July 19, 2010
Madaxweynaha La Doortay Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Hogaanka Sare Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Nuxurka Qoddobada Wada Hadalkooda
Hargeysa (Haatuf) - Madaxweynaha la doortay ee Somaliland,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye,taasoo lagaga wada hadlay arrimo ku saabsan magacaabista wasiirada cusub iyo arrimo la xidhiidha siddii loo kala saari lahaa hawlaha xisbiga iyo dawlada cusb.
Kulanka oo shalay gelinkii hore ka dhacay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa dhex maray madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye oo ay ka mid ahaayeen,guddoomiye ku xigeenka koowaad,Muuse Biixi Cabdi, gud.ku xigeenka 2-aad,C/raxmaan C/qaadir,gud.xigeenka 3-aad,C/raxmaan Maxamed Talyanle iyo xoghayaha guud,Keyse Xasan Cige.
Inkastoo kulankan labada dhinac ay albaabadu u xidhnaayeen haddana sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo ku dhow dhowaa kulankaasi, hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye ayaa u soo bandhigay madaxweynaha la doortay dhowr qoddob oo ay ugu muhiimsanaayeen, sababta madaxweynaha la doortay uu xukuumadiisa cusub uga reebayo xubnaha hogaanka sare ee Kulmiye, in madaxweynaha la doortay uu ka talo galiyo hogaanka xisbiga cida uu wasiiro u magacaabayo, in aan ururkii Qaran ee Kulmiye la bahoobay aan laga qayb gelin wasiirada xukuumada la soo dhisayo, iyo in aan xilal wasiirnimo loo dhiibin isbedel doonkii UDUB iyo xubnihii ka tirsanaa xisbiga UDUB ee wakhtiyadii u dambeeyey u soo digo rogtay Kulmiye.
Madaxweynaha la doortay ee Somaliland,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay in aanu qoddobada hogaanka sare ee Kulmiye u soo bandhigeen aanu la dhicin, taasoo keentay in wada hadalkoodu qaato dhowr saacadood ah.
Qoddobka ugu xasaasinaa kulankooda ayaa ku saabsanaa sababta hogaanka sare ee Kulmiye aanay uga mid noqon doonin golaha wasiirada ee xukuumadda cusub. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu dood adag la galay hogaanka Kulmiye, isla markaana ku dooday in talada magacaabista wasiiradu ay tahay shaqada madaxweynaha.
Waxa kale oo uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u sheegay hogaanka Kulmiye inay yihiin xubno lagu soo doortay shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga,xubin kastaana ku timid cod aqlabiyad ah,sidaana ay ku noqdeen hogaan ku yimid codka aqlabiyadii shirweynaha. Waxaanu intaa u raaciyay madaxweynaha la doortay in hogaanka xisbigu haddii ay doonayaan in lagu daro golaha wasiirada la soo dhisi doono,ay marka hore iska casilaan xilalka hogaamineed ee ay ka hayaan xisbiga Kulmiye.
Ilaa hada lama oga jawaabta uu madaxweynaha la doortay ka bixiyay qoddobadii kale ee hogaanka Kulmiye u soo bandhigeen balse wararka ku dhow dhow kulankaasi waxay sheegeen in labada dhinac si wada jir ah uga wada qadeeyeen hotel Maansoor isla markaana kulankoodu u muuqday mid ku dhamaaday is afgarad iyo isqancin laga gaadhay wada hadalkoodii.
Dhanka kale waxa labadii toddobaad ee u dambeeyey soo baxayay warar sheegaya in qaar ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye loolan u galeen siddii ay uga mid noqon lahaayeen golaha wasiirada ee xukuumadda cusub.
