July 17, 2010

Weriye Mashqac Geliye iyo Madaxweyane Axmed Siilaanyo Qaybtii 2′aad

Hargeysa(Yool)-Intiini la socotay Barnaamujkan “Yool-Baadhka Siyaasiyga”, waxaanu Toddobaadkan idiinku soo gudbin doonaa Waraysi aad u xiiso badan oo isla Toddobaadkan uu Weriye Mashqac geliye la yeeshay Madaxweyanaha Cusub ee la soo doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo ah mid dhinacyo badan taabanay, isla mrkaana Madaxweynuhu kaga waramayo arimaha ku saabsan xubnaha Xukuumadda cusub, tartankii doorashada iyo waxyaabo kale oo aad ka heli doontaan.

Barnaamujkan “Yool-baadhka Siyaasiga”, Waa Mawduuc Toddobaadle ah oo aanu akhristayaasha ugu soo gudbino Waraysiyo ku salaysan qaab Maddadaalo [Entertainment] ama aan idhaahdo Jacbur, kuwaasoo aanu ugu talo galnay akhristayaashayadu inay Toddobaadkiiba hal Maalin kaga nastaan arrimaha siyaasada, iyadoo aanu ku bartilmaameedsanyno Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, siyaasiyiinta, iyo shaqsiyaadka kale ee magaca ku leh Masraxyada siyaasada ee Somaliland.

Haddaba, qaybtii Labaad ee Waraysigaasoo faah-faahsan, waxa uu u dhacay sidan:

S: Md. Madaxweyne maxaad ka yeeleysaa Shirkadda TOTAL iyo lacagta Haamaha ee aad ku doodi jirteen waxa ay gashaa Jeeb khaldan?

J: Adeer markaad Mu’caaridka tahay iyo markaad Mu‘xaafidka tahay waxa aad kala sidataa laba muraayadood oo aad wax ku kala eegto. Haddii marka aan Mu’caaridka ahaa u arkaayay in heshiiska TOTAL xaaraan yahay lacagta ka soo xarootaana jeeb qaldan gasho taasi iminka waa waxba kama jiraan. Ha ku socoto sidii loogu talo galay…ha ku socoto sidii loogu talo galay….ha ku socoto sidii loogu talo galay…Mee Abiib Diiriye aaway Kamankii aad Madaxweyne Rayaale u garaaci jirtay..Heesta ila jiibi!!!!…Abiiib.. “Madaxweyne Ismaaciil Yare ayaa iga maqan”.

S: Md. Madaxweyne, waxa aad ka warantaa Xisbigaagu waxa uu ku taami jirtay in aad mar uun qabsataan dekada oo sida la sheegayana ilaa dhowr qof magacaabid qarsoodi ah u heystaan in ay noqdaan Maareeyaha Dekedda Berbera. Arrintaasi maxaad ka odhan lahayd?

J: Weriye wax geliyow.. Muxuu Magacaagii ahaa waaban li’qey eh..haddii geeri ku deyso gabow baan ku deyneynin eh….Cali Xoor-Xoor rag uun booska ka qaada lahaa ayaa igu diri jiray eh waa nin wanaagsan oo libaax ah, “Good Campaigner ah”, ma naste ah, ma daale ah, dekaddana yaqaana sida loo maalo. Adeer afkeenu waa isku amaane, waxa la igu yidhi: “Cali Xoor Xoor iyo Lacata Dollarka ahi waa Habar Wadaag…miyey kula tahay in Ninkaasoo kale la heli karo…iska daa dadka Galbeed Berbera degaanka ku ahoo ilaa Mareerley ayaan wareystay oo ninkaas nin ka fiicani waa la waayay. Wixii laga yeeli lahaa waxa aan u direy Guddi ka soo tallo bixiya. Ma doonaayo in aan deg-dego. Deg-deg iyo fudeydna xanbaa ka jirtey.

S: Md. Madaxweyne aan kaa dhex galo eh sowtii lalahaa waxa kuugu magacaaban Maareeyaha Dekadda Berbera ninka la yidhaahdo Maxamed Faarax oo degan Dacar Budhuq?

J: Mee CabdiKariim Xinif Computer-ka ii keen…. Haa soo saartaa Liiska Codadkii deegaanada laga keenay, imisa Cod ayuu Maxamed Faarax ka keenay Dacar-Budhuq…..

Xinif “Madaxweyne wax badan kama keenin oo UDUB ayaa inta ay doonto kaga badneyd”. Maxaa markaasi meesha u yaala Maxamed Faarax?..Haamihii uu maali yaqaaney-na ciddi u dhiibi meyso oo maamulkeeda waxa iska leh TOTAL. Haddii laga tegi waayo waxa aan soo saarayaa WAREEGTO odhaneysa “In qofkii kasta oo KULMIYE ahi aanu dhaafin Makhaayadda Maxamed Faarax ee Dacar-Budhuq oo wax ka sii cuno ama ka sii cabbo sii socod iyo soo socodba. Halkaas ayaa kharash ugu dhow uu deynta uu sheeganaayo iskaga bixiyo.

