoggaaminta arrimaha dalka halkii awal ay ku koobnaayeen xisbi ahaan iyo iyadoo ay u taallo qabyo badan oo dalka ragaad gelisay taaso ah mid ay ka dhaxleen qoladii iyaga ka horaysay.
Inaksta oo Hawsha u taallaa ay tahay mid aad u baaxad weyn ayaa haddana laga sugayaa inay iyagu furdaamiyaan marba haddii ay u badheedheen xilkaa culus oo ay ku doodeen inay masùuliyaddeeda qaadi karayaan islamar ahaantaa ay in badan sheegeen inay qabaan karti iyo daacadnimo ay ugu tooggo baxaan wax weynna ka qaban karaan hawlahaa iyaga ah.
Haddaba aynu hoos ugu sii dhaadhacno qaar ka mid ah waajibaadyada mahaddooyinka reebay ee sugaya maamulka cusub oo bal aan soo qaadanno hal iyo laba intii aynu ka gaadhi karno.
Bal aynu is dul taagno qaar ka mid ah hawlaha culculus ee aynu tabayno wax ka qabashadooda, waxaana aynu ka xusi karnaa kuwan soo socda:
* La dagaallanka faqiga iyo wax ka qabashada dhaqaale xumada baahsan.
* Daryeel laàanta ka muuqata dalka haddii ay tahay dad, dunyo iyo deegaanba.
* Siyaasad dibadeed oo miiggan iyo ka jibbo keenka sidii loo gaadhi lahaa Ictiriaaf.
* Aminiga qaran xilli uu cadowgu sii yeeshay wejiyo intii hore ka badan.
* Wax qabashada shaqa laàanta iyo tahriibta dhallinyarada.
* Yagleelidda mashaariic ku aaddan kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
* Horumarinta adeegyada guud sida ka haqab beelka biyo nadiif ah, tacliinta, caafimaadka tamarta iwm.
* Dawlad kooban oo tayo leh oo hal ku dheggeedu yahay good goverance.
* Nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ay xurgufuhu dhex yaallaan.
* Xoraynta aagga bari inta weli ka dhiman.
* Xoojinta Caddaaladda gaar ahaan xal u helidda goldaloolada ka jirta dhanka dhanka hayàdaha sharci iyo dibu eegis dastuurka qaran.
* Dhowritaanka xuquuqda aadamaha gaar ahaan yagleelka siyaasad qaran oo ku aaddan dadka la hayb sooco iyo horumarinta haweenka.
* Kobcinta dakhliga asaasiga ah ee dawladda iyo dhowridda hantida qaran.
* La macaamilka adduunyado, dawlado urur goboleedyo iyo hayàdo caalamiyaba.
* Kor u qaadidda wax soo saarka dalka iyo dhiirri gelinta maal gashiga.
* Qeexid lagu sameeyo faraqa u dhexeeya muwaaddin ama marti, iyo lahaanshaha siyaasad qaran oo hufan oo ku wajahan soo galootiga.
* Kobcinta tayada aqooneed iyo tu farsamo ee guud ahaan shaqaalaha.
* Adkaynta xilka shaqaalaha ka saaraan inay si buuxda u hawl guttaan iyo ilaalinta xilliga shaqada oo leh nasashooyin cayiman oo aan lagu xadgudbi karin.
* Agaasinka shuruucdii lagu hagi lahaa dhammaanba hya`daha madaxa bannaan ee aan dawliga ahayn.
* Iswaafajinta manhajka dugsiyada dalka ee hoose,dhexe,sare ilaa tacliinta jaamacadaha iyo macaahidda si loo raaco manhaj waddani ah oo midaysan haddii ay yihiin qaar dawladeed iyo haddii ay yihiin xarumo private ahba.
* Soo celinta hantida guud gaar ahaan seerayaasha la iska oodday iyo meelaha kale ee qaranku lahaa, iyo xal u helidda mushkiladda dhul boobka.
* Xoojinta usuulka diiniga ee sunnaha islaamka iyo ka hor tagga fidnada ay wadaan firqooyinka asal raaca ah ee ku hardamaya dalka aynu jaarka nahay ee Somalia.
