July 17, 2010
Damaca Daahir Rayaale iyo Dareenka Beelaha Maxamed Case
Hordhac: Waa Maqaal ka mid ah dhoowr maqaal oo ku salaysan Xaqiiq iyo Xaradhba (Facts and Figures) oo Beesha Maxamad Case ee Awdal u soo gudbiyeen Wargeyska HiilDanYare. Waana maqaal ka tarjumaya xaq darada xad dhaafka ee Maamulka Madaxweyne Rayaale ku hayo Beesha ugu ballaadhan gobolka Awdal ee Max’d Case. Waa Xaqiiq an indhaha laga qarsan karin oo an jecel nahay inaan la wadaagno dhammaan Bulsho weynta Awdal iyo Somaliland meel kasta ooy joogaanba. Wuu dhammaaday wakhtigii Dulmigu oo dadkii waxay leeyihiin filnaansho waa filnaansho (Enough is Enough), ‘in Dhibaato igu fillanna Faraqaan ku haystaa’.. Beesha ugu ballaadhan Awdal kuma rabaan xaq darro iyo xoog waxba, hadday Mudahaaraadaana waxa la odhan doonaa sidii hore loo yidhi ‘Reer diidan Somaliland ayaa Mudaharaaday’. Su’aalahase is weydiinta mudan waxay yihiin:
- Marka beeshii Awdal ugu ballaadnayd la dulmo, yaa Diidan jiritaanka Somaliland’?
- Yaa Raba inuu Caaddifadda dadka ka faa’iidaysto oo wax ku maamulo?
- Max’d Case la’aantiise ma jiri kartaa Awdal, mase jiri kartaa Somaliland?
- Madaxweynuhu muxuu ugu abaal guday Max’d Case oo ah besshii ugu badnayd ee xaga Awdal uga codaysay, la’aantood maku guulaysan kari lahaa jagada Madaxnimo?
- Haddii Dadku dareeraan ooy ‘Diidnay yidhaahdaan Daahir’, taasi ma Danbi baa, Ma Dulmi baa, Ma Diintaa laga baxay, waa Doow?
Waanakan mid ka mid ah Maqaalada hadda na soo gaadhay ee Akhris wanaagsana, maqaalada danbana qaybaha danbe ayaan ku soo qaadan doonnaa:
Sida laga warqabo dalkii la odhan jiray soomaaliya markii uu xoriyada ka qaatay gumaystayaashii reer Yurub ee kala ahaa Britain iyo Italy kadibna ay midoobeen labadii gobol ee waqooyi iyo koonfurtu 1960 kii bilowgiiba madaxdii hogaanka u qabatay waxay miciin bideen damac qaawan oo lagu duudsiyay qaybo ay ka mid ahaayeen goboladii waqooyiga loo yaqaanay iyaga oo is tusay riyo beena iyo maangaabnimo, kaas oo ku hogaamiyay inay qaranimada kadoor bidaan qabiilka iyaga oo isku xeeray xilalkii qarankana ku taxay beelaha ay ka dhasheen beelaha kalana iska fogeeyey.
Taas oo la noqotay inay tahay sida kaliya ee xukunkooda ku raagayo, laakiin nasiib darro ayay ku danbaysay riyadii foosha xumayd waxayna galaafatay dhamaan dalkii iyo dadkii soomaaliyeed, waxayna noqotay taariikh iyo astaan lagu waano qaato.
Sidaa daraadeed dalkan Somaliland oo ah dalyar soona maray dagaalo iyo burbur balaadhan ayaa markii uu dhaxlay hogaanka madaxwayne rayaale wuxu maray wadadii wadkiisa isaga oo gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo kadhigay meel u xidhan qabiilkiisa Makaahiil. Xilalkiina ku taxay reerkooda taasina waxay tustay umadda reer Somaliland inaanu ahayn ninka ay moodeen maadaama gobolkiisana aanu xaqsoor ka samayn Karin.
Waxanan dadka Somaliland halkan ugu muujinaynaa dareenka beelaha max’ed case iyo shaxda maamulka beelaysan ee G/Awdal waana sidan:
|
No |
Magaca Xilka |
Maxamed Case |
Makaahiil |
Habarcafaan |
|
1 |
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Awdal |
0 |
1 |
0 |
|
2 |
Isuduwaha Macdanta Iyo Biyaha Awdal |
0 |
1 |
0 |
|
3 |
Isuduwaha Dhirta Iyo Daaqa G/Awdal |
0 |
1 |
0 |
|
4 |
Isuduwaha Waxbarashada Gobolka Awdal |
0 |
1 |
0 |
|
5 |
Isuduwaha Wasaarada Dib U Dejinta |
0 |
1 |
0 |
|
6 |
Isuduwaha Wasaarada Hidaha Iyo Dalxiiska |
0 |
1 |
0 |
|
7 |
Isuduwaha Boosaha Iyo Isgaadhsiitna |
0 |
1 |
0 |
|
8 |
Isuduwaha Wasaarada Cadaalada G/Awdal |
0 |
1 |
0 |
|
9 |
Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka |
0 |
1 |
0 |
|
10 |
Taliyaha Ciidanka Hubka Dhigista G/Awdal |
0 |
1 |
0 |
|
11 |
Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Awdal |
0 |
1 |
0 |
|
12 |
Isuduwaha Wasaarada Ganacsiga Ee Awdal |
0 |
1 |
0 |
|
13 |
Gudoomiyaha Ururka Bisha Cas Ee G/Awdal |
0 |
1 |
0 |
|
14 |
Gudoomiha Jaamacada Camuud |
0 |
1 |
0 |
|
15 |
Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Camuud |
0 |
1 |
0 |
|
16 |
Gudoomiyaha Xisbiga Udub Ee G/Awdal |
0 |
1 |
0 |
|
17 |
Taliyaha Qaybta Booliska G/Awdal |
0 |
0 |
1 |
|
18 |
Taliyaha Sirdoonka Gobolka Awdal |
0 |
0 |
1 |
|
19 |
Taliyaha Danbi Baadhka Gobolka Awdal |
0 |
0 |
1 |
|
20 |
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka G/Awdal |
0 |
0 |
1 |
|
Isuduwaha Hawlaha Guud Ee G/Awdal |
0 |
0 |
1 |
|
|
23 |
Isuduwaha Beeraha Ee Gobolka Awdal |
0. |
0. |
1 |
|
24 |
Isuduwaha Warfaafinta Ee G/Awdal |
1 |
0 |
0 |
|
25 |
Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka G/Awdal |
1 |
0 |
0 |
|
Wadarta Masuuliyiinta |
2 |
17 |
6 |
|
|
8% |
68% |
24% |
Dugsiyada Waxbarashada Degmada Boorama
|
No |
Magaca dugsiga |
Max’ed case |
Makaahiil |
Habar cafaan |
|
1 |
Dugsiga h/dhexe aadan isaaq |
0 |
1 |
0 |
|
2 |
Dugsiga h/dhexe galbeedi |
0 |
1 |
0 |
|
3 |
Dugsiga h/dhexe sh.cismaan |
0 |
1 |
0 |
|
4 |
Dugsiga h/dhexe c/lahi ahmed good |
0 |
1 |
0 |
|
5 |
Dugsiga h/dhexe sh/c/rahman |
0 |
0 |
1 |
|
6 |
Dugsiga h/dhexe sheed dheer |
0 |
1 |
0 |
|
7 |
Dugsiga h/dhexe ardaale |
0 |
1 |
0 |
Cabdiqani suldaan-Yuusuf
HiilDanYare@Aol.com

