July 20, 2010
“Haani Gun Bay Ka Tolantaa” Cabdalla Xaaji Cusmaan
Guusha Somaliland maanta ku naalloonaysaa waa mid salka loo soo dhigay labaatankii sannadood ee aynnu soo dhaafnay.Hawl kasta oo culus lana doonayo in guul laga gaadho waa in salka laga soo bilaabo si natiijada loo xaqiijiyo. Waa halka maahmaahda maqaalkani ay ka soo jeeddo. 1991kii markii laga adkaaday ee afka ciidda loo daray taliskii Siyaad Barre ayaa ururkii SNM shir iskugu keenay beelaha Somaliland wada dega, si looga wada tashado ayaaha dalka, isla markaana looga heshiiyo colaaddii uu abuuray taliskii la riday.
Go’aankii koowaad ee shirkaa lagaga dhawaaqay ayaa ahaa in si buuxda Somaliland ula soo noqotay madax bannaanideedii. Si loo adkeeyo nabadda shirar isdaba jooga ayaa lagu qabtay meelo badan, kuwii ugu waaweynaa waxa loo fadhiistay Ceerigaabo, Sheekh, Berbera iyo Boorama.1993kii shirkii Boorama ayaa guushii u weynayd ka dhalatay,waa marka koowaade ururkii SNM ayaa awooddii ku wareejiyey guurtidii halkaa ku shiraysay, dhammaan guurtidii beeluhuna waxay madaxweyne u dooratay Allaha u naxariistee Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal oo ruugcaddaa siyaasiya ahaa.
Madaxweyne Cigaal waxa uu durbadiiba ciidammadii SNM ugu baaqay inay xeryaha galaan oo ay noqdaan ciidan dawladeed, dhawaaqaas oo si geesinimo leh uga soo jawaabeen ciidammadii isla markaana hubkoodii ku wareejiyeen saraakiishoodii. Madaxweyne Cigaal waxa uu ku guulaystay inuu dhiso haykalkii dawladnimo oo buuxa.Intaa dabadeed shacab iyo dawladba waxa si wada jir ah loogu dhaqaaqay dhismaha dalka oo dhan walba ah,waxa la dhisay dugsiyadii, dhakhtarradii iyo waddooyinkii ummaddu lahayd, intaas oo dhan waxa lagu hirgeliyey midnimo iyo wada jir daacad laga wada yahay.
Tabantaabaday laba gacmood, tabar ku yeeshaane
Tiska waxa la qaadaa markay, tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagan tahay, tahar ma gooyseene
1995kii markii ay nabaddii barriiqatay ee ay dagaalladu ka qarxeen Burco iyo Hargeysa, waxa berigaa u hawl galay sidii colaadda loo damin lahaa shacabka qalbiga furan ee Somaliland oo isku duuban iyadoo cid kale aanay dibad uga iman. Xilligaa wixii ka dambeeyey si deggan ayaa looga guuray habkii beelaha iyadoo si deggan oo tartiib ah loogu guuray habka ku dhisan asxaabta badan iyo dimuqraadiyadda ku salaysan.
Haddaba, doorashadan bishan Juun 26keedii 2010ka ka qabsoontay Somaliland ee ay ka muuqatay waaya-aragnimada iyo quruxda soo jiidatay indhaha caalamka maaha mid daaqadda ka soo boodday ee waa mid loo soo maray waddo dheer oo raf ah.
Walaalahay shacabka Somaliland waxaan marka hore ku hambalyeynayaa sida quruxda iyo sharafta leh ee ay ku soo afjareen doorashadii loo soo maray waddada dheer, marka labaad,walaalayaal maalinta guddida doorashadu ku dhawaaqdo natiijada waa in sidii caalamka aad barteen idinkoo faraxsan iswada dhunkataan oo u hambalyeysaan cidda guushu raacdo.
Maalmihii ololaha doorashada aad ku jirteen dadka reer Jabuuti aad iyo aad bay ula socdeen siday wax u dhacayeen. Maalintii doorashada loo dareeray intaan ogahay dadka reer Jabuuti si aan soo koobi karin bay ugu farxeen, sidaa oo kale ayaa la gudboon qof kasta oo Soomaaliyeed meeshuu doono ha joogee,waayo quruxda iyo wanaagga walaalkay ka muuqda waa mid aan la wadaago.
Cabdalla Xaaji Cusmaan - Jabuuti
Email: Cabdalla_xaaj@yahoo.fr