Iyada oo la isku wada raacsan yahay in dalka loo hawl galo dadkuna ay u jeel qabaan dawlad ay ka reebban tahay wax allaala iyo wixii ku lug leh eex, laaluush, musuqmaasuq, qaraabo kiil iwm. ayaa haddana dadku ku kala gedgeddisanaan karaa yoolalkaa qaran sidii loo kala hormarin lahaa.
Sidaa daraadeed ayay iila muuqataa in maanta oo waa cusub la galay ay innala gudboon tahay in wax la iska weyddo xaaladdaha u dalku marayo, dibna u qiimaynoo waxa aynu ilaa hadda guulo gaadhnay, waxa xilligan inna hawlo inna suga ee qabyo ah weli iyo wixii aynu qorshe u dhigan lahayn mustaqbalka fog intaba. Waxan idin xusuusin lahaa in aanu jirin qof taladiisa laga maarmay waayo mid lagu jiro ilaaha weyn ee caza wa jallaha ah ayuunbaa og waxaana dhici karta in fikirka aad soo jeediso uu noqdo mid ihtimaam gaar ah loo yeesho waana sababtaa ta an idin dhex dhigayaa dooddan furan innaga oo ku eegi doonna maxay tahay ta mudan inaynu siino ahmiyadda koobad ka dib markii aad adigu qof ahaan qiimayn ku samysay baahiyaha kor ku xusan iyo kuwii aan hilmaamayba oo ay bannaan tahay in lagu soo kordhiyo haddii la hayo qodobbo kale oo muhiim ah. Dhinac waxay Cilmi baadhis ma huraan ah oo laga duuli karo ay u noqonaysaa maamulka cusub dhinaca kalena waxay iftiimin doontaa dareenka shacbigu meelaha u aadka diiraddiisu u saaran tahay waqtigan iyo amintan hadda la joogo.
Haddaba bal maxay muwaadin kula tahay in ay noqoto ahmiyadda kowaad ee xukuumadda cusubi. Haddii aan anigu bilaabo oo aan Ra`yigayga gaarka ahna an raacsado waxan qabaa in ay ta u muhiimsani ay tahay ka hor tagga wixii dhaawacaya JIRITAANKA QARANNIMADA SOMALILAND waayo waxan taa u arkaa inay saldhig u tahay guul ama fashil ku yimaadda habsami u socodka hawlaha kale dhammaantood.
ASBAABTA DOODAYDU WAA SIDAN:
Waxa la og yahay in deegaanno ka mid ah buuraha golis ee aagga bari gaar ahaanna deegaanka loo yaqaan Galgala ay soo galeen xoogagga Alshabaab kana samaysteen saldhigyo ciidan iyagoo lagu qiyaasayo inay boqollaaal yihiin. Waxa hor kacaya nin la yidhaahdo atom oo ka tirsan xagjirka koonfur joogta. Waxa ay daarran tahay sheekadiisu uma baahna in la mala awaalo balse waxa aynu ognahay qiimaha istraajiyadeed ee buurahaasi leeyihiin.
Si aynu wax ogaanno sababta ay xeebaha bari u noqdeen kuwo xasaasi ah xilligan ayaa waxa lagama maarmaan ah in aynu dib u jalleecno taariikhda dhow iyo wixii dhacdooyin aaggaas ka jiray.
Dhulkan oo dhaca meel halbawle ah ayaa ah mid kaabiga ku haya marinnada ay ku kulmaan Gacanka Cadmeed iyo kan Badda Cas iyo sidoo kale Badweynta Hindiya.
Sida aynu xog ogaalka ku hayno waxa dhulalkaa loo adegsadaa jariimado laga galo qarammada Somaliland, Somalia, Ethiopia, Kenya iyo qaar ku teedsan badda carbeed, taasoo ka dhigaysa gabbod falladaasi kuwo caalami ah.
Haddii aynu sii sifayno waxa dhul buureedka ka dhigay goob istraatiji ah waa iydoo lagama maarmaan u ah fal dembiyadan :
- Xarunta caanka ah ee Budhacad Badeeda.
- Tahriibinta Aadamaha iyadoo lagu qiyaaso inay ka dhoofeen in ka badan hal milyan oo qof ilaa 1991, dadka badda lagu qubay ee ku le`dayna ay kor dhaafayaan boqol iyo labaatan kun oo ruux halka ay tiro tobanaan kun ahina ay kaga lexaad beeshay.
