July 17, 2010

NIMAAN WAXA JOOGA GARANI WAXA SOO SOCDANA MA GARTO

Dhamaan waxaan salaamaya bahda mareegaha wararka slnd iyo akhristayaashooda qiimaha leh intaas hadaan ku dhaafo salaanta guud oon dildilaaciyo mihimka maqaalkani xanbaarsan yahay si kastaba arinku ha ahaadee waxaan shacabka slnd u rajaynayaa guul iyo gobanimo waarta inshaallaa waqti kasta iyadoo sidaa ay tahay ayaa qof walba uu si u arkaa guusha la doonayo sida uu markaa filayo inay tahay tan loo baahnaa.

Hadaba akhristoow soomalidu waxay ku maahmaamhdaa nimaan waxa jooga garani waxa soo socdana ma garto taasina waa mid xaqiiq ah ilayn tii joogtey buu garan waayee sidee u garan karaa mid aan joogin?

Anigoo ku hadlaya aqoontayda gaarka ah ayaan in badan shacabka slnd u digey oo uga digey inay iska ilaaliyaan khatarta dhibta ku haysa jiri taanka noloshooda, taasina ay tahay mid mihim ah oo qof kasta looga baahan yahay inuu dareensanaado.

Hadaba wax yaabaha aan umada inta badan uga digey ayaa waxa ka mid ahaa in xusbiyada mucaaradka laga feejignaado inay noqdaan kuwa masuul u noqda dalka iyo dadkaba si kastaba arinku ha ahaadee caduur dhow dhowdu uma dhacsana waxa maanta hogaanka u soo baxay xusbiga mucaaradka ahaa ee kulmiye oo ahaa kan khatarta weyn ku haya jiri taanka slnd dhinaca isu soo jiidka, bulshadawax qabadka,kala danbaynta,nidaamka dawaliga ah,raadinta aqoonsiga,dhaqaalaha wadanka etc.

Waxaynu maanta sawir ka qaadan karaynaa is qab qabsiga iyo muranka hadheeyey qaab maamulkii dawladeed een u baahnayn in waxa laga weydiiyo cidaanay khusaynba sidii wax loo dhisi lahaa mudadii loogu tala galay in la dhiso dawlad ay u dhan tahay muuqaalkeedii dawladeed ayaan waqti badani u hadhinba.

Bal hadaba dhegeystow miyaanay kuu muuqan hoogaan jileec aad u liita inuu ka jiro xusbigan talada wadanka qabtay ee ilaa madaxdii sare qaarkood leedahay waxaanu khaati ka joognaa dad wasiir wada doonaya is bedelkii kulmiye ku ololeeyey ma wxaan jirin buu ahaa oo aan lahayn ku tala gal haday dalka ku guulaystaan hogaankiisaa inay qoraalkoodii raacayaan,mise jaah wareerkan ku dhacay baa ahaa inaanay ku tala galba lahayn mise umada isbdel doonka ahayd  ayaa ahay mid ay dawladii hore ka buuxsantay oo u jeelay mid ay la jaan qaadaan?

mayee akhristoow dadku eed ma leh laakiin waxa dhaliishu ka muuqataa hogaanka talada qabtay oo markii horeba ahaa mid mugiisu qiyaasan yahay.

Arimuhu intaa oo keliya kuma ekaan doonaan waxaanse shacabka farayaa inay u feejignaadan mustablaka dalka waxyaabo badan ayaa durba soo baxaya intaan xeedhaba fandhaal la darin.

Wa bilaahi tawfiiq

Abdula Dharaar

Email: dharaar17@gmail.com

Login