S: Md. Madaxweyne, waxa ay dad badani hadal hayaan waxay Xukuumadaadu ka Yeeleyso Macjarka Berbera iyo Ganacsade Aljaabiri?

J: Waxa aan u saarayaa Guddi ka soo tallo bixisa arrintaasi. Guddida aan soo magaacbi doonaa waxa ay kaga duwan tahay guddiyadii hore xubnaha ku jiraa oo dhami waa Ajinabi u badan Carab si aan dadkii i soo doortay u tuso in aan Gaal iyo islaan, Cadaan iyo Madowba af aqaano oo aan la macaamili karo.

S: Md. Guddoomiye… Raali iga ahow Madaxweyne ayaan ka wadaaye.. Waxa la isla dhex marayaa in xubno ka mid ah Guddigii aad dhowaan u Magacowday iIaalinta Hantida Qaranka, qaarkood hore u sameeyay Xatooye Xoolo Dadweyne, halka kuwo kalena ku sifoobay Laaluush Qaatayaal oo Faylkooda iyo Malafkooda-ba laga heli karo Wasiir Cawil. Sidee baad arintaa u aragtaa?

J: Haaahhhhhhhhaa. Adeer la yaab ma lihid in aad Guddoomiye ku halmaanto oo anniguba marka Madaxweyne la igu yidhaahdo hareeraha ayaan eega oo waxa aan is idhaahdaa ma Daahir Rayaale ayaa soo galay meesha ….. Haaaaaaaahhhhhhha. Tan kale waxa aad sheegeyso waa laga yaabaa in aan wax ka ogahay, balse waxa ay anniga iga ahayd uun in Diblomaasi Diblomaasi loo diro…Tuug-na Tuug loo diro.

S: Md. Madaxweyne, tallo bixintii Guddida waxa ku jirtay in la sameeyo Guddi ama Komishan Saxaafadda u gaara ah, ma laga yaabaa in aad qaadato taladaasi?

J:Adeer maxaan u qaadan waayey. Maleba ha gelin arrintaasi. Waayo annigu uma dul-qaadan karo caydii iyo af-lagaadadii Saxaafaddu Madaxweyne Rayaale la barteen, ileyn Nin waliba iintiisa wuu yaqaane, waxaana laga yaabaa haddii aan Saxaafadda si la iga odhan in aan maalin-ba Wargeys la weeraro oo xaalku noqdo Maanta Jamhuuriyo.. Beri Haatuf..Saad denbe Saxansaxo.. Saakuub-na Yool-kaagan. Markaa waa loo baahan yahay Komishanka…. Aad iyo aad ayaa loogu baahan yahay.. waa wax loo baahan yahay.. aad iyo aad ayaa loogu baahan yahay.

S: Md. Madaxweyne, waxa la filayey in aad hada ka hor soo saarto xubnaha ka mid noqon lahaa Golahaaga Wasiiradaada, taasoo dad badani iminka aaminsan yihiin in aanad ku dhici karin in aad soo saarto liis dhameystiran, balse aad rabto in aad hal ama laba Wasiir kolba soo saartid. Maxaa ka jira arrintaasi?

J: Waar dhegeyso adeer hore ayaan kuu idhi annigu cid aan ka baqayaa ma jirto oo Qaaxo ma joogo ee waa cilad xagga farsamadda Computerka ah. Sida aad ka war qabto Cabdikariim Xinif waxa uu hayaa liiska sida beeluhu iigu kale codeeyeen iyo Nin kastaaba waxa uu reerkiisii cod iiga keenay oo Computerka ku jira. Xinif-na sida Kitaabka loo rog-rogo ayuu xariif ku ahaaye bahalkan Computerka ah lagaga fiican. Gacan culeysku halkaas ayuu ka yimid ee maaha meesha aad isku qaadeyso yarkaagani. Waxa aan la rabaa in Wasiir bixinta aan ku saleeyo sida Codadka reeruhu ii kala siiyeen.

S: Md. Madaxweyne, waxa aad tidhi markii lagu doortay Ictiraafka Somaliland waxa aan ka doonayaa dalalka Carabta, taasoo dad badani u arkeen inay jar iyo qar isku qaad kaa ahayd, balse aanad daacad ka ahayn ictiraafka Somaliland, maxaa ka jira arrintaa?

J: Adeer waa taan Hadraawi hees ka waayaa oo Muuse Biixi iga dudaa oo Samaale Xerta Yagoori ku dhiibaa oo Saleebaan Muslin mar denbe fiintu-na dhex mirataa oo Xinif Computer-ka Virus ka gala oo Gabboose Urur waayaa, daacad ayaan ka ahay ee i rumeysta. Taladani waa taladii qurbo joogta KULMIYE ee maaha si kale.

La soco Caddadka danbe ee WARGYSKA Yool

Login