July 22, 2010
“Maaha Ururkii Qaran Hala Furo, ee Waa Ururada Siyaasiga Ah Hala Furo, Kulmiye Heshiiskii Aanu Wada Galay…” Eng. Baashe Cabdi Gaboobe
Hargeysa (Haatuf) - Gudoomiyihii ololaha doorashada gobollada galbeedka Somaliland, Eng Baashe Cabdi Gaboobe, ayaa sheegay in doorashadii madaxtooyada ee xisbiga Kulmiye kaga adkaaday Udub ay sabab u ahaayeen guushaasi badi ummada reer Somaliland oo codkeeda siiyay Kulmiye, taasoo uu tilmaamay in ka masuul ahaan gobollada galbeedka u qaabilsanaa xisbigaas uu ka soo hooyay codadkii ugu badnaa doorashada.
Eng Baashe Cabdi Gaboobe, waxa uu sheegay in guusha xisbigoodu ka gaadhay doorashada ka sokow ay dalka taalo duruufo adag oo u baahan in madaxweynaha la doortay wax ka qabto, islamarkaana madaxweyuhu dadka xilalka u magacaabi doono marka xukuumada cusub u soo dhisayaa ay noqdaan Qaar uu ku xulo, aqoon, daacadnimo iyo karti.
Eng Baashe, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaasa u shalay siiyey wargeyska Haatuf, ayaa sidoo kale dadkana ugu baaqay, in aan loo baahnayn in xilligan xilal la wada doono, balse qofka xil doonayaa hab iyo nidaam loo maraa jira waajibna ay tahay madaxweynaha la soo doortay culayska in laga dulqaado, isaguna go’aan ka qaato.
Waxana uu intaa ku daray, in xisbiga kulmiye rumayn doono barnaamijkiisii siyaasiga ahaa wax qabadna u la iman doono.
S: Waxa la sheegayaa in baryahan-ba ay xubnihii Sar-sare ee Xisbiga Kulmiye xilal wada doonayaan, sidoo kale qurbo jooga qaar ka mid ahi xilal in loo dhiibo xukuumada cusub quudaraynayaan, taasi miyaanay caqabad ku noqon Karin geedi socodkii cida madaxweynuhu u magacaabayo xilal, wakhti miyaanay qaadanayn marba inta cid la qancinayo?
J: Marka hore aad baan u salaamayaa madaxweynaha la doortay, waanan hambalyeynayaam abwaano waaweyni waxay yidhaahdeen lama hambalyeeyo’e waa loo duceeya, waayo madaxweynuhu wali waxba muu qaban, xil weyn oo culusina wuu hor yaala oo u baahan in wax laga qabto, dhib badan baa meesha taala oo maamulkii hore wax badan oo aad u liita oo aan wax laga qabanin ay jiraan, markaa waxaas oo dhan baa u baahan in wax laga qabto. Ta kale, ee la leeyahay dad badan baa xilal doonaya horta qofkasta oo Kulmiye ahaa inuu wax doono xaq buu u leeyahay, laakiin wax meesha taala hab iyo nidaam wax lagu doono, duruufta meesha taalana waxa weeye oo la isla gartay ummadu doonaysay isbebel, wax-qabad, wax qabadkasina waxa uu ku iman karaa in marka hore dadku aanu qof walba isa soo hor dhigine bal in la arrinsado, oo wax la is weydiiyo ayaa meesha ku fiican, wuxuna waa wax kooban baa la yidhi inta wasiirada laga dhigayaa, markaa in aad loo xulo oo nin walba odhan taada uun horaysiiye in ciddii mudan ee madaxweynuhu u garto loo daayo. Markaa anigu waxaan odhan lahaa culayska badan halaga dul qaado madaxweynaha, isaguna waa inaanu walaacin ee go’aan qaata oo aqoon, daacadnimo iyo karti ku xusho, dadkana waxa looga baahan yahay shaqooyinku way badan yihiin xilal sare uun maaha ee wax badan baa soo bixi doona.
S: Qoladiinii urur siyaasadeedkii Qaran ee xisbiga Kulmiye la bahowday iyo isbedel doonkii Udub waxa warar sheegayaan in xubno sare oo xisbigaasi ka tirsan miiska soo dhigeen inaan xilal loo magacaabin Qaran iyo isbedel doonkii Udub, arinkaa maxaad ka ogtahay?
J:Anagu taa ma ogin arrintaa, mar haddii aanay dibada usoo bixin waa ku-tidhi ku-teen inay tahay uun baan u arkaa, qofka sidaa u fikirayaana waa qof caqli gaab ah haday jirto waayo qaran hadaanu nahay waxaanu la galay xisbiga Kulmiye heshiis, heshiiskaasna laba qodob baa aasaas u ahaa, in ururada la furo iyo in wixii xaga dawladnimada ah beri haddii lagu guulaysto uu naga talo galiyo, anagu inaanu la shaqayno maskax iyo cilmi iyo taageerayaashayaduba in ay Kulmiye ahaadaan oo marxaladaa doorashada qaran jirin, markaa intaas uun baanu ka sugaynaa madaxweynaha wixii la isla gartana marnaba anagu ma diidayno.
S: Baashe ahaan maadaama aad ahayd gudoomiyihii ololaha ee G/galbeedka, ee codadka faraha badan uga soo hooyay Kulmiye guushii uu doorashada ka gaadhay, adigu xukuumada cusub ee madaxweynuhu soo dhisayo in xil laguu magacaabo ma kaambayn karaysay, mase ku talo jirtaa?
J: Maya, mar haddii aan shaqeeyay Ilaahayna nagu guuleeyay, aniga uun maaha ee dad aad u fara badan baa ila shaqeeyay in badan oo aan la ogayn oo aan idhaa (Jundiga dahsoon) ayaa shaqeeyay, anigu maadaama aan ahaa kaambaynarkii G/galbeedka ee codadka ugu badan ka helay, oo waliba xarumihii dawlada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka gobolladoodii ka ololaynayay, hase ahaatee tayda shaqsiga ah kama soo horaysiinayo danta caamka ah, tayda shaqsiga ahi waxay ku xidhan tahay oo ay ku jirtaa danta caamka ah, mar walbana waxaan u hogaansanahay wixii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ku taliyaan.
S: urur siyaasadeedkiinii Qaran markii aad la bohowdeen Kulmiye, kuna guulaysteen doorashadii, sidii aad isla meel dhigteen markaad ku biirayeen, islamarkaana barnaamijka xisbigaasi dhigayo in ururadii la furayo, rajo intee leeg baad ka qabtaan in ururadii siyaasada dalka laga furo qofkuna la dooran karo waxna dooran karo?
J: Horta madaxweynaha waxa u yaala waxayna ku taala barnaamijkiisii siyaasiga ahaa, markaa wax qarsoon maaha oo waxa ka sugaya ummada Somaliland, waana mabda’, anagu hadaanu doono Kulmiye ayaanu ku hadhi karnaa, oo maaha ururkii qaran haloo furo siyaasada ee waa ururada siyaasiga ah hala furo arrinku ayaanu isaga qaldamin dadka.
Haatuf
