July 25, 2010

Baaq: Waxgaradka Iyo Odayaasha iyo Dhalinyarta Beesha Jibriilyoonis Ee UK Oo Baaq Iyo Talootin U Diraya Haldoorka Gobolka Awdal Gaar Ahaan Cabdiraxmaan Awcali Farax.

Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Asalaamu Calaykum Warxamatulaahi Wabarakaatuhu: Marka hore ilaaha ina abuuray ee inaga dhigay muslim ayaa mahad leh waxanan ilaahay ka baryaynaa in uu markasta talada wanaagsan meesha ay ku jirto inagu hagaajo ilayn isaga maahee majirto cid kale oo ogaalkeeda leh meesha khayrku yaalee. Waxa kale Oo Haboon in aan markasta is xasuusino in khayrku kujiro isku xidhnaashaha iyo talawadaaga taas oo qoomkasta kaga bixi karo cidhiidhi kasta iyo talo xuma kasta oo soo wajahda.

Marlabaadka waxan salaamaynaa warbaahinta Somaliland intii ilahay ilhaamiyo in ay soo daabacaan fariintan waxa kale oo aan salaan u soo gudbinaynaa dhamaan shacabka Somaliland oo aan ugu hambalyaynayno sidii wanaagsanayd ee ay uga qaybqaateen doorashadii dalka ka dhacday 26 July 2010

Hadaan ugudubno nuxurka fariintani xambaarsantahay.

Talooyinka aan halkan ku soo gudbinaynaayi waa kuwo kasoo baxay is waraysiyo badan iyo tala kala qaadasho ay siyaabo kala duwan u yeesheen waxgaradka iyo odayaasha iyo dhalinyarta Beesha Jibriilyoonis ee ku dhaqan dalkan UK.

Waraysiyadaa iyo wada tashiyadaa oo soo socday tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijada dorashadii ka dhacday Somaliland waxay waxgaradka iyo odayaasha iyo dhalinyarta beeshuba isla garteen in ay lagama maar maantahay in ay beesha jibriil yoonis si wada jira u wajahdo wakhtiga cusub iyo siyaasada kala wareega ah ee ka jirta dalkii hooyo.

Waxayna go,aan ku gaadheen in ay baaq u diraan waxgaradka iyo odayaasha ay haatan taladu ka go,do ee kunool dalka gudihiisa, waxa kale oo ay go,aan midaysan ka gaadheen maadaaba gobolka Awdal yahay gobolka kaliya ee 90% dadka ku nooli u codeeyeen xisbiga haatan talada wareejinaya ee Udub in ay beeshu haldoorkeeda iyo wax garadkeeda ku dhiiri galiso in ay cududooda ku biirshaan xisbiga Udub kuna dedaalaan sidii ay xisbiga Udub oo ah xisbiga kaliya ee ay taariikhda gobolku sida weyn uga dhexmuuqato usoo noolayn lahayd ugana qayb qaadan lahayd horu marintiisa iyo dib u abaabulkiisa.

Hadaba si loogu guulaysto soo noolaynta xisbiga Udub oo sidaan sheegnay ah xisbiga majooratiga reer Awdal u footeyeen waxay waxgaradka iyo odayaasha iyo dhalinyarta beesha jibriilyoonis ee UK si gaara baaq ugu gudbinayaan haldoorka beesha oo uu ugu horeeyo mudane Cabdiraxmaan Awcali Faarax oo ah shaqsi karaamo weyn ku dhex leh dhamaan shacbiga Somaliland; Waxayna qurbajooga UK ee beesha Jibriil Yoonis talo ugu soo gudbinayaan Mudane cabdiraxmaan Awcali Faarax in uu sibuuxda xubin uga noqdo xisbiga Udub kana qayb qaato dib u habaynta xisbiga.

Inkasta oo ay haboontahay in la haneeyo wixii dimiqoraadiyad ku yimid ee la isku raacay hadana waxay qurba jooga beeshu ka dardaaraysaa Mudane Cabdiraxman Awcali iyo hadloorada kale ee beeshuba in ay ka foojignaadaan in lagu sabo xilal looga dhiibo dawlad aanan laga soo dooran gabolka ay ka soo jeedaan.

Waxa kale oo qurba jooga beesha ee UK ugu balan qaadayaan mudane Cabdiraxmaan Awcali Faarax iyo haldoorka kale ee beeshaba in hadii ay tubta fiican maraan oo ay qaataan talooyinkan wax ku oolka ah in ay iyaguna hiil iyo hooba la garab taagnaan doonaan.

Waxay sidoo kale waxgaradka iyo odayaasha iyo dhalinyarta beesha Jibriilyoonis ee UK talooyinkaa kuwa lamida u gudbinayaan dhamaan haldoorada beelaha gobolka Awdal waxayna kula dar daarmayaan in ay racaan meesha ay midnimada gobolka iyo dalkuba ku jirto halkaas oo ah xisbiga Udub.

ILaahay Baa Mahadleh

Magacaanta xubnaha ay taladu kasoo baxday .

Nuur Xuseen

Adan Axmed Diiriye

Abokor Daahir Obsiiye

Maxamed Jamac Cabdilahi

Maxamed Cusman Suldaan (Janaale)

Mustafe Yuusuf Wayrax

Daahir Tukaale Askar

Axmed Nuur Beegsi

Maxamed Farax Rijaal

Cabdisalaan Shekh Cabdilaahi

Farxaan Farah Sigad

Axmed Aden Daahir

Ibraahim Cilmi Coofleh

Xuseen Cige Mike

Cali Daahir

Cabdiraxmaan Farax Sigad

Mustafe Miicaad Allale

Xasan Nuur Allaale

Bashiir MAXAMUUD Yuusuf

Axmad Maxamud (KAYD)

Maxamud Awbashbash

Maxamed Rashiid Cige

Rashiid Cabdale

Nuur Haayir

Maxamed Cilmi Coofleh

Siciid Cabdi Guray

Maxamed Xabdi Guray

Xasan Xadi Coofleh

Mustafe Timacade

Cabdale Farah Sigad

Axmed Muxumed Sacad

Maxamud Cumar Sheekh Ibraahim

Mooge Jamac Aye Urdoox

Maxamed Jamac Oday(

Cabdirasaaq Mawliid

Sheikh Cabdi Axamad

Cismaan Daahir Xergeeye

Cabdi Daahir Gudaal (Cabdi Bigaas)

Rashiid Xuseen Sayre

Nuur Haayir

nurhaayir@yahoo.com

Login