July 17, 2010

Maxaa Daran?

Afeef: Mar haddii doorasho lagu kala calaf qaaday,  Digasho iyo bal dayaa wakaa sii dabayshadaye meesha ma taal, dardaawerina waa ceeb oo weli Kulmiye duubkii ma xidhan, damaashaadka iyo ishanbalyayntu cid walba way u furan tahay,  maadaama Karintii darayd  lagu dhaafay durdur. Taxanaha rigliga ah oo h ore u  bilaabay waxaan maanta kaga hadli wixii daran ee la arkay. Maxaa daran:

Waxaa daran dadweyne aan ka waantoobin dawgii lamari jirey ee dhexda derida ku lahaa.

Waxaa daran Mucaarid habkii jiq-ku-sii adeegsada iyo muxaafid habkii guulwadaynta adeegsanaya  oo iyaga oo tuur leh tooxdin iyo qaalo doonaya in ay toosiyaan tu kale.

Waxaa daran axsaab astaantoodu kala duwan tahay, laakiin  sawraca iyo tilmaantoodu waxba ku kala duwaneyn oo hadba kii la doono loo diga roganayo.

Waxaa daran M/weyne loo doortay  in uu dhabarweyne jilaal beesha u dhaansho oo isagu dhiisha dhaansada. Halkuu isagu ka adeegi lahaa  keligii  loo wada adeegaayo, oo aan waxba ka qabin haddii beelihii doortay ay u wada adeegaan iyo tuu ka soo jeedaa oo keliyihi hadday u adeegto.

Waxaa daran M/weyne  la doortay oo dumarka gaasira (gaada oo sira), xuquuqdooda duudsiya iyada oo sinnaan lab iyo dhidig  loogu wada codeeyey. Raggu waxay ololeeyeen iyaga oo mansab iyo dheef filanaya, dumarku waxay  ololeeyeen iyaga oo wanaag doonaya, oo aan suldaan sheeganeyn, garaad sheeganeyn, ugaas sheeganeyn oo waa hore dhaqanka ka deyriyey. Gabadhu beel ma kaxaysan karto oo loogu habran mayo, inkasta oo ay wax bartaan weli way bahdilan yihiin. Gabdhuhu samafal ayaa ugu adeegaan dalka raguu gaadhi iyo guri ayay u doontaan.

Waxaa daran M/weyne la doortay oo muwaadin aqoon yahan ah ka doorbiday  daad xoorta qurba joogta oo aan wada diktoor ahayn, laakiin iska sheegta. Bal u fiirso magacyaantii wasiiradii hore, bal u fiirso ibtiladii iyo aylaantii ay dhigeen, bal u fiirso aqoontooda gaaban waxay ku andacoodeen, bal u fiirso afkay ku ammaantameen markay ku aflagaadoonayaan. Ku dasrsoo tallaabadani waxay dhiirigelisaa in arday jaamicadaha dalku tahriibaan , marka shaqooyinkii loo diido ee weliba la siiyo mid ka liita oo walaayo ku nool oo,  dhulkaba aan waxba  ka ool.

Waxaa daran Madaxweyne la doortay oo dhaarta dabadeed, xisbigiisa kala dira oo golaha fullinta iyo shaqaalaha qaranka miciin mooda oo baqamaala.

Waxaa daran Madaxweyne la doortay oo golayaashii jirey ee sharci dejinta  ee dadweynuhu cugteen guddiyaal ka doorbida iyo wareegto sidii oo inqilaab dhacay. Inqilaab markuu dhaco waxaa caado u ah cidda hogaamineysa in  la laalo oo la iska baalmaro xisbiyadii jirey, distoorkii lagu dhaqmayey, Golayaasha sharci dejinta iyo dhammaan ururad bulshada.

Waxay ka bilaabaan Guddiga Xisaab Xil ma leh. Muddo yar kadibna guddigaasi daaqadaa laga tuuraa markay iyagu gacan togaaleeyaan hantidii qaranka. Ku darsoo doorashada xaqa ah ee xalaasha ah ciddii ku guuleystaa wixii jirey ayay sii hirgelisaa u hogaansataa oo wixii curad ah wixii laga yeeli jirey ka yeelaan, wixii ugub ahna Golayaasha sharci dejinta ayaa xaq u leh in ay ka doodaan oo ansixiyaan, kuwaas oo wakiil ka ah dadweynaha.

Waxaa daran Madaxweyne la doortay oo beel  u  xuubsiita, oo shaqaalaha qaranka (civil servants) ku baqamaala waxbaan kaa dhigay, oo warbaahinta qaranka ee la wada leeyahay keligii adeegsada.

Waxaa daran M/weyne dadkii qaranka waxtari lahaa guulwadayaal ka doorbida keligii u daacad ah oo durbaan qabiil tuma, kala gura dadweynaha,. Ku darsoo markuu  ka degena hantida qaranka la wareega oo mooda in uu isagu lahaa oo uu ka dhaxal aabihii garashada ee Somaliland.

Waxaa daran Madaxweyne hab xisbiyeed lagu doortay, oo hab beeleed hawlihii qaranka dadweynaha ugu qaybsha oo kala hora beelaha, mid u sed buriya, mid uu  saluugo, mid uu u seetadheereeyo, mid sandareero hesha, midna sabada daaqda iyo mid ku guuleysata in yeelato dhab libaax.

Waxaa daran M/weyne la doortay oo  distoorka iyo sharciga daba martaynaaya,  danihiisa awgood xeer jajab ka doorbida oo adeegsada suldaan, garaad, boqor iyo ugaas, xilka guurtida wiiqa.

Waxaa daran M/weyne la doortay oo Golayaasha dustuuriga ee shacbigu soo doortay iyo axdi qarameedka  ka amar weynaada oo dhayalsada. Oo go’aamada ka soo baxa badh daadufeeya badhna fuliya xataa haddii dhiig ku daadanayo.

Waxaa daran M/weyne la doortay oo Golaha Wakiilada oo ah summadii Qaranka iyo dimoqraadiyada xeer iyo mooshin aanay ka doodin, keligii la abraara oo kheyraadka qaranka bad iyo beriba heshiisyo la gala shirkado shisheeye iyo sokeeyaba leh.

Maanta intaa ha innoo joogto.

Haamud Duale

Email: huluuq@hotmail.com

Login