July 25, 2010

Ayaan Astaanle, Maxaa Isku Xaflad Ka Dhigay Hadhwanaagnews Iyo Dawladda Cusub ee S/Land.

Dhamaan waxaan salamaya bahda mareegaha wararka slnd iyo akhristayaashooda qiimaha leh ee dunida dacaladeeda kala jooga hadaan intaa ku dhaafo salaanta guud, runtii maqaalkani wuxuu ka turjumayaa waxa saxaafada la yidhaa iyo nooca ay tahay. Bal hadaba saxaafada marka lagu magacaabo saxaafad xor ah waa mid ka madax banaan dhamaan qaybaha kale ee saxaafada sida saxafada ay leedahay dawaladu oo iyadu ah mid u adeegta qiimaha dawlad ahaan isla markaasna ka turjumaysa saxaafad line keliya raacaysa, laakiin marka saxaafadu xor tahay waa marka ay u dhan tahay afarta jaho ee jahooyinka dunida taas oo loogu yeedho< news >,oo ku tusaya north, east, west, south.

Bal hadaba waxa aad ila yaab noqday waa markii iigu horeysey marka laga hadlayo saxafada xorta ah een maqlo wargeys ku tilmaaman inuu xor yahay oo hadana sita sawir dhigaya inuu gacan saar la leeyahay dawlad noocay doontaba ha ahaatee,taasi waxay la mid tahay jaho hababka ku dhacay dalkeena ee u diiday inuu horuu socod keen ,qofku,qoysku,qaranku

Bal akhristoow wargeyska hadhwanaag wuxuu inoo sheeegay in sanadguuradiisii uu meel kula dhiganayo xaflada dawlada cusub.

Qoraalkaygan maaha mid ka turjumaya u jeedo gaar ah laakiin waa mid ka turjumaya wargeysku ama saxaafadu inay ahaato mid aan xigto gaara lahayn hadii ay yeelato xigto gaar ahna ay noqonay mid sumcad ahaan wax u dhinta ka saxaafad ahaan guud ahaanba burburka ku dhacay bulshadeena ayaa wuxuu noqday mid ku baahay dhamaanba qarankeena ood mararka qaar kood moodaa inaan meeliba u fayoobayn.

Sababtoo ah dhacdadani waxay la mid tahay wargeys soo qoray waxaan jirinba taas oo aynu wada og nahay inay ka dhacdo mar kasta wargeysyada wararka.

Waxaan xasuustaa waqtigii saxaafadu koobneyd ee ku sinaa 1967kii ka hor  oo saxaafadu hadaanay kaa hayn document cad oo ay raad raacaan hadii wax qaladi ka soo baxo marka warkaasi galo media aha  hadeerna waxaynu xaflad la dhiganaynaa inagoo saxafad xor  ah sheeganayna dawladii loo baahna in bulshado ogaato meelaha ay dadka ka duminay.

Saxaafada slnd waxay ku haboon tahay in lagu tilaanasdo mid hana qaad ah oo bulshada u shaqaysa laakiin aan u shaqayn dawlad iyadu leh saxafad u gaar ah oo ay run iyo run laanba ku sheegto hadaan taas la helina muwadanka doonaya inuu bidhaamiyo waxa jira ma noqon karo mid soo saara odhaahdiisa.

Saxafada xorta ahna way ka fog tahay nin jeclaysi,reer jeclaysi,maal jeclaysi,amaan jeclaysi,etc

Wa bilaahi tawfiiq

Abdula Dharaar

Email: dharaar17@gmail.com

Login