- ka soo dejinta lacao been ah, mukhadaraad, iyo hub.
- Heshiisyo hoose oo lala galo sharikado kalluumaysi oo xaalufiya badda.
- Heshiisyo hoose oo lala galo ururro Mafia ah oo ku daadiya sunta.
- heshiisyo lal soo galo ajnebi fadhataysta maraakiib qarni hore badda ku degtay iyadoo si gaar ah u bar tilmaansata dahabkii iyo dheemankii hore iyo wax allaale wixii khasnado kale ah ee ku duugan badaha.
- Heshiisyo lala soo galo dad ajnebi ah oo adeegsada diyaarado helicopters ah iyo maraakiib intaba oo iyana berriga ka xaalufiya wixii ugaadha ka sii hadhay.
-Dhoofinta dhuxusha taasoo laga gubo dhirta qaybo badan oo ka mid ah gobolka geeska Africa.
- Heshiisyo hoose oo lala soo galo shariikado tuugo ah oo macdanta baadha sida tii MAJAYAHAN iyo qaar sheegta inay saliid ka soo saarayaan dhanka berriga ee dhow garoonka diyaaradaha diyaaradaha ee Garowe oo kolkba boqollaal kun oo Dollar oo laaluush una qaybiya Isimada iyo Wasiirada.
Faahfaahin.
Ka soo dejinta hubka, lacagta been abuurka ah, oo kala ah US Dollar, Somali Shilling iyo shilinka Somaliland, waxa ka soo dega mukhaarad iyadoo beryahanba la hadal hayay in ay noqotay marin ka mid ah meelaha ay isticlamaan kooxda FARC ee Moist-ka ah kana dagaallanta dalka Colombia muddo afartan sannadood ku dhowaad ah ee beerta islamarkaana dhoofisa mukhadaraadka dilaaga ee Opium lagana sameeyo Heroin iyo noocyo ah budada sanka laga qaato ee kokainta lo yaqaanno, kooxdan oo suuqeeda ugu weyni u yahay USA, Canada iyo Europe iyo shanta qaaradoodba ayaa in dhoweyd raadinaysay marinno cusub oo ay helaan safrinta mukhadaraadka ay ka helaan kumanaanka bilyan ee dollar sannadkii waxa laga war qabaa inay Puntland u sahashay inay adeegsato badaha ay maamusho kuna yeelato bariga Africa meel ay ka dhoofiyaan woxooda ka dib markii ay saldhig rasmi ah ka heleen galbeedka qaardda Afirka gaar ahaan dalka Guinea.
Waxa laga warqabaa in fidnada ka socota maamul goboleedka Somalia ee Puntland ay keentay in mujtamacaasi iska caadaysto aqbalaadda dulliga iyadoo ay si cad wakiillo uga yihiin waxa dhacaya qaar ka mid ah MAFIYADA TALYAANIGA iyo abbaanno Puntland ah oo madax dhaqmeed, baayac mushtar iyo, aqoonyahan iyo siyaasi ay intuba u bahoobeen inay ku taajiraan duruuf kasta oo suurta gal ah waxa kula jira sida laga war qabo qolyo kale oo iyana TFG-da ka tirsan. haddii hadalka loogu tago halkiisa waa intaa kor ku xusan waxa ka dambeeya fal denbiyeedyada aafeeyay gobolka intiisii kale. waxaana ku kaca shakhsiyaad ay hormuud ka yihiin madaxada, baayac mushtarka iyo isimada reer Puntland sida u horeba u caddeeyay Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon iyo sirdoonka reer galbeedka intuba.
Waxa kaloo jirta in Shariikado, mafio caalami ah , shakhsiyaad iyo dawlado intuba ay ku lug leeyihiin falalkaa aynu ka hadlayno siyaalo kala geddisan, tusaale Eritrea , Saudi Arabia, Yemen iyo kuwo kale ayaa la og yahay inay ku xad gubeen marar badan cunaqabaynta hubka ee golaha ammanku saaray Somalia.
