July 22, 2010

Xoghayaha Arimaha Debedda UDUB oo baaq u diray Qurba jooga UDUB

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer SL. Marka labaadna waxaan salaan qaaliya hawada u marinayaa madaxda iyo taageerayaasha xisbiga UDUB. Sidaad lawada socotaan waxa hadda aynu ka soo gudubnay doorashadii madaxtooyada oo xisbi ahaan  la inooga guulaystay si aynaan filayn.

Fahamka guud ee madaxda xisbiga ee ku wajahan sababaha keenay guuldarada waxa ugu horeeya balanqaadyada faraha badan  ee ay ku balan qaadayeen axsaabta akale iyo Xisbiga UDUB oo xeedhada gunteeda ogaa oo ay la noqon weyday inay ku balan qaadaan wax ay ogyihiin inaanay suurtoobayn.

Waxa se iyaduna taa barbar socota oo muhiim ah bal inaynu wax ka ogaano haday jiraan waxyaalo farsamo ahaan (technically), siyaasad  ahaan ( politically) iyo sidaynu u soo bandhigaynay siyaasadeena (Communication strategy) inaga ololeheena ka khaldanaa si aynu uga gaashaamano ololayaasha soo socda oo aynu wax uga barano.

Xafiiska Arimaha debedda ee xisbigu waxa uu soo saari doonaa report ka warami doona kaalintii Qurba jooga UDUB ku lahaa  ee inagaga aadanayd ololaha, wixii inooga qabsoomay iyo wixii aynu ka gaabinay iyo sababaha keenay.

Waxa kale oo xisbigu  kaalin weyn siin doonaa inaynu dhegaysano taageerayaasha xisbiga iyo bal iyaguna siday u arkaan  waxa dhacay iyo sababaha keenay in dad aad u badan oo haystay kaadhka codbixintu aanay codayn iyo bal inay kuwaasi u badnaayeen taageerayaashii UDUB iyo in kale.

Waxaan filayaa in marka la isu geeyo report-ka Qurba jooga, report-ka hogaanka  Ololaha doorashada Xisbiga iyo report-ka madaxda gobolada ay  si fudud ugu suurto geli doonto hogaanka xisbigu nay  soo saaraan warbixin  rasmi ah oo waafi ah (Final report)  oo aynu uga faaiidaysano doorashooyinka soo socda.

Hadii aan qiimayntii doorashada iyo qaabkay u socoto oo aan si guud idiinla socodsiinaayay intaa ku dhaafo waxa iyaduna si xoogan u socota dib u habayn iyo dardar gelin uu xisbigu isugu diyaarinayo:

•  Sidii aynu u  noqon lahayn Xisbi mucaarad ah oo xoogan oo mucaarad nimadiisu ay ku dhisan tahay aqoon iyo asluub.

•  Sidii aynu u soo ban dhigi lahayn Mucaaradnimo wax dhisaysa oo aan ahayn ceebayn iyo xag-xagasho

•  Sidii aynu guulo la taaban karo uga soo hoynlahayn doorashooyinka soo dhaw ee Degaanka iyo baarlamaanka iyo doorashada dambe ee madaxtooyadaba hadii Alle idmo.

Markaa waxa lagama maarmaan ah in qurba jooga xisbiguna ay isu diyaariyaan kaalintooda. Waxa lagama maarmaan ah in wadan waliba dar-dar gelin ku sameeyo gudiyadooda isuna diyaariyo sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen dhaqaaqa iyo diyaargarawga cusub.

Hadii Alle ka dhigo Ramadaanta ka dib waxa aynu qaban doonaa UDUB –Europe Conference oo aynu gadaal ka soo sheegi doono wadanka iyo magaalada lagu qaban doono. Sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan ah in wadan waliba dhamaystiraan wixii dibu habayn ah ee ay gudohooda ka samaynayaa ee garabada kala duwan ee Xisbiga,  ugu dambayn dhamaadka September 2010 si garab waliba cid ugu soo diran karo Conference-ka.

Waxa iyagana diyaar garaw kan la mida laga rabaa UDUB North America iyo carabaha oo ah meelaha kale ee xisbigu sida xoogan uga jiro.

Dawladda cusub oo la filayo inay Xilka la wareegto wiiga soo socdana waxaan filayaa bishii hambalyada iyo Honeymoon-ka  ahyd inay ugu ekaandoonto Bish August 2010, intaa wixii ka dambeeya waxa laga filayaa inay soo bandhigaan ciyaartooynimadii ay sheeganayeen ilayn waa tii ay canaanta inagala daaleene.

Alaa mahad leh.

Maxamed C/laahi ciise   -  Xoghayaha Arimaha Debedda ee Xisbiga UDUB.

Login