July 23, 2010

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo Dhambaal Tacsi ah u Diraya Marxuun Maxamed Cali Ebyan (Wadaadyare)

Madaxweynaha cusub ee shacabku soo doortay  Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuun Maxamed Cali Ebyan (Wadaadyare) oo shalay ku geeriyoodey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii Jano Ka waraabiyo Marxuumka, Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin.

Allaa Mahad Leh,

Madaxweyne, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Login