Waxa innaga si gaar ah inoo taabanaysa ta Eritrea oo laga warqabo in aanay kaliya hubka u soo daabulin kooxo diimeedyada xag jira ee Somalia balse ay sidoo kalena u hubayso ONLF-ta la dagaallanta Ethiopia taasoo aan ku ekkayn halkaase ay wax yeelladeedu soo dhaaftay iyadoo u adeegsata hubkaa Eritrea ay siiso inay ku layso dadka u dhashay Somaliland kuna gubto hantidooda waana halka laga yidhaahdo waa Proxy war inkasta oo taa aan la innagu darin oo ay qayb ka tahay siyaasad xumadeenna.
Waxa hubaal ah in maantana ay Al-shabaab iyo Xizbul Islaam oo horay ay Eritrea iyo Alqaida ay hubka u soo marin jireen garoomada cirka ee jubbada hoose sida balli doogle iyo mid kale oo isla aaggas ah, dhanka baddana ay ugu muhiimsanaayeen xeebaha mudug iyo Kismayo ayaa ogaaday inay yeesheen awood badan ka dib markii ay koonfurta inteeda badan gacan ku dhigeen. Waxad mooddaa inay markan isballaadhin wadaan oo ku soo siqayaan dhanka woqooyi sida darteed waxay baahi weyn u qaba meelo u hubku uga soo dego ay rabaan inay saldhigyo ka samaystaan buurta iyo xeebta bari, saanaddaasi oo dabcan aan koonfur oo keliya lagaga dagaal geli doonin balse ah mid sahli doona inay Somaliland amnigeeda khalkhal ay ku geliyaan si ay caalamka u tusaan inaan wixii Somalia la isku odhon jiray meelina ka fayoobayn oo ay xukumaan, waxa dooddaa u sahlaya dhibka ay halkan gaysan doonaan haddii aan si dhakso ah looga hor tegin.
Waxa iyana laga war hayaa in dhulkaasi u ku beeggan yahay badhaha xadka Somaliland iyo Somalia oo qaybo ka mid ahi ay yihiin deegaano dhulalkeenna ah oo ay Puntland isir ahaan u sheegto in aanay kala goÌ karin, ayaa sida muuqata wuxu iska noqday halka laga soo abaabulo weerarada cadowga ee meelo badan oo mandaqadda ah oo ay Somalilandna ku jirto, inkasta oo ay waqtigan fara baàn ku hayaan magaalooyinka Bosaso, Qardho, Garowe iyo Gal kacayo oo intuba Puntland ka tirsan ayaa haddana laga war ahayaa in bernaamijkoodu uu taxan yahay ilaa iyo guud ahaanba carriga Somaliland, Waxa jira qolyo kale oo la baxay SSC oo iyana dhibaatadoodu ay isa soo tarayso ilaa haddana galaaftay saraakiil dhow ah si rasmi ahna u bilaabay hujuummo kedis ah oo ay la beegsanayaan ciidamada qaranka ee Sool, Taliyaha kooxdan ayaa horay loogu xidhay Kenya iyadoo lagu eedayay inu madax u yahay urur argagixiso waxaanu ku soo galay dalka si dhuumaalaysi ah, Ethiopia iyana waatii tallabooyinka deg degga ah ka qaadday laakiin waxa u gurmatay Puntland oo afka ka sheegata inay la col tahay SSC balse la og yahay inay iyagu ka dambeeyaan waxaana taa loo jeedaa marin habaabinta rayal caamka gobolka iyo dunida.
Haddaba waxa la gudboon Xukuumadda cusub inay si deg deg ah u dejiso istraajiyad milatari oo ku aaddan sidii siddaha loogu jari lahaa faallaagooyinka ssc iyo xagjir diimeedka alshabaab inta saacadu u sii durkin goor xaajaba ay faro ka haadday. Qoldan la baxday ssc waxay saldhigyo qarsoon ku leedahay deegaanka Buuhoodle.
Haddaba haddii aan si dhakhso leh looga hor tegin khataraha aan indhaha laga lalin karin oo ah qaar ku soo hagaagay xukuumadda cusub ayaan anigu u arkaa inu yahay qodobka aan u arko inu yahay ka u mudan maanta.
East And West Somaliland Is Best
Ali Mohamoud Noor Ali-Eid Oslo, Norway
Email: ali-sarhaye@hotmail.com
