July 17, 2010

Doorashadii Madaxweynaha Somaliland oo Mugdi gelisey Mustaqbalka Bulshada Bariga Sanaag.

Ceerigaabo (Harowo) - Sida wararka Laga helayo Bariga gobolka Sanaag ay tibaaxayaan, waxa degaanadaas ka taagan cadho iyo xiisad aad u saraysa, taas oo ka dhalatay nidaamkii loo maamulay doorashadii madaxtooyada ee dhawaan dalka ka qabsoontay, oo badi dadka ku dhaqan degaankaasi u arkaan in qabyaalad iyo khiyaamo bariisatay. Sida wararkaasi cadeeynayaan, Ku dhowaad lix kun oo ah kaadhadhkii aqoonsiga iyo codbixinta bulshada ku dhaqan degaannada Badhan iyo Hadaaftimo ee (Bariga Sanaag) ayaa la sheegay in ilaa hadda meel dhexe lagu hayo oo aanay gelin gacanta shakhsiyaadkii iska lahaa.  

Taaso beddelkeedana kaadhadhkaasi gacanta ugu jiraan shakhsiyaad komishanku hawshan u xilsaaray xilligii doorashada madaxweynaha in ay goobaha degaannadaas gaadhsiiyaan sanaadduuqdii codbixinta ee loogu talo galay,  hase yeeshee halkii ay kaadhadhkan ka gaadhdsiin lahaayeen bulshada iyagu sanaadduuqdii ka shubay kaadhadhka welina sidii tuurta ugu sita.

“Aniga markii hal maalin ka hadhsanayd codbixinta ayaa Komishinneer-Raabbi oo halkan (Ceerigaabo) joogey hawshaydii guddoomiyennimo iga joojiyey amarna ku bixiyey rag kale in hawshii loo xilsaaro, kaddina sanaadduuqdii urur ciidanka qaranka ee bariga deggan ayaa la wareegey iyaga iyo kuwii komishanku u xilsaaray ayaa halkay doonaan la tegey oo siday doonaan u maammushay  shacabkuna kaadhadhkoodii waa la’yihiin”. Sidaas waxa yidhi guddoomiyaha komishanka degmada Badhan Mr-Carab oo khadka telefoonka aannu arrintan wax kaga weydiinney.

Mas’uulka la sheegay in gebagebadii codbixinta doorashada komishanku hawshan u xilsaaray oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aannu arrintan wax uga weydiinno ayaa diidey wax faah-faahin ah inuu arrintan ka bixiyo isagoo  weliba saxaafadda ugu jawaabey hadallo aflagaaddo iyo cay ah.

Hase yeeshee qaar ka mid ah waxgaradka bulshada ku dhaqan degaannada Badhan iyo Hadaaftimo ayaa iyaguna dhinacooda arrintan ka muujiyey walaac salka ku haya halka ay mustaqbalka ku danbayn doonto iyo doorashooyinka soo socda mar haddii kaadhadhkoodii ay waxna ku dooran lahaayeen ama wax ku diidi lahaayeen aanay gacantoodaba ku jirin.

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa u muuqata musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin ku salaysan doorashadii madaxweynah Somaliland, islamarkaasna mugdi gelisey mustaqbalka bulshada degaannadaas ku dhaqan iyo sidii rabitaankooda ay ugu dooran lahaayeen codkooda.  Sidoo kalena bulshada degaannadan ku dhaqan oo intooda badani taageersan yihiin Somaliland iyo intii kale ee usoo hanqal taageyseyba ayaa arrintani ku abuurtay niyad jab wax weynna u dhintay kalsoonidoodii hore, waxana taas beddelkeeda meesha soo galay yididdiilo iyo dardar hor leh oo degaannadaas kaga timid dhinaca maammul-goboleedka Puntland ee deris-wadaagta la ah.

Harowo Desk-news: Ceerigaabo Somaliland

Login