July 19, 2010

Muuse Biixi Ina Cigaal Kama Horeyn Kamana Dambayn “Hadaad Garasho Leedahay”

Waxaan aad u salaamaya bahda wararka ee slnd iyo akhristayaasheeda qiimaha leh ee dunida dacaladeeda kala jooga, runtii waxa aad u qiima badan in bulshada slnd is gaadhsiiso wixii wax ku soo kordhinaya iyo waxaan wax ku soo kordhinaynba hadaba waxaan waxa ka odhanayaa dooda lagu qaada dhigayo muuse biixi waa kuma, intee buu wax ka tari karaa,shaqsiyad intee leg buu ku dhexleeyahay slnd iyo arimo badan oo dhinacyo badan taabanaya.

Hadaba sida maqaalkan ku xusan muuse biixi kama horeyn ina cigaal kamana danbeyn waxa siyaasada la yidhaahna maaha sida aynu haatan u naqaan laakiin bulshada dunidu waxay kala leedahay martabado kala duwan oo qofba meel ka galo.

Tuusaale ahaan iminka ninka la yidhaa c/raxmaan saylici wuxuu ahaa kulmiye ka hor wastaad daaraha dhisa hadeerna wuxuu ku murmayaa inuu siyaasi yahay arimo badan oo caynkaas ah ayaa mujtamaceena maanta haysta  hadaan tusaale kale bixiyo dhinaca caafimaadka hadaad dr gaboose u tagto oo tiraahdo xanuun scroll ka ah baa i haya waa hagag buu ku odhan,hadaad tidhaa spinal ama disc dhabarka ayaa layga hayaa waagag buu ku odhan etc.

Hadaba markaynu ku soo noqono dooda muuse biixi ayaa waxay tahay marka hore muuse siyaasi garasho fog maaha adigoon meel fogba ka eegin markaad raad raacdo intii ka horeysey ina cigaal dawladiisii Muuse muu ahayn nin muuqda, laakiin rug cadaagii ina Cigaal ayaa intuu cirkaa u saaray yidhi Muuse wakaas dabadeedna dhulka ku sii daayey dibna loo arag meel uu taagan yahay.

Hadaad xasuusataan muuse aqoontiisu inta ay gaadhsiisan tahay waa ninkii lahaa xasan yoonis habane tigidh baa loo waayey riyaalena germany buu ilka ku samaystay  ma qiyaasi karo muuse nusqaan intee leg bay kuu tahay odhaahdani waa siyaasada jaan gawracantay bay ka mid tahay Xasan Yoonis wuxuu ahaa nin qiima leh  oo xitaa shaqsi kasta oo slnd ka mid ahi isagoon cid weydiin xil iska saari karo.

Si kastaba arinku ha ahaadee akhristoow mey maxaa ugu danbeyey kaa la sii sido aqoonta muuse waa tan tidhi in dadkii baayac mushtarka ahaa lagu laayo gabiiley iyo dila dhexdeeda isagoo doonaya inuu dawlada riyaale eed saaro waa jaan gawracanka ku dhacay wixii siyaasad la odhan jirey.

Hadaba muuse maaha nin siyasad meela u soo maray waase askari amar la siiyo oo keliya iminka xitaa xusbiga kulmiye wuxuu ku hawlan yahay sidii uu muuse uga fogeyn lahaa in xil loo dhiibo ka baxsan xusbi ahaanshaha, waayo muuse nin bulshada dhexdeed amaan ku leh maaha nin bulshada soo jiidan karana maaha hadaad fogeyso muuse naaso hablood bari uma dhaafsana, markaas waad iska sawiri karay wax qabadka uu ku soo kordhin karo dhinaca galbeedkana gabiley galbeed uma dhaafsana. Wuxuu markaas la mid yahay nin aan weli ka gacan bixin gurigoodii underage,

Hadaba dadka leh muuse waa nin hogaan noqon kara waxaan filayaa waa dad hada ku toosay kahafkii la sheegay oo u baahan in wixii dhaafay loo sheego, xataa iminka ka xusbi kulmiye ahaan ayaanu derajo wacan ku haysan isga daa madaxweyne mustaqbale. Sababtoo ah dee saylici oo wastaad ahaa ayaa kaga mansab iyo sharafba badan kulmiye.

Wa bilaahi tawfiiq

Abdula Dharaar

Email: dharaar17@gmail.com

Login