July 17, 2010
Al-Shabaab oo Maammul Ka Dhisay Degaanno Ka tirsan Sanaag-Bari.
Ceerigaabo (Harowo) - Kooxaha Al-shabaab ayaa sida ay xaqiijiyeen warar lagu kalsoon yahay oo aannu ka helnay degaankaas waxay maammul hor leh oo islaami ah kaga dhawaaqeen kana taageen calan iyaga u gaar ah degaanka Tuulada Gal-gala oo qiyaastii dhawr iyo labaatan kilo-mitir jahada galbeed ka xigta magaalada Boosaaso (Puntland) halkaas sidoo kalena ay la shireen bulshada degaankaas ku nool oo ay sheegeen in lagu xukumayo maammul islaami ah.
Waxana kooxdaasi Al-shabaab hoggaaminaya nin magaciisa lagu sheegay Atam.
Warka ayaa intaas ku daraya in maammulkan Al-shabaab degaankaas durba ka mamnuuceen waxyaabaha ay ka mid yihiin dumarka oo xijaab la’aan lagu arko, cunista jaadka, cabbista sigaarka, cayaarista shaxda, turubka dumnadda iwm.
Arrintan ayaa ahayd mid muddooyinkanba kusoo siqaysey degaankaas oo uu ka jirey dhaqdhaqaaqa la xidhiidha kooxaha Al-shabaab haseyeeshee xilligan ayaad mooddaa in ay jirto awood usoo korodhay oo u saamaxdey in ay degaankaas kaga dhawaaqeen maammul awood leh kana taageen calanka iyaga u gaar h.
Dhinaca kalena arrintan ayaa ah mid kusoo korodhay guud ahaan Somaliland oo ay tahay markii ugu horraysey ee geyigeeda lagaga dhawaaqay maammul noocan oo kale ah. Bulshada ku dhaqan degaankan ayaa inkastoo horeba aanu halkaas uga jirin wax maammul shaqeeya iyaguna waxay dhinacooda ka muujiyey walaaca arrintani iyo saamaynta ay yeelan karto.
Ceerigaabo: Suxufi Madaxbanan
