July 14, 2010
Siilaanyo Waa Inuu Tix Galiyaa Awood QaybSiga Beelaha Somaliland
Waxaan marka hore hambalyo udirayaa madax waynaha xilka kadagaya mudane Daahir Rayaale Kaahin marlabaadkana waxaan hambalyo udirayaa madax wayanaha ladoortay mudane siilaanyo. Somaliland oo kakooban beelo isku tagay oo ku heshiiyay inay samaystaan maamul kagaara somaliya inteeda kale waxaa heshiis u ahaa in dawlada ay dhisteen lagu qaybsado qaab beeleed oo aanay beelina sad bursiimo helin beeshi doontaaba markaa ha ahaato madaxweyne, waxaase waa jib ah in si siman wax loo qaybsado.
Had iyo jeerna sida dawladii daahir riyaale udhisnayd waxaa waajib ah in beesha madax waynaha lihi ay waayi doonto sadexda jago ee ugu mihiimsan dawlada sida arimaha dibada, arimaha gudaha, iyo maaliyada oo ay xaq uyeelanayaan beelaha markaa aan hayn jagada madax waynanimada.
Waxa kale oo jira in lasoo jeediyay in golaha wasiirada laga dhigo 15 wasiir oo ay gudi uu madaxweynaha ladoortay magaacaabay ay soo saartay, inkastoo lahadal hayo in madax weynaha ladoortay uu kudarayo laba wasiir oo ay noqonayaan 17 wasiir.
Waxa hadaba is waydiinle sidee loo qaybinayaa tiro ahaan golahan wasiirada ee kakooban 17 ka sida lahadalhayo,hadaba aynu wax kanidhaahno sida ugu fiican ee loo qaybinayo iyadoo lagu salaynayo habka awood qaybsiga beelaha
1. Shan wasiir oo uu kujiro wasiirka maaliyada iyo ka arimaha dibada waxa leh beelaha Awdal iyo salal, madaxweyne kuxigeenku maaha jago rasmiya ee waa mid maamusa oo aan awood lahayn
2. Shan wasiir oo uu kujiro ka arimaha gudaha iyo gaashandhiga waxaa leh beelaha sool iyo sanaag bari
3. Shan wasiir waxaa leh beelaha dhexe
4. Hal wasiir waxa le beelaha lahayb sooco
5. Hal wasiir waxaa le dumarka
bal iyagana aynu wax kanidhaahno golayaasha kale sida sharci dajinta iyo maxmada sare
1. Gudoomiyaha golaha baarlamaanka waxaa leh beelaha sool iyo sanaag
2. Gudoomiyaha guurtida waxaa leh beelaha dhexe
3. Gudoomiyaha maxkamada sare waxaa leh beelaha awdal iyo salal maadama ay haystaan madaxweeyne kuxigeenkii oo ah xil maamuus ah.
Waxa aanu uga digaynaa madaxweynaha ladoortay inaanu kudhaqaaqin si kaduwan sidii ay kuheshiiyeen beelaha reer soomaliland oo ka kooban 3.5 waajibna ay tahay in sadexda beelood ee waawayni ay isku saami yihiin oo aanay beelina beel kabadnayn waxa kale oo waajiba in lailaaliyo xuquuqda ayleeyihiin dadka laga tirada badan yahay.
Waxa kale oo aanu madaxweynaha ladoortay leenahay si cadala ugudo waajibkaaga oo ilaa xad ay ku qancaan umadu kana waantoow wixii keeni karo kala shaki iyo cadaalad daro.
Wa Bilaahi Tawfiiq
I. Mohamed
Email: buur_4@hotmail.com
