July 21, 2010
38 Mudane oo Golaha Wakiiladu Baafinayo, Kadib Markii ay Sabab La’aan Uga Maqnaadeen Shaqadoodii
Hargeysa (Jam) - Ku-simaha Xog-hayaha guud ee Golaha Wakiilada Mr. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada iyo saxaafadda u qaybiyey magacyada 38 mudane oo sabab la’aan uga baaqday kal fadhiga 12aad ee golaha. Warqadan oo tixraaceedu yahay GW/G/4/120/2010, waa u markii horeysay ee golaha wakiilladu dibada u soo saaro tirada Intaa le’eg oo xildhibaano ah oo lagu eedaynayo Habsan iyo maqnaansho.
Qoaralka ku-simaha xogyaha guud ee Golaha Wakiiladu saxaafada iyo mudanayaasha u qaybiyey oo faahfaahsana waxay u qornayd sidan;
“Waxaan Halkan Idiinku soo gudbinayaa Magacyadda Mudanayaashii ka baaqsaday Sabab la’aan Fadhigii Golaha Wakiillada JSL, kala fadhigiisii 12aad ee ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.” Magacyadda Mudanayaasha aan ka soo xaadirin Fadhigii Maanta 19/07/2010 sabab la’aan:
Aadan Xaaji Diiriye Dirir
Aadan Muxumed Hoori (Mataan)
Abokor Cabdiraxmaan Good
Axmed Cabdi Siciid
Axmed Ducaale Bullaale
Axmed Maxamed Cali (Beegsi)
Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne)
Axmed Maxamed Nuur
Cabdikariim Aw Cali Shabeel
Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog)
Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle
Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
Xaashi Xuseen Caabi
Xariir Siciid Bullaale
Ibraahim Axmed Haybe
Ibraahim Maxamed Xasan (DHaadheere)
Ibraahim Axmed Raygal
Ikraan X. Daa’uud Warsame
Jaamac Xasan Aadan
Khadar Aadan Xasan (Ambassador)
Mahdi Xuseen Cadarre
Mahdi Xaaji Xuseen Sugaal
Mahdi Cabdillaahi Maxamuud
Maxamed Yaasiin Sh, Cali
Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool)
Maxamed Barkhad Miigane
Maxamuud Dhunkaal Miigane
Maxamed Cali Xirsi
Maxamed Cumar Aadan (Jiir)
Maxamed Faarax Qabille
Maxamed X. Yuusuf Axmed (Waabeeyo)
Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi
Maxamed Saalax Cige
Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos-u-jeed)
Naasir X. Cali Shire
Saleebaan Yuusuf Cali Koore
Siciid Cilmi Rooble
Siciid Maxamed Cilmi.
Jamhuuriya